HomeSomaliland oo baadhaysa Walxo Diyaarado Dagaal ku tureen Deegaan ka tirsan Hargeysa

Somaliland oo baadhaysa Walxo Diyaarado Dagaal ku tureen Deegaan ka tirsan Hargeysa

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

 

Hargeysa (SLpost)- Wasiirka arrimaha dibada Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir (Faratoon), ayaa ka hadlay Diyaaraha aan la aqoonsan ee walxaha ku daadiyey Deegaano ka tirsan Degmada Salaxlay, waxaanu sheegay in xukuumad ahaan ay arintan baadhitaan ku samaynayaan, balse aanay marnaba raali ka ahayn in lagu soo xad gudbo Badda, Hawadda iyo Dhulka Somaliland.

wasiirka-arrimaha-gudaha-somaliland-yaasiin-faratoon

Wasiirka Arrimaha Dibadda Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir (Faratoon) oo u waramay Wargeyska Geeska Afrika, ayaa sidoo kale ka hadlay socdaalka Madaxweynaha ee Berbera iyo roobabka curtay, waxaanu ugu horeyn uu ku jawaabay isagoo ka jawaabay diyaaradahan walxaha daadiyey iyo waxaa Xukuumad ahaan uga meel yaala.

 

“Dawladdu marnaba raali kama ah, cid cadaw ah, ama cid kasta oo dalkeeda iyo dadkeeba ku soo xad gudba, Dawladduna diyaar uma ah cid cadaw ah oo diyaarado wata ama hub iyo wax kale ku soo daadiya dalkeena, Dawlad iyo Shacabna raali kama nihin in xadkeena lagu soo xad gudbo, wixii aynu ka qaban karnaan waa laga qabanayaa, arimahan oo kalena dalka hore wey uga dhac-dhaceen, diyaaradahan cid wadaa iyo ujeedada laga leeyahayna lama fahansana, laakiin Dawlad ahaan arintan waanu hubinaynaa, oo waanu baadhaynaa siday wax u dhaceen, marka ay wax dhacaana waa la buun-buuniyaa, laakiin diyaaradahani haddii ay ka yimaadan Wadamada Jaarka, iyo haddii ay ka yimaadan baddahaba, marnaba raali kama nihin in Baddeena, Dhulkeena iyo Hawadeenaba lagu soo xad gudbo,”.

 

Mar uu ka hadlaayey Socdaalka Madaxweynaha ayaa yidhi, “Anigu waxaan ka mid ahaa Dadkii Madaxweynaha u raacay Magaalada Berbera,Mashaariico badana waanu furnay maanta (shalay), horumarkaas ka socda Berbera waa horumar inoo soo kordhay, oo faa’iido badan u leh dalkeena iyo dadkeenaba, oo Dekaddeena oo ah halkay wax inooga soo degaan horumar weyn baa la gaadhsiiyey, aad iyo aadna waanu ugu faraxsan nahay, qaabka ay hadda u shaqeeyso iyo dawladdu waxay mar kasta diyaar u tahay inay dalka horumar balaadhan oo dhan kasta ah gaadhsiiso iyo inay shaqo abuur sameeyso”.

 

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories