HomeSomaliland oo 25-sanno Ka dib Dalkeeda ka hirgelinaysa Adeegga Boosaha iyo Wakhtiga...

Somaliland oo 25-sanno Ka dib Dalkeeda ka hirgelinaysa Adeegga Boosaha iyo Wakhtiga loo muddeeyey in la hawl-galiyo

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)- Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo, ayaa shaaca ka qaadday inay dhowaan dalka ka hirgelinayso addeegga Boosaha oo 25-kii sanno ee ugu dambeeyey aan waddanka laga isticmaalin tan wakhtigii ay bur burtay dawladdii Maxamed Siyaad Barre, wakhtigaas oo Somaliland ka mid ahayd dal-weynihii laysku odhan jiray Jamhuuriyadda Soomaaliyeed.

Agaasimaha guud ee wasaaradda Boosaha iyo is-gaadhsiinta Somaliland mudane Faysal Cali Sheekh Maxamed, ayaa  shaaca ka qaaday in ay dhawaan dalka ka hirgelinayaan  adeegii Boosaha, kaasi  oo xiligan  baahi weyn loo qabo.iyada oo aanu muddo badan shaqaynin adeegaasi.

agaasimaha-BoosahaWaxaanu sheegay Md. Faysal in ay ka wasaarad ahaan dadaal dheer u galeen sidii ay u soo celin lahaayeen adeega Boosaha, iyaga oo la kaashanaya qaar ka mid ah shirkadaha is-gaadhsiinta, isaga oo tilmaamay  in Somaliland uu adeega Boostadu ka jiray  ka hor markii ay gobanimadeedda qaatay, hase yeeshee xiligan oo la marayo wakhti casri aanu adeegaasi ka jirin.

Faysal Cali Sheekh Maxamed,  Agaasimaha guud ee wasaaradda Boosaha iyo is-gaadhsiinta  oo u warramay warbaabinta Afka dawladda ku hadasha, waxa kale oo uu sheegay in ay  wadaan qorsheyaal ay ku horumarinayaan hawlaha ay wasaaradu masuulka ka tahay, si ay u noqoto wasaarad muhiim u ah qaranka.

 

 Agaasimuhu isaga oo arrimahaasi ka hadlayayna  waxa uu yidhi “Waxa noo qorshaysan dhawaan oo uu  ku tallo  galkayagu yahay in aanu soo celino adeegii  Boosta. Waxaanu ku tallo jirnaa wixii awoodayada  ah in aanu samayno, wasaaraduna  ay noqoto  wasaaradda ugu mihiimsan marka loo eego wasaaradaha kale. Waxa jira shirkado gaar loo leeyahay  oo iyaga  laftooda ka wada hadli doono sidii aanu u wada shaqeyn laheyn,  anagoo aan cabudhineyn shirkadaha gaarka loo leeyahay.”

Mar uu ka hadlaayay taariikhda dhinaca Boosaha ee Somliland waxa uu yidhi “1920-kii  ayaynu lahayn adeega Boostadda, maanta oo  aynu maryano 2014-kiina run ahaantii Boos shaqaysa ma lihin,  waxaana aynu ku dedaali doona inaynu Boos sameysano.”

Agaasimaha guud waxa kale oo uu ka hadlay xarun cusub oo loo dhisay wasaaradda Boosaha oo uu sheegay in ay dhawaan ku hawl gali doonaan. waxa kale oo uu sheegay in ay dhawaan keeni doonaan  qalab casri ah oo wax ka tari doona ilaalinta cashuuraha iyo isku xidhka shirkadaha telefoonada. “Dhismaha wasaaradani ku jirto waxa la dhisay sanadkii 1944-kii, meeshaasina mahaa meel lagu shaqeyn karo. Waxa noo hirgashay inaanu dhameystiro xarun aad u balaadhan oo ka kooban labaatan xafiis, kuwaas oo leh  waxyaabihi  looga baahnaa oo dhan. Waxa noo qorshaysan inaanu keeno qalab cusub oo dhinaca isgaadhsiinta wax lagaga qabanaayo, haday tahay cashuuraha  iyo haday tahay isku xidhkaba. markaa run ahaanti hawlahaasi way noo qorshaysan yihiin.” Ayuu yidhi agaasimaha wasaaradda Boosaha.

Md. Faysal Cali Sheekh Maxamed, ayaa   dar-daaran u soo jeediyay shirkadaha is-gaadhsiinta ee gaarka loo leeyahay, isaga oo tilmaamay in shirkadahaasi looga baahan yahay in ay si wanaagsan ula shaqeeyaan wasaaradda Boosaha.

“Hadaanu nahay  wasaaradda Boosaha iyo Is-gaadhsiinta waxaanu  leenahay shirkadaha gaarka loo leeyahay  aynu wada shaqeyno, maadaama hal bawlaha dhaqaalaheenu yahay isgaadhsiinta,   oo shaqaalaha ugu badanina ay ka shaqeeyaan shirkadaha isgaadhsiinta ee gaarka loo leeyahay,” ayuu yidhi Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Boosaha iyo Isgaadhsiinta Faysal Cali Sheekh.

SOMALILANDPOST.NET

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories