HomeSomaliland: Nuxurka Heshiis Laba Geesood ah Oo Dhexmaray Maxkamadda Sare iyo Jaamacadda...

Somaliland: Nuxurka Heshiis Laba Geesood ah Oo Dhexmaray Maxkamadda Sare iyo Jaamacadda Abaarso Tech

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)- Maxkamadda Sare ahna Maxkamadda Dastuuriga ah ee Somaliland iyo Jaamacadda Abaarso Tech, ayaa kala saxeexday heshiis laba geesood ah.

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ahna Guddoomiyaha Guddida Cadaaladda Jamhuuriyadda Somaliland, Garyaqaan Aadam Xaaji Cali Axmed iyo Guddoomiyaha Jaamacadda Abaarso Tech Axmed Xuseen Ciise, ayaa si wada-jir ah u saxeexay heshiis waxbarasho oo Jaamacaddu ka caawinayso Hal-wadeennada Maxkamadda Sare iy Guud ahaanba bahda Garsoorka Dalka.

War-saxaafadeed uu ku saxeexan yahay Madaxa Waaxda Xidhiidhka Dadweynaha iyo Warbaahinta ee Maxkamadda Sare, Ibraahim Maxamed Cali, ayaa lagu faahfaahiyey nuxurka heshiiska.

War-saxaafadeedka ayaa u qornaa sidan:- “Guddoomiyaha Maxkamadda Sare waxa heshiiska ku wehelinayay la taliyaha dhanka farsamada ee Maxkamadda Sare Dayib Muxumed Nuur halka Guddoomiyaha Jaamacadda Abaarso ay wehelinayeen Guddoomiye ku xigeenka Jaamacadaasi Axmed Ismaaciil Cabdi iyo Mawliid Cabdilaahi Yoonis oo kamid ah hormuudada (Deans) Jaamacadaasi.

Ugu horayn Guddoomiyaha Maxkamadda Sare mudane Aadam Xaaji Cali Axmed ayaa uga mahad-celiyay Jaamacadda Abaarso, deeqda waxbarasho iyo heshiiska ay wada gaadheen, waxaanu ku tilmaamay fursad-weyn oo bahda Garsoorka iyo Cadaaladda u soo hoyatay. Guddoomiyaha ayaa xusay in deeqdan iyo heshiiskanbaa ay ka faa’iidaysan doonaan qaybaha kala duwan ee Garsoorku, waxaanu tilmaamay in ay kamid noqon doonto fursadaha aqoon-korodhsi ee Garsoorku helo.

Guddoomiyaha ayaa tibaaxay in cilmigu yahay shayga ugu qaalisan ee jiheeya shakhsiyada qofka isla markaana u horseeda horumarka uu hiigsanayo. Waxaanu is-dul-taagay in fursadani ay muhiim u tahay labada dhinacba haddii ay tahay Maxkamadda Sare oo matalaysa Bahda Garsoorka iyo Jaamacadda Abaarsaba. Ugu danbayn Guddoomiyaha ayaa xusay in heshiiskani qayb ka yahay heshiisyo ay Maxkamadda Sare la gashay Jaamacadaha dalka, waxaanu ugu baaqay guud ahaan hawl-wadeenada Garsoorku in ay ka faa’iidaystaan deeqda iyo heshiiska waxbarasho ee ay wada-gaadheen Maxkamadda Sare iyo Jaamacadda Abaarso.

Heshiiska Maxkamadda sare iyo Abaarso TechGeestiisa Guddoomiyaha Jaamacadda Abaarso ayaa guddoomiyaha uga mahad-celiyay heshiiskan ay wada gaadheen, waxaanu xusay in Cadaaladdu ay tahay tiirka ugu muhiimsan dhismaha dawladnimada, waxaanu xusay in ay aad ugu faraxsanyihiin in ay doorkooda ka qaataan horumarka Garsoorka iyo cadaaladda ee dhanka waxbarashada.

Guddoomiye Axmed Xuseen ayaa tilmaamay in aanay Jaamacaduhu kaliya u taagnayn in ay arday waxbaraan hase yeeshee ay u taaganyihiin in dalkooda ay wax ku soo kordhiyaan, haddii ay noqoto daraasad iyo aqoon cusub labadaba. Gunnaanadkii wuxuu tibaaxay in Jaamacadda ay sharaf u tahay in ay la bahowday Garsoorka isla markaana ay diyaar u yihiin wixii iskaashi ah ee heshiiskani jidaynayo.”, Sidaas ayaa lagu yidhi war-saxaafadeedka ka soo baxay Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Somaliland.

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories