Home"Somaliland ninka Cadowga u ah ee soo weerara, ma barido ee way...

“Somaliland ninka Cadowga u ah ee soo weerara, ma barido ee way iska Celisaa, waa layska kaa celinayaa” – Madaxweynaha Somaliland

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md Muuse Biixi Cabdi, ayaa ka hadlay Guddi uu madaxweynaha Somaliya uu u magacaabay wada-hadallada u dhexeeya labada waddan iyo saddex qodob oo uu ujeeddada magacaabista guddiga iyo hawlaha ay qabanayso lagu saleeyey.

 

Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa kale oo uu ka hadlay Markab Xoolo ka qaaday Dekedda Berbera oo muddo todobaaddo ah ku xannibnaa dekedda Jeddah ee dalka Sucuudiga Carabiya, balse markii dambe la sii daayey, cidii iska lahayd xoolaha Markabka ku rarnaa iyo haddii ay jirto doorkii ay dowladda Soomaaliya ku lahayd xannibaadda iyo sii-deynta Markabka.

 

blank

 

Ugu horeyn Madaxweynaha oo ka hadlayey Guddiga uu Maxamed Cabdilaahi Farmaajo u magacabay wada-hadallada Somaliland, waxa uu yidhi, “Maalahan waxa saxaafadda ku jiray guddi la sheegay inuu magacaabay madaxweynaha Somaliland Maxamed Cabdilaahi. Guddiga marka la magacaabayo waxa ka horreeya ujeeddada loo magacaabay iyo hawsha loo dirayo, hawsha guddidaas loo diray waa laba qodob, labadaas qodobna midna Somaliland ma khuseeyo, mar haddaanay khusaynna Somaliland ahaan wixii gudahooda ah farogelin mayno.”

 

Madaxweynaha oo hadalkiisa sii watay, waxa uu yidhi, “Waxa kale oo deelqaaf ah oo aan caqliga gelin guddi buu magacaabay oo uu yidhi Somaliland baannu doonaynaa inaannu lasoo heshiinno, rag Somaliland u dhashay oo isaga la joogana wuu soo magacaabay, taas macnaheeduna waa Somaliland aniga ayey ila joogtaa, hubaashuna waa dadka kula joogaa waa dad Somaliland u dhashay, laakiin aan wadin qaddiyaddii Somaliland iyo go’aankii Somaliland, mana dhici karto inay Somaliland u hadlaan dad Farmaajo u shaqeeyaa, waxase u hadli doona dadkeeda xilalkeeda haya ee ummaddani dooratay ama ay igmatay inay u hadlaan.”

 

Dhinaca kale, madaxweynaha Somaliland waxa uu sheegay in markabka Xoolaha ka qaaday Dekedda Berbera ee muddada ku xannibnaa dalka Sucuudiga uu iska lahaa Bangiga Horumarinta Islaamka, dowladda Soomaaliya-na isku dayday inay dowladda Sucuudiga kala hadasho sidii loo xannibi lahaa, balse taasi u suurtoobi weyday, sii deynta markabka ee ay sheegatay dowladda Somaliya aanay waxba ka jirin.

 

“Somaliland intii uu madaxweyne Farmaajo xilka yimi waxa ay kala kulantay cadaawad aan hore loo arag 28-kii sanno. Wuxuu bilaabay cadaawad dhinac walba ah hadday tahay mid faro-gelineed, mid ciidan, mid dhaqaale, mid baro-bagaando, dhinac walba oo aan tudhaale lahayn. Tii shalay ee Adhiga ayaa u dambaysay oo waliba ceebtooda ay ku faaneen oo yidhaahdeen annagaa sii daynay oo caalamku la yaabay markii ay horjoogsadeen dadkii Xajka adhigii ay ka iibsadeen Berbera.

 

Madaxweynaha oo sharraxayay sababta loo xannibay Makabka Xoolaha Siday, waxa uu yidhi,  “Baanka Islaamka meelaha ugu badan ee uu wax (Adhiga) ka iibsado waxa ugu badan Soomaalida, inta badanna wuxuu ka dhoofaa Berbera dhowaanshiyaha dekedda oo ku habboon awgeed. Markaa dhowr bilood ka hor ayuu Baanku Islaamku meelihii uu adhiga ka iibsan jiray ka iibsaday oo lacagtiina badh sii shubay. Markaa dhiga la raray waxa isla lahaa Baanka Islaamka, ganacsatada Somaliland-na heshiis bay ku jireen in lacagtaas qaddimaadda ahna sii hayaan, xoolahana la raro, markaa waxa is-haystay Baankii iyo nimankaas Muqdisho jooga.”

 

Isagoo hadalkiisa sii watay waxa uu intaas raaciyey, “Markaa Waa Cadaawadda Illaa halkaas gaadhsiisan, Somaliland-na cadaawad ayaa ka dhaxaysa. Somaliland ninka Cadowga u ah ee soo weerara, ma barido ee way iska Celisaa, waa layska kaa celinayaa,” Sidaas ayuu yidhi Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md Muuse Biixi Cabdi.

 

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net

 

 

 

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories