HomeSomaliland: Nin Kuu Digay Kumuu Dilin - W/Q Cabdiraxmaan Cadami

Somaliland: Nin Kuu Digay Kumuu Dilin – W/Q Cabdiraxmaan Cadami

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

blankWasiirka wasaaradda gaadiidka Itoobiya gabadha la yidhaahdo Daagmaawiit Moges mar ay la hadlaysay warbaahinta waxay sheegtay in dawladda Itoobiya dhawaan meel marisay ama ansixisay siyaasad cusub oo ku aaddan ‘Logistics-ka’ dalka oo qodob ka mid ah tilmaamayo Itoobiya in ay sii isticmaali doonto dekedaha dalalka jaarka ah inta ay ka helayso deked ay iyadu leedahay.

Professor Matewos Insermo oo wax ka diyaariyay sharcigan iyo damaca ay dawladda Itoobiya ku doonayso in ay deked gaar ah yeelato isna wuxuu yidhi: “ Waxa lagama maarmaan ah Itoobiya in ay deked ku hesho Iib, gorgortan, kiro muddo dheer (lease) oo ay iyadu maamusho ama siyaabo kale ku hesho”!!!

Taliyaha Militariga Itoobiya Jeneral Birhano Julla mar sii horaysay isna wuxuu yidhi: “macquul maaha lamana aqbali karo in Itoobiya oo dadkeedu 100 malyuun kor u dhaafay bad la’aato.”

Taliyihii hore ee ciidamada Itoobiya Gen Adam Maxamed mar uu tababar u soo xidhayay saraakiishii u horaysay ee ciidamada badda isna wuxuu yidhi: “ Saldhigga ciidanka Badda ee Itoobiya waxa laga dhisi doona meel ka mid iyo dal ka mid ah dawladaha jaarka ah.”

Ra’isal wasaaraha Itoobiya wuxuu isaguna dhawr jeer wuxuu ku celceliyay sida dalkiisu ugu baahan yahay deked si aanay marti ugu ahaan dekedaha waddamo kale.

Inkasta oo ay ilaa hadda ay sir u tahay saaxiibadii isbahaystay (Afwerki, Abiy iyo Farmaajo) haddana waxa laga warqabaa in madaxweynihii hore (Farmaajo) ee Soomaaliya afar dekedood ka iibiyay Abiy Axmed isaga oo kaga bedeshay in Itoobiya iyo Ereteriya gacan ku siiyaan in uu Soomaaliya xukumo waligii laguna ilaaliyo. Ogow dekedaha uu xaraashay waxa ka mid ah kuwa Somaliland.

Muwaadin weedhahan ka soo yeedhaya madaxda kala duwan ee Itoobiya waxay la kawsadeen doorashadii Abiy Axmed ee 2018, hase ahaatee hadda ka hor waxay ahaayeen hindiseyaal iyo aragti mala-awaal ah oo aan dhab(Serious) loo qaadan Karin haddase sida ay wasiirraddu sheegtay waa siyaasadda rasmiga ah ee dawladda Itoobiya oo wakhti ay noqotaba fulinteeda la isku dayi doono.

Waxaan u malaynaya Somaliland in aan waxba loo qarin waana farriimo cad oo u baahan in lagu baraarugo, Jabuuti qudheedu waxay ka mid tahay meelaha Itoobiya ku taamayso. Soomaalidu waxay tidhaahda : Nin kuu digay kumuu dilin.

Haddaba madaxda Jamhuuriyadda Somaliland maxaa la gudboon?

In si dhab ah loo qaato digniinaha ka imanaya dhinaca Itoobiya iyo in Beesha Caalamka lala socodsiiyo ujeedooyinka ra’isal wasaaraha Itoobiya ee gobolka Geeska Afrika.

In siyaasad iyo diyaargarow laga yeesho damaca iyo dekedo raadinta Itoobiya ku doonayso in ay wax ka bedel ku samayso xuduudihii Isticmaarku ka tegay si ay bad u hesho.

In hoggaamiyeyaasha gobolku iskaga yimaaddaan talo midaysana ka yeeshaan siyaasadda dhul balaadhsiga ah ee Itoobiya.

Waxa la yidhaahda : ama buur ahaw ama buur ku tiirsanow. Somaliland waxay u baahan tahay in ay hesho quwado iyo xulufo heshiisyo militari lala galo oo inaga caawin kara casriyaynta iyo qalabaynta ciidanka Qaranka si ay u awooddaan difaaca dhulka, cirka iyo badaha Jamhuuriyadda Somaliland.

Waxa Qoray Cabdiraxmaan Cadami

Abdirahmanadami33@yahoo.com

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories