HomeSomaliland: Nidaamka Mushahar-bixinta Shaqaalaha Dowladda oo la casriyeynayo

Somaliland: Nidaamka Mushahar-bixinta Shaqaalaha Dowladda oo la casriyeynayo

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)- Xukuumadda Somaliland, ayaa bilaabaysa qorshe Carsiyeysan oo Nidaamka Mushahar Bixinta Shaqaalaha Dawladda loo sameynayo, waxaana  qof kasta oo shaqaale dawladdeed ah loo sameyn doona nidaam Xisaabeed  u gaar ah (Personal Account) oo looga furayo Baanka dhexe.

1Guddoomiyaha Hay’adda shaqalaha dawladda ee Somaliland md Sharmarke Axmed Muxumed Geelle, Xisaabiyaha Guud ee Qaranka Somaliland Axmed Daa’uud Geedi iyo Guddoomiyaha Baanka dhexe ee Somaliland Cali Ibraahin “Baqdaadi” oo uu weheliyo Agaasimaha Guud ee baanka dhexe ee Somaliland Axmed Xasan Carwo, ayaa kulan saddex geesood oo iskugu yimaadeen Xarunta Hay’adda shaqaalaha dawladda, waxa iskula qaatay Qorshaha  bilowga  casriyeynta nidaamka mushahar bixinta shaqaalaha dawladda  halkaas oo shaqaale walba loo samaynayo xisaab u gaar ah oo mushaharka loogu shubo.

Nidaamkan oo noqonayo markii u horeysay ee Shaqaale-weynaha Dowladda loo sameeyo, ayaa la jaan-qaadi doona nidaamadda caalamiga ee dawladaha Caalamka iyo shaqaalahoodu dhinaca mushahaar bixinta ay ku wada macaamilaan mushaharka qof kasta oo shaqaale dawladdeed ahina helayo markay bishu dhamaato (Account)-kiisa lacagta uu xaqa u leeyahay loogu shubo.

Tallaabadan ayaa imanaysa kadib markii Hay’adda Shaqaalaha Dawladu soo dhamaysay tirintii Shaqaalaha Dawladda halkaas oo loo gudbiyo tayeyntii shaqaalaha dawladda oo ay kamid tahay casriyeynta  nidaamka mushahar bixinta

Gudoomiyaha Baanka Dhexe iyo Agasimaha Guud ee Baanka Dhexe ayaa tallaabadan ku tilmaamay mid qaran ahaan u keenaysa sumcad wanaagsan sida oo kalena kor u qaadaysa dhaq-dhaqaaqii baanka dhexe  iyaga oo  dhanka kalena tilmaamay  in ay xoog iyo xirfad ahaanba diyaar u yihiin in ay shaqadaa qabtaan.

Dhanka kale,  Xisaabiyaha Guud oo kulankan qayb ka  ahaa ayaa xusay sida ay tallaabadani kor ugu qaadayso nidaamka la xisaabtanka isaga oo xusay in nidaamkani la dagaalmi doono in mar dambe caagle ama qof aan jirin samaysmo, maadama qof walba account yeelanayo.

 Shaqaalaha  Dawlaada Somaliland ayaa ah kuwo imika tiro ahaan sugan,  siyaasado intii ay u baahnayeena  loo diyaariyey  iyada oo imikana la horumarinayo nidaamka mushahar bixintooda

 Ugu dambayn, qorshahan ayaa kamid ah dedaalada loogu jiro  dib-u-habaynta Shaqaalaha Dawladda,  maamul-wanaaga , la-xisaabtanka iyo kor u qaadida  tayada iyo tamarta Shaqaalaha Dawladd.

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories