HomeSomaliland: Maxkamadda Sare oo geed-hoostii kaga garnaqday 125 Dacwadood oo laga fuliyey...

Somaliland: Maxkamadda Sare oo geed-hoostii kaga garnaqday 125 Dacwadood oo laga fuliyey gobollada Bariga dalka

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)- Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Somaliland oo Muddo 25 Cisho ah u Guurtay Gobolada Bariga dalka, ayaa ka garnaqday 125 dacwadood oo ka jiray deegaanadaasi.

Weftiga ka socday Maxkamadda Sare oo ka koobnaa 9 garsoore iyo 8 kaaliye oo ay wehelinayeen 2 xeer ilaaliye oo ka socday Xafiiska Xeer-ilaalinta Guud ee Qaranka, ayaa gobollada Bari ee dalka ka soo laabtay 10-kii bishan 1-aad ee 2022, waxaanu safarkooda shaqo ka bilaabay magaaladda Berbera ee xarunta gobolka Saaxil 15/12/2021, iyagoo uga sii gudbay deegaanada kale ee gobolka Saaxil, Togdheer, Sool iyo Sanaag.

blankMuddadaa shan iyo labaatanaka cisho ahayd ee ay Maxkamaddu u guurtay gobolada Bari ee Jamhuuriyadda Somaliland, waxay dardar galin iyo sare u qaadid ku samaysay nidaamka Maxkamadaha guurguura iyo adeega sharci ee ay u hayso bulshada Somaliland gaar ahaan goboladaasi, sidoo kale waxay Maxkamaddu ka soo garnaqday dacwadihii darajo ahaan u soo gudbay Maxkamadda Sare ee ka jiray deegaanadaasi, kuwaasi oo dhammaa 125 dacwadood oo iskugu jiray 65 dacwadood oo Madani ah iyo 60 dacwadood oo Ciqaab ah, kuwaasi oo dhammaantood xukumo loo diray, geesta kale waxa ay Maxkamaddu maaraysay 25 dacwadood oo ay cabasho ka taagnayd.

blankDeegaanada ay Maxkamaddu socdaalka ku tagtay ee ay dacwaduhu ka jireen ayaa kala ah:

Gobolka Saaxil.
1. Berbera
2. Xamaas
3. Go’ada weyn
4. Laasa-dacwo
5. Dubur

Gobolka Sanaag
1. Ceerigaabo
2. Hilowle
3. Qal-qaloocan
4. Jirjirka
5. Jidhaan-gob
6. Dooxada dagaar
7. Taxanaha

Gobolka Togdheer
1. Burco
2. Oodweyne
3. Yaroowe

Gobolka Sool
1. Laascaanood
2. Oog

Arrintan ayay dadka deegaanku ka mahad-celiyeen maadaama ay culays ku ahayd in ay safar dheer u soo galaan magaalada Hargeysa ee Caasimadda Somaliland oo ay tahay xarunta Maxkamadda Sare. Geesta kale waxa safarka qayb ka ahayd maaraynta cabashooyinka la xidhiidha dacwadaha.

Waftiga Maxkamadda Sare ee safarka shaqo ugu baxay gobolada iyo degmooyinka bari ee dalka, ayaa soo afmeeray dacwaddo in muddo ah socday, kuwaasi oo laf-dhabar u ahaa fidinta adeega sharci iyo balaadhinta nidaamka Maxkamadaha guurguura taasi oo suurtagalinaysa in muwaadinka loogu garnaqo kambalka reerkiisa. Waxay sidoo kale qayb ka tahay arrintani dadajinta dacwadaha ka soo gudba heer gobol ee u soo gudba Maxkamadda Sare.

blankSannad walba laba jeer ayay Maxkamaddu u guurtaa dhinaca bari iyo galbeed ee dalka iyadoo bil walbana safaro gaagaaban ku tagta deegaanada dhaw dhaw ee galbeedka iyo bariga Jamhuuriyadda Somaliland, waxaanay qayb ka tahay dib u habaynta lagu sameeyay nidaamka garsoorka dalka.

Guddida garsoorka ayaa kala ahaa

1. Garsoore Cabdiqaadir Axmed Maxamuud
2. Garsoore Cabdiraxmaan Jaamac Hayaan
3. Garsoore Maxamed Faarax Siciid
4. Garsoore Axmed Diiriye Qaalib
5. Garsoore Cali-Shucayb Sh Ibraahin Nuur
6. Garsoore Cabdiraxmaan Xuseen Caynaan
7. Garsoore Yaxye Cali Idiris
8. Garsoore Cabdilaahi Cabdi Aadan
9. Garsoore Cabdiraxmaan Xasan Nuur

Oo ay kaalinayeen Kaaliyaasha Maxkamadda Sare

1. Cismaan Maxamed Caydiid
2. Mubaarig Aadan Cabdilaahi
3. Khadar Muuse Cabdi
4. Cabdikariin Ismaaciil Cabdilaahi
5. Cabdisalaan Muuse Ducaale
6. Muuse Maxamed Sh Ibraahin
7. Cumar Cabdiwahaab Siciid
8. Cabdiraxmaan Xasan Maxamed

Iyo laba Xeer Ilaaliye oo ka socday Xafiiska Xeer ilaalinta Guud ee Qaranka

1. Cali Maxamed Cali (Cali Oday)
2. Siciid Yuusuf Cabdi

Ibraahim Maxamed Cali
Madaxa warbaahinta Maxkamadda Sare JSL.

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories