HomeSomaliland: Maxkamadda Sare oo Fursad u Siisay Dadka Reer Miyiga Inay Caddaaladda...

Somaliland: Maxkamadda Sare oo Fursad u Siisay Dadka Reer Miyiga Inay Caddaaladda Ku Helaan Deegaamadooda.

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

“Waxaanu tegi doonaa goobo Miyiga ka tirsan kuna dhegeysan doonaa dacwado ka taagnaa.” Gudoomiyaha Maxkamada Sare Dr Adan Xaaji Cali.

Burco-(SLPost)- Gudoomiyaha Maxkamada Sare, ahna Gudoomiyaha Guddiga Caddaaladda & Gudoomiyaha Maxkamada Dastuurka Dr Adan Xaaji Cali ayaa shaaca ka qaaday inay ku dhegeysan doonaan dacwadaha Maxkamada Sare soo gaadhay goobaha ay ka dhaceen ee dhamaan Gobolada Barriga.

Gudoomiyaha Maxkamada Sare Dr Adan & wefdi ka tirsan Maxkamada Sare oo socdaal shaqo ku jooga Gobolka Togdheer, ayaa doraad kulan lagu dardargelinayo hawlaha garsoorka & Caddaaladda la qaatay bahda Garsoorka Maxkamada Degmada Burco, iyo shaqaalaha kala duwan ee ka hawlgala.

6s

Kulanka oo hadalo ka jeediyeen Gudoomiyeyaasha Maxkamadaha Racfaanka, Gobolka, Degmada Iyo Xeer-ilaalinta Togdheer ayaa dhamaantood soo dhoweeyey, waxaana hadaladoodii ka mid ahaa,

“Waxa innala jooga Gudoomiyaha Maxkamada Sare, ahna Gudoomiyaha Guddiga Caddaaladda, ahna Gudoomiyaha Maxkamada Dastuurka Dr Adan Xaaji Cali, oo u yimi dacwadahii ka tegay Gobolka Togdheer ee Maxkamada Sare gaadhay inay halkan ku qaadaan, kuwii Dilka, Kufsiga, Khamriga ahaa ee cuslaa, dadkana u soo dhoweeyaan,”

“Gudoomiye, dhamaan bahdii Garsoorka Gobolka Togdheer, oo halkan jooga, waxay diyaar u yihiin waxii dhiirigelin ah, Tilmaan ah, isla Xisaabtan ah,”

Gudoomiyaha Maxkamada Sare Dr Adam Xaaji Cali oo kulanka ka hadlay ayaa sheegay in imaatinoooda gobolka Togdheer saddex muhiimadood leedahay, waxaanu yidhi,

“Waanu ku faraxsan nahay inaan is-aragno, kulanno, waxii tallo iyo tilmaamo idiin soo jeedinno, waa muhiimada koowaad.

 

Gudoomiye Aadan oo ka hadlayey muhiimada labaad ee imaatinkooda Burco ayaa sheegay inay soo rareen Maxkamadii Sare, isla markaana hawlwadeeno iyo garsoorayaal badan la socdaan, waxaanu yidhi,

“Muhiimada Labaad, waxaan soo rarnay Maxkamdii Sare, waxa ila socda ilaa afartan qof, oo isugu jira, Garsoorayaal, Kaaliyeyaal, iyo hawlwadeeno kale, waxaanay Maxkamada Sare Fadhiyo ku yeelan doontaa Gobolada Barriga dhamaantood, taasoo ujeedadeedu tahay in meelahii dacwaduhu ka taagnaayeen lagu dhegeysto, hadday Ciqaab yihiin, iyo Maddani.

Gudoomiye Adam Xaaji Cali ayaa sheegay inay tegi doonaan goobo miyiga ah, oo dacwado ka taagnaa, waxaanu yidhi,

“Waxaanu tegi doonaa goobo Miyiga ka tirsan, kuna dhegeysan doonaa dacwado ka taagnaa oo soo wada maray Maxkamadaha Degmooyinka, Gobolada, Racfaanka, oo Maxkamada Sare soo gaadhay.

Talaabadan wefdiga Maxkamadda Sare oo u hogaaminayo Gudoomiye Dr Adan Xaaji Cali ugu socdaaleen gobolada Barriga ayaa wax badan ka tarri doona fursad bulshada deegaanadaasi u helaan inay go’aamadii caddaaladda ku helaan guryahooda.

Xigasho: Dawan media.

Halkan ka Daawo: https://youtu.be/Jgkh9Lh0T30

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories