HomeSomaliland: Maxkamad Dembi ku weyday Nin loo Haysto inuu Aflagaadeeyey Madaxweynaha Jabuuti

Somaliland: Maxkamad Dembi ku weyday Nin loo Haysto inuu Aflagaadeeyey Madaxweynaha Jabuuti

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Gabiley (SLpost)- Maxkamadda Gobolka Gabiley ee Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa maanta go’aan ka soo saartay kiiska loo haysto nin dhalinyaro ah oo u dhashay dalka Jabuuti, kaas oo bilihii u dambeeyey ku xidhnaa xabsiga magaalada Gabiley.

Maxkamadda Gobolka Gabiley, ayaa gebi ahaanba wax dambi ah ku weyday Aarre Sulaymaan Cawleed oo ah nin dhalinyaro ah oo Dhalasho ahaan ka soo jeeda Jabuuti, balse qaybo ka mid ah qoyskiisu deggen yihiin gobolka Gabiley.

Aarre Sulaymaan oo caan ka ah Baraha Bulshada, gaar ahaan Tiktok ayaa lagu eedeeyey in uu aflagaaddo kula kacay madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle.

Xeer-ilaalinta oo kiiska ku soo oogtay Caarre Suleymaan, ayaa racfaan ka qaadatay go’aanka Maxkamadda gobolka Gabiley, waxaana dib loogu celiyey xabsigii uu ku xidhnaa, sida ay ku soo warrameen weriyeyaal ka hawl-gala gobolka Gabiley oo qaarkood goob-joog u ahaayeen dhegaysiga Dacwadda.

Caarre Cawleed ayaa ah muwaaddin reer Jabbuuti ah, balse sannadihii u dambeeyey ku noolaa gobolka Gabiley, waxaanu inta badan dhaliilaa hoggaaminta madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle.

Xeer-ilaalinta gobolka Gabiley oo dacwadda ku soo oogtay muwaadinkan reer Jabuuti, ayaa ku eedaysay inuu madaxweyne Geelle ku tilmaamay hoggaamiye Dadkiisa laaya iyo in uu qoyskiisa aflagaadeeyey, haseyeeshee Maxkamadda gobolka Gabiley waxa ay ku weyday dhammaan eedaymaha loo haysto.

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories