HomeSomaliland & Maxamuud Xaashi Cabdi Iskuma Cusba !!

Somaliland & Maxamuud Xaashi Cabdi Iskuma Cusba !!

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Haddaad ka mid tahay dadka ku xidhan Shabakadaha Wararka ee Internet-ka laga akhristo iyo Baraha bulshadu ku kulanto waxaad in badan la kulmaysaa qoraalo ka waramaya Shaqsiyaadka ugu saamaynta badan Masuuliyiinta Xukuumadda Somaliland Xilalka ka haya ama ka hayey. Shasiyaadkaa waxa ka mid ah Maxamuud Xaashi Cabdi oo muddo shan sanadood iyo dheeraad ah ahaa Wasiirka Wasaaradda Duulista Hawada iyo Gaadiidka Cirta ee JSL, imikana loo Magacaabay Wasiirka cusub ee wasaaradda Madaxtooyada, ka dib markii uu xilkaa banneeyay Wasiirkii ka horeeyay Xirsi Cali Xaaji Xasan.

Qoraalladan aan ku hal-qabsaday Markaad sii dhadhansato ee aad u fiirsato farriimaha ay Xambaarsan yihiin waxaad fahmaysaa in dadka soo tabiyey taariikhda ay ka waramayaan ku kooban tahay ama la da’ tahay xilliga Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo. Hadday sidaa tahay sow idin lama aha inaynu baadhno oo aynu wax ka ogaano shaqsiyadda Runta ah ee Wasiirka Cusub ee Wasaaradda Madaxtooyada Somaliland, Md. Maxamuud Xaahi Cabdi. Hadday Jawaabtu tahay haa..

Maxamuud Xaashi Xaashi talada dalka uu ku qabtay iyo waxqabadka uu ka geystay ma inta Wasaaradda Duulista uun baa mise wax baa ka horeeyay oo taariikh weyn buu ku leeyahay horumarka Somaliland iyo hanaanka dawladnimo ee aynu haysanno ? waa su’aal kale oo u baahan in laga jawaabo’e Maxamuud Xaashi Cabdi sida Wasiirrada ay Xukuumaddani u dhiibtay xilkii u horeeyay ee ay qabtaan Maaha ee wuxuu hoggaaminta iyo ka qayb-galka talada dalka bilaabay isagoo 27 jir ah waxaanu noqday Maayarkii u horeeyay ee degmada Burco ee Xarunta Gobolka Togdheer yeelato 1991-kii. Iyada oo wakhtigaasi ka horna uu ka mid ahaa Saraakiishii xaga Siyaasadda ee Ururkii SNM, aynu u soo noqono Burco iyo 1991-kii  Wakhtigaa waxa dawladda hoose ee Magaalada Burco noqotay tii koowaad ee si caadiya u shaqeysa isla-markaana ku guuleysata inay Cashuur ururin ka bilowdo degmada Burco, taasi oo Magaalada Burco u suurto-galisay in lagu qabto shirkii lagaga dhawaaqay Gooni-isku-taagga Somaliland, sidaana waxa lagu sheegay oo aanu ka so xiganay buugga (Somaliland Rebuilding) ee uu qoray John dreys.

Shaqada uu wakhtigaa qabtay iyo horumarka uu Maxamuud Xaashi gaadhsiiyey degmada Burco waataa dadka ajaanibka ahi ka markhaati kacayaan. Laakiin taas oo kaliya kuma koobna waxa uu dalka ka qabtay ee waxa uu sidoo kale ka mid noqday Golihii Wakiillada Somaliland ee u horeeyay waxaanu ka mid ahaa ashkhaastii ugu firfircoonaa Xildhibaannadii wakhtigaa sida Taariikhdu xusayso, Maxamuud Xaashi waxa 34 ah uu noqday Gudoomiye guddi hoosaadka Arrimaha Dhaqaalaha ee Gollaha Wakiiladda JSL. Wakhtigaasi oo uu ka mid ahaa mudanayaashii ugu firfircoonaa Golahaasi.

Sanadkii 2002-dii markii la bilaabay Aas-aaska ururadda Siyaasadda Maxamuud Xaashi Cabdi waxa uu ka mid ahaa xubnihii Madaxweyne Siilaanyo dhidibada ula taagay Xisbiga KULMIYE. Isla markaana waxa uu doorweyn ku lahaa Doorashooyinkii Golaha Deegaanka ee 2002-dii iyo Madaxtooyadda ee 2003-dii.

Haddaynu isla garanay in Maxamuud Xaashi uu Xukuumadda Maanta talada haysa horteed taariikhda waxqabadka dalka door muuqda ku lahaa isla-markaana mudadii lixda sanno ku dhawayd ee uu Wasiirka Duulista ahaa uu Madaarrada Berbera iyo Hargeysa u rogay kuwo Caalamiya kuna soo xidhay shirkado diyaaradeed oo Caalamka ku xidha Somaliland, sarena u qaaday darajadooda, sow qalad maaha in dadka warxumo tashiilka ahi ay ka dardaar-wariyaan xil gudashadiisa Wasaaradda Madaxtooyada Somaliland oo haddii loo sii dhabbo gelo la fahmi karo in Madaxweynuhu ku soo xushay karti iyo aqoon uu ku tuhmayo.

Hadal Haamo lagama buuxsho ayay Soomaalidu tidhaahdaaye, haddii waayaha oo kuu wanaagsanaa isbeddelo inaad Samirto ayaa u roon, haddii kale xaaladda aad ku jirtaa waxay u ekaanaysaa tii uu Abwaan Xasan Xaaji Cabdillaahi (Xasan-Ganey) ku sawirayey heestii Wadhaf iyo Shimbiro war iskuma hayaan, taasi oo midhaheeda qayb ka mid ahi u dhacayeen sidan:-

Werweriyo walaac baa

Naftaydii wadaagoo

Wacadkiina maan furin.

Haddana talo wareegtee.

Waayo-aragnimo la’aanay ba’

Wadhafiyo Shimbiruhu

War isuma hayaan

Waayo-aragnimo La’aanay ba’

………………………………….

Walwaal ka cabbaan is idhi

Waadaamihii baa ila go’ay

Waydaartay karkaaradii

Waxa I qabsaday wacdaro.

…………………………………

Halkaa aynu ku dhaafno midhaha heesta Wadhafiyo Shimbiro oo aad mooddo inay sawir ugu filan tahay cid kasta oo fahamsan in cid gaar ahi debada ka riixeyso dacaayadaha laga fidinayo Wasiirka Cusub ee Wasaaradda Madaxtooyada Maxamuud Xaashi Cabdi oo aynu si dul-xaadis ah uga soo hadalnay Taariikhdiisa la xidhiidha doorka uu ku leeyahay Qaranimada Somaliland iyo hannaanka Dawladnimo ee aynu ku naaloonayno.

 

La Soco qayb kale iyo Taariikhda Wasiir Xaashi

 

Cabdiqaadir Bashiir Axmed

Hargeysa/Somaliland

 

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories