HomeSomaliland: Maxaabiis Falal Argagixiso u xidhnaa oo Cafis Madaxweyne lagu sii daayey

Somaliland: Maxaabiis Falal Argagixiso u xidhnaa oo Cafis Madaxweyne lagu sii daayey

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)- Xabsiga Dhexe ee magaaladda Hargaysa waxa maanta laga sii daayay shan maxbuus oo muddo ku dhaw 20 sanno u xidhnaa falal argagixiso.

Sii-deynta Maxaabiista Xorriyadooda loo soo celiyey, ayaa timi kaddib markii uu cafis u fidiyey madaxweynaha Somaliland Md Muuse Biixi Cabdi maadaama oo uu hore u dhammaaday xukunkii lagu xukumay oo kooda ugu xadhigga badani ahaa 25 sanno.

blankMaxaabiista waxa ka mid ah Jaamac-Kuutiye oo hoggaaminayay koox dabley ah oo sannadkii 2003-dii jidka u dhexeeya Berbera iyo Hargaysa ku dilay Shaqaale Ajaanib ah oo u shaqaynayey hay’adda GTZ oo laga leeyahay dalka Jarmalka.

Waxa weerarkaas ku geeriyooday haweenka u dhalatay Kenya halka dhaawacyo ka soo gaadheen nin u dhashay dalka Jarmalka.

Xubnaha weerarka geystay oo lagu xidhiidhiyey kooxaha Argagixisada ah, ayaa gacanta lagu soo dhigay iyagoo ku sugan magaalada Dhoqoshay ee gobolka Togdheer oo ku taalla xuduudka u dhexeeya Somaliland iyo Itoobiya. Waxa hawl-galkaas si weyn uga qayb-qaatay bulshada deegaanka Dhoqoshay oo Ciidammada Qaranka gacan ka siiyey qabashadaas raggan.

Waxa kale oo maxaabiista xorriyadooda loo celiyey ku jira Cabdiraxmaan Maxamed Jaamac (Indha-cadde) oo Maxkamadda gobolka Maroodijeex 25 sanno oo xadhig ku ridday sannadkii 2006-tii kaddib markii ciidammada ammaanku ka soo qabteen magaalada Berbera isagoo baxsad ah.

Cabdiraxmaan Indho-cadde, ayaa ka mid ahaa Koox Dabley oo Guri ku yaalla magaalada Hargeysa dagaal ku dhexmaray Ciidamada ammaanka kaddib markii laga war-helay inay qorsheynayaan falal argagixiso oo ay doonayaan inay ka fuliyaan gudaha Somaliland, gaar ahaan magaalada Hargeysa xilli diyaar-garow loogu jiray Doorashadii Golaha Wakiillada ee sannadkii 2005-tii.

Balse, sannadkii 2007-kii Maxkamadda Racfaanta ee gobolka Maroodijeex, ayaa xukun dil ah ku ridday Cabdiraxmaan Indho-cadde oo hore saddex jeer xukun loogu riday.

Haddaba, kaddib markii maanta laga soo daayey xabsiga Dhexe ee Hargeysa, xubnahan oo qaarkood u warrameen warbaahinta, ayaa ka hadlay dareenkooda iyo qaabka ay ku timi sii-deyntoodu.

Muuqaalka Hoose ka Daawo waraysi lala yeeshay Indho-cadde iyo Jaamac Kuutiye.

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories