HomeSomaliland: Maxaa lagu xidhay Sheekh Maxamed Sheekh Ismaaciil?

Somaliland: Maxaa lagu xidhay Sheekh Maxamed Sheekh Ismaaciil?

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargysa (SLpost)- Ciidammada ammaanka ee Somaliland, ayaa subaxnimadii hore ee Isniintii shalay xabsiga dhigay Sheekh Maxamed Sheekh Ismaaciil oo ah wadaad caan ka ah gudaha Somaliland iyo deegaanada Soomaalida kaleba.

Sheekh Maxamed Sheekh Ismaacil oo gelinkii hore ee Isniintii shalay ku sugan xarun uu dadka ku dabiibo, waxa ugu yimi oo ka kaxeeyey ciidamo ka tirsan kuwa Dambi-baadhista Booliska Somaliland, sida ay sheegtay Gabadh uu dhalay oo muuqaal ay xadhigga aabaheed kaga hadlayso, farriina ugu dirtay madaxweynaha ku baahisay baraha bulshada.

blankSheekh Maxamed Ismaaciil oo caan ku ah dabiibka Sixirka, Jinka iyo Durrooyinka, inta bandanna jeediya Muxaadarooyin Diini ah oo arrimahaas ku saabsan, waxay ay gabadha uu dhalay muuqaalka ay baahisay ku sheegtay in subaxnimadii hore ay ciidamo Boolis ahi ka kaxeeyeen xarunta uu ku dabiibo dadka ee Magaaladda Hargeysa, isla markaana aanay ogeyn meel uu ku sugan yahay maadaama oo sida ay sheegtay ka soo eegeen dhammaan saldhigyada booliska ee Hargeysa.

Gabadha uu dhalay Sheekh Maxamed ismaaciil, ayaa ka codsatay Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi iyo Hay’adaha ammaanka in ay ka jawaabaan codsigeeda oo ay ku dalbatay in aabaheed loo geeyo.

Sheekha Maxamed Ismaaciil oo maalintii Axadda la hadlay warbaahinta, ayaa dhaliilay qaabka uu u ula dhaqmay sarkaalka haysta Ciidamada Sirdoonka Somaliland ee gobolka Sanaag oo uu sheegay inuu u qabsaday ama ku haysto danbi aanu garanayn, islamarkaana uu xoog kaga soo saaray magaalada Ceerigaabo oo uu sheegay in uu maalmihii u dambeeyey u joogay hawlo nabadayn ah.

Waxaa kale oo uu Sheekhu hadalkiisaas ku sheegay in Sarkaalkaasi ku war-geliyey in loo haysto socdaal uu ku tagay magaalada Badhan oo Sheekh Maxamed Ismaaciil sheegay inuu magaaladaas u tagay hawlo daaweyn iyo Dabiib isugu jira.

Sheekh Maxamed Ismaaciil, ayaa hore loogu xidhay 7 sanno oo xabsi ah kadib markii lagu eedeeyay inuu ku lug lahaa falal argagixiso oo Somaliland ka dhacay Xilligii uu dalka madaxweynaha ka ahaa Daahir Rayaale Kaahin, balse waxa uu markii dambe xabsiga kaga soo baxay Cafis madaxweyne badhtamaha sannadkii 2011-kii, xilligaas oo ku beegnayd hal sanno kaddib markii uu talada dalka la wareegay madaxweynihii hore Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo).

Marka laga yimaaddo hadalka uu Sheekhu ka sheegay warbaahinta, Illaa hadda si cad looma oga Sababta dhabta ah ee ka dambaysa Xadhigga Maxamed Ismaaciil, mana jiro war ku saabsan Xadhiggiisa oo ka soo baxay Xukuumadda iyo hay’adaha ammaanka dalka midkoodna.

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories