HomeSomaliland: Magacyada iyo Dambiyada loo Haysto Murrashaxiin qaarkood xidhan yihiin iyo Caddeymaha...

Somaliland: Magacyada iyo Dambiyada loo Haysto Murrashaxiin qaarkood xidhan yihiin iyo Caddeymaha Booliska

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)- Ciidamada Booliska Somaliland, ayaa soo bandhigay caddaymo ay u hayaan dambiyo loo haysto afar murashax oo doorashada Goleyaasha deegaanka iyo Wakiillada uga sharraxan Xisbiyada Qaranka gobollada Togdheer, Sool iyo Maroodijeex.

Afarta murashax oo ay ku jiraan laba haween ah oo doorashada Golaha Wakiillada uga sharraxan gobollada Sool iyo Togdheer iyo Laba murashax goleyaasha deegaanka iyo Wakillada uga sharraxan gobollada Sool iyo Maroodijeex labada xisbi mucaarid ee Waddani iyo UCID, waxa gacanta ciidamada booliska ku jira labada murashax ah ee Ragga ah, halka labada murashax ee haweenka ah ay baxsad ku maqan yihiin.

blankMurashaxiinta dambiga Qaran loo haysto waxa ka mid ah Kubra Xasan Maxamuud oo Golaha Wakiillada uga sharraxan Gobolka Togdheer, waxaana lagu eedeeyey inay dhawaan socdaal ku tagay Soomaaliya isla markaana ay magaalada Muqdisho kulamo kula soo qaadatay madax ka tirsan dowladda Soomaaliya.

Caddeynta Ciidanka Boolisku ka hayaan Kubra Xasan Maxamuud

 

Haweenayda labaad ee ka mida ah murashaxiinta dambiyada loo haysto oo lagu magacaabo Carab Cabdi Xirsi, waxa ay ka mid ah murashaxiinta gobolka Sool uga sharraxan golaha Wakiillada, waxaana lagu eedeeyey inay ka mid ah murashaxiinta u tartamaya doorashada baarlamaanka Soomaaliya, sidaas awgeedna ay ku kacday khiyaamo qaran.

Caddeynta Ciidanka Boolisku ka hayaan Carab Cabdi Xirsi

 

 

Cabdiraxmaan Yuusuf Cali (Faro) oo ka mid ah murashaxiinta u tartamaya doorashada golaha Deegaanka ee Caasimadda Hargeysa, kana mid ah labada murashax ee xidhan, ayaa lagu eedeeyey inuu kulamo la yeeshay siyaasiyiin ugu waaweyn Soomaaliya.

Caddeynta Ciidanka Boolisku ka hayaan Cabdiraxmaan Yuusuf Cali (Faro)

Murashax Qaasim Aadan Saleebaan oo Golaha Wakiillada Xisbiga Waddani uga sharraxan Gobolka Sool, waxa ay ciidanka Booliska Somaliland ku sheegeen inuu ka mid yahay hoggaanka Dhaqanka ee Beelaha gobollada Dhexe ee Soomaaliya, dhawaanna uu magaalada Muqdisho kulamo kula qaatay madaxda iyo siyaasiyiinta dalka Soomaaliya. Murashaxan ayaa ciidamadu ku sheegeen inuu yahay Afhayeenka Xisbiga Waddani ee Qaaradda Yurub.

Caddeynta Ciidanka Boolisku ka hayaan Qaasim Aadan Saleebaan

blankCaddeynta ay Ciidanka Somaliland u hayaan Murashax Qaasim Aadan Saleebaan, ayaa ah qoraal uu bartiisa Facebook soo dhigay Guddoomiye ku-xigeenka Amniga ee gobolka Banaadir Cali Yare oo Murashaxa hadhimo-sharafeed ugu sameeyey magaalada Muqdisho uu tagay. Murashaxan ayaa ka soo jeeda Beesha Fiqishinni (Hawiye) ee degta gobolka Sool ee Somaliland.

Guddoomiye Cali-yare waxa uu qoraalkiisa ku sheegay inuu hadhimo-sharafeed ku maamuusay Guddoomiye Qaasim Saleebaan oo uu sheegay inuu ka mid yahay siyaasiyiinta Miisaanka culus ee Somaliland.

Ciidanka Booliska Somaliland waxa ay sheegeen inay hayaan Caddeymo kale oo markhaati u ah dambiyada afarta murashax ee lagu eedeeyey inay ku kaceen khiyaamo Qaran isla markaana adeegayaan danaha iyo Siyaasadda Soomaaliya. Ciidamada Booliska Somaliland waxay soo bandhigay Caddeymo muuqaallo ah oo ay u adeegsadeen eedaymaha dambiyada loo haysto murashaxiinta.

Ciidanka Boolisku waxa ay sheegeen in marka laga yimaaddo caddeymaha muuqaallada ah ee ay soo bandhigeen, ay sidoo kale maxkamadda horkeeni doonaan caddeymo kale oo dheeraad ah.

“Cida u horaysa ee ay Dembiyada qaran ka galeen waa Xisbiyada qaranka ay ka sharaxan yihiin oo ay khiyaamo qaran ku sameyeen, Booliskana waa ku waajib in ay waajibaadkooga sharci ilaalineed ka gutaan,” sidaa waxa lagu yidhi qoraal lagu baahiyey barta Facebook ee Ciidanka Booliska Somaliland, kaas oo lagu baahiyey caddeymaha fal-dambiyeedyada loo haysto afarta Murashax.

Dhinaca kale, Suldaan Mustafe Aw-Seed oo ah suldaanka beesha uu ka soo jeedo Murashax Qaasim Aadan Saleebaan, ayaa ka hadlay eedaymaha fal-dambiyeedka loo haysto murashaxa, waxaanu waxba kama jiraan ku tilmaamay inuu murashaxu ka mid yahay hoggaanka Dhaqanka ee Beesha Habar-gidir.

Haseyeeshee, sida ku xusan qoraal uu Suldaanku arrintan kaga hadlay oo lagu baahiyey barta Facebook, waxa uu Suldaanku qiray inuu murashaxu dhawaan socdaal ku tagay magaalada Muqdisho kaddib markii uu marti-qaad ka helay masuuliyiin ka tirsan dowladda Soomaaliya oo uu Suldaanku sheegay inay murashaxa qaraabo yihiin, sida uu ku sheegay qoraal uu Suldaanku soo saaray toddobaadkan.

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories