HomeSOMALILAND: Magaalo dhowr todobaad ka hor looga barakacay Daadadka Roob ku Da'ay...

SOMALILAND: Magaalo dhowr todobaad ka hor looga barakacay Daadadka Roob ku Da’ay oo wakhtigan Xaafado ka mid ah Biyo-la’aan looga Qaxayo iyo baaq Qaylo-dhaan ah oo laga dirayo

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Berbera (SLpost)- Magaalada Berbera ee xarunta Gobolka Saaxil oo dhowr todobaad ka hor Roobab Mahiigaan ah oo dalka ka da’ay ay ku keenaan Daadad khasaare kala duwanna soo gaadhsiiyey qaybo ka mid ah magaalada, qoysas badanna ka barakiciyey hoygooda, ayaa wakhtigan laga soo sheegayaa xaalad biyo la’aaneed oo ku habsatay xaafado ka tirsan magaaladaas.

suldaan cali

Suldaan Cali Saleebaan oo la mid ah madax-dhaqameedka Gobolka Saaxil, ayaa baaq qaylo-dhaan ah kaga dayriyey xaalad biyo-la’aaneed oo ka jirta Xaafadda Burco-Sheekh ee magaalada Berbera. Suldaan Cali Saleebaan oo u warramay Rasmi Media, waxa uu sheegay in qaybo ka mid ah dadweynaha ku dhaqan xaafaddaasi biyo-la’aan awgeed ugu qaxaan xaafadaha kale ee magaalada, waxaanu wax aan loo dul-qaadan karin ku tilmaamay in wakaaladda biyuhu ay ka gaabiso sidii xaafaddaas biyo ku filan loogu qorshayn lahaa, wakhti todobaad kaliya laga joogo markii wakaaladda Biyaha lagu wareejiyey Mishiin cusub oo loogu talo-galay biyo-soo-saarka magaalada.

Suldaanku waxa uu nasiib-darro ku tilmaamay inay biyo la’aan ka cawdaan dadweynaha xaafadaha magaaladu maadaama sida uu sheegay aanay ahayn xilli Abaar ah, Wakaaladda Biyuhuna awoodi karto inay soo saari karto biyo ku filan xaafadaha magaalada. ku kaga Dayriyey biyo-la’aanta, ayaa ku soo beegmaysa iyada oo weli lagu gudo- jiro Xilli-roobaadkii, isla markaana sidoo kale dhowr todobaad laga joogo markii ay magaaladaas ka da’eem roobab mahiigaan ah oo daadadkii ka dhashay ay si xooggan u baro-kiciyeen shacabka magaalada Berbera.

Somalilandpost.net

Berbera

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories