HomeSOMALILAND: Madaxweyne Siilaanyo oo Farriim Dibloomaasiyadeed u sii Xambaariyey Wefti Kenyan ah...

SOMALILAND: Madaxweyne Siilaanyo oo Farriim Dibloomaasiyadeed u sii Xambaariyey Wefti Kenyan ah oo Dalka Booqasho ku yimi

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa(SLpost)-Weftigii ka socday Baarlamaanka iyo dawladda Kenya ee booqashada ku joogay Somaliland ayaa maanta ka dhoofay madaarka Hargeysa ee Cigaal International Airport. Waxaanay warqad ku socota Madaxweyne Uhuru Kenyatta oo ku wajahan adkaynta wax wada qabsiga labada dal ka sii qaadeen Madaxweyne Siilaanyo.

Guddoomiye Ku xigeenka labaad ee Golaha Wakiiladda Somaliland Dr. Cali Yuusuf Axmed, oo ka mid ahaa madaxdii sii sagootiday weftigan, ayaa tafaasiil ka bixiyay qodobo la isku waafaqay oo lagu kor yeelayo xidhiidhka labada dal, waxaanu yidhi “Weftigii ka socday Kenya saddex maalmood ayay dalka joogeen waxay la kulmeen madaxweynaha, Goleyaasha, Wasiirro, waxaanay booqdeen magaaladda Berbera iyo Degmadda Arabsiyo runtiina way ka heleen booqashadii ay ku tageen deegaankaas. Weftigan oo maanta dhoofay waxa lagu heshiiyay waxa ka mid ah in labada dal iska kaashadaan dhinacyadda nabad-gelyadda, baayac mushtarka iyo Socdaalka.”

wafi kiiniya

“Weftigu waxay madaxweynaha Somaliland iyo dawladda ku marti qaadeen inuu Kenya tago, madaxweynuhuna (Axmed Siilaanyo) warqad balaadhan ayuu u qoray Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta oo weftigu sii qaadeen oo ay gacanta ka gelinayaan,”ayuu yidhi Dr. Cali Yuusuf.

Guddoomiye Ku xigeenku waxa uu tilmaamay in labada dal isku af-garteen sidii ay wax u wada qabsan lahaayeen isla markaana kor ugu sii qaadi lahaayeen cilaaqaadkooda.

Madaxii weftigan Mss Aniya Kabita ayaa oo iyana la hadashay saxaafadda ka hor intii aanay ka dhoofin Somaliland, ayaa sheegtay inay ka heshay booqashadii ay ku joogeen dalka saddexdii dharaarood ee la soo dhaafay, waxaanay xukuumadda iyo goleyaasha uga mahad celisay sidii diiranayd ee ay ugu soo dhaweeyeen. Mss Aniya Kabita waxay intaas ku dartay in wixii ay Somaliland ku arkeen ay u gudbin doonaan baarlamaanka iyo dawladooda.

Somalilandpost.net

Hargaysa

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories