HomeSomaliland: Madaxtooyada oo ka warbixisay Kulan dhexmaray Madaxweyne Muuse Biixi iyo Wefti...

Somaliland: Madaxtooyada oo ka warbixisay Kulan dhexmaray Madaxweyne Muuse Biixi iyo Wefti Ka Socda Dalka Ingiriiska

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)- Madaxtooyada Somaliland, ayaa faahfaahin ka bixiyey ujeeddada iyo arrimaha lagaga wada-hadlay kulan maanta dhexmaray madaxweyne Muuse Biixi Cabdi iyo wefti ka socda Ingiriiska oo dalka soo gaadhay.
War-qoraal ka soo baxay xafiiska Afhayeenka madaxweynaha, ayaa lagu sheegay in madaxweyne Muuse Biixi Cabdi maanta qaabilay wefti ka socda dalka Ingiriiska oo uu hoggaaminayo Safiirka dalkaas u qaabilsan Somaliland iyo Soomaaliya.

Afhayeen MaxamudAfhayeenka Madaxweynaha, Maxamuud Warsame Jaamac ayaa markii kulankaasi soo dhammaaday kaddib sharraxaad ka bixiyey natiijada kulanku ku soo dhammaaday.

War-saxaafadeedka madaxtooyada ka soo baxay, ayaa u qornaa sidan:- “Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay wefti ka socda dalka Ingiriiska oo uu hoggaaminayo safiirka waddanka Ingiriiska u qaabilsan dalalka Somaliland iyo Soomaaliya, Ambassador David Concar.
Kulankan oo ka qabsoomay xarunta qasriga madaxtooyada Jamhuuriyadda Somaliland, ayuu madaxweyne Muuse Biixi Cabdi ugu horrayn safiirka iyo weftigiisa ugaga mahadnaqay doorka muuqda ee uu dalka Ingiriisku ka qaato horumarka Jamhuuriyadda Somaliland iyo taageerada dhinacyada kala duwan leh ee sida joogtada ah ula garab taagan yihiin.

Sidoo kale, madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, waxa uu weftiga uga warramay horumarka iyo guulaha ay Jamhuuriyadda Somaliland gaadhay iyo qorsheyaasha udub-dhexaadka ah ee ay mustaqbalka higsanayso, isaga oo si gaar ah carrabka ugu ballaadhiyey qorshaha labaad ee horumarinta qaranka (SNDPII) oo safka hore kaga jira hiigsiga xukuumadda uu gadh-wadeenka ka yahay.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa sidoo kale ku wargeliyey xubnaha weftiga, in xukuumadda uu gadh-wadeenka ka yahay ay ka go’an tahay sidii doorashooyinka goleyaasha deegaanka iyo wakiillada ee sanadka soo socda qorshaysani waqtigooda ku dhacaan, isla-maraana aanu ku imanin wax dib-u-dhac ahi, isaga oo shaaca ka qaaday in wada hadaladii ay Jamhuuriyadda Somaliland la lahayd dhiggeeda Soomaaliya ay hakad geliyeen, sababo la xidhiidha gardarrada ay Soomaaliya ku hayso horumarka Somaliland.

Dhankiisa, safiirka dalka Ingiriiska u qaabilsan waddamada Somaliland iyo Soomaaliya, Ambassador David Concar oo isagu weftiga hoggaaminayey, ayaa madaxweynaha ku bogaadiyey guulaha Dimuqraaddiyadu hagayso ee ay Somaliland ku tallaabsatay, waxaana uu hoosta ka xarriiqay inay dawlad ahaan majeeranayaan dariiqa loo maray doorashooyinka xorta iyo xalaasha ah ee Somaliland ku caano maashay.
Safiirku sidoo kale, waxa uu madaxweynaha u caddeeyey in dawladda UK ay diyaar u tahay inay Somaliland ku garab istaagto horumarka, isla markaana ay kordhin doonaan kaalmooyinka dhaqaale ee ay ku taageeraan.”

https://youtu.be/dU7_cKCCF3w

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories