HomeSomaliland: Madaxtooyada oo ka hadashay Saraakiil lagu dilay Yagoori iyo Amar Madaxweyne...

Somaliland: Madaxtooyada oo ka hadashay Saraakiil lagu dilay Yagoori iyo Amar Madaxweyne Biixi Soo Saaray

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)- Madaxtooyada Somaliland, ayaa ka hadashay dilka Sarkaal oo ka tirsan Ciidamada Booliska iyo Asluubta oo dabley hubaysani maanta ku dileen degmada Yogoori ee gobolka Sool.

 

War-saxaafadeed kooban oo ka soo baxay Xafiiska Af-hayeenka Madaxweynaha Somaliland, ayaa lagu faafiyey tacsi madaxweynuhu u diray ehelkii, qaraabadii, Ciidamada Qaranka iyo guud ahaan Shacbiga Somaliland ee ay ka baxeen Allah haw naxariistee Taliyihii Xabsiga Degmada Gar-adag Gaashaanle Cabdilaahi Axmed Tallan iyo Taliye ku-xigeenkii Saldhigga Booliska degmada Gar-adag Laba Xiddigle Nuur Aw-Cali Nuux, kuwaa soo dabley hubaysan jidgooyo u galeen deegaanka Gobabka Maxan ee degmada Yagoori oo ka tirsan gobolka Sool.

blank

Sida war-saxaafadeedka lagu sheegay, madaxweyne Muuse Biixi waxa uu laamaha amniga iyo ciidamada kala duwan ku amray in sida ugu dhakhsaha badan gacanta loogu soo dhigo gacan-ku-dhiiglayaasha geystay falka dilka ah, waxaanu uga digay cid kasta oo isku dayda inay ku kacaan falal amniga waxyeello u geysanaya.

War-saxaafadeedka dhambaalka tacsi madaxweynaha lagu faafiyey, ayaa u qornaa sidan:- 

 

Madaxweynaha Somaliland oo tacsi u diray Ciidamada Qaranka, shacbiga Somaliland iyo Qoysaskii ay ka baxeen labada Sarkaal oo ka tirsanaa Booliska iyo Asluubta

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, isagoo ku hadlaya magaciisa, ka dawladda iyo ka shacbiga Somaliland, waxa uu dhambaal tacsi ah u dirayaa, Ciidamada kala duwan ee qaranka, gaar ahaan Asluubta iyo Booliska, qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta iyo shacbiga Somaliland ee ay ka baxeen Alle ha u naxariistee Marxuumiinta kala ah:-
1. Gashaanle Cabdilaahi Axmed Tallan, Taliyihii Xabsiga degmada Gar-adag ee Ciidanka Asluubta.
2. Laba Xidigle Nuur Aw Cali Nuux, Taliye ku xigeenkii Saldhiga Booliska ee Degmada Gar-adag.

Saraakiishaas oo ay galabta dablay hubaysani ku dileen weerar jidgooyo ah Degaanka Gobabka Maxan ee Degmada Yogoori, madaxweynuhu waxa uu laamaha amniga ku amrayaa inay gacanta ku soo dhigaan gacan ku dhiiglayaashii gaystay fal denbiyeedkaasi. Waxaanu madaxweynuhu digniin adag u dirayaa cid kasta oo isku dayda falalka noocaas ah in gacan bira lagu qaban doono.

Madaxweynuhu waxa uu marxuumiintaa ALLE uga baryayaa inuu naxariistii janno ka waraabiyo ciidamada qaranka, qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta iyo shacbiga Somaliland ee ay ka baxeenna samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo.Aamiin Aamiin Aamiin

Maxamuud Warsame Jaamac
Af-hayeenka Madaxweynaha JSL.

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories