HomeSomaliland: Madaxda Qaranka oo Ka Hadlay Geerida Mulkiilihii Hoteellada Maansor Marxuum Cabdiqaadir...

Somaliland: Madaxda Qaranka oo Ka Hadlay Geerida Mulkiilihii Hoteellada Maansor Marxuum Cabdiqaadir Xaashi Cilmi

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)- Allah ha u naxariistee waxa maanta dalka Hindiya oo xaalad caafimaad loogu qaaday ku geeriyooday Mulkiilihii Hoteellada Maansoor ee Somaliland Maruum Ganacsatade Cabdiqaadir Xaashi Cilmi.

blank
Marxuum Cabdiqaadir Xaashi Cilmi

Geerida Marxuumka iyo doorkii uu ka soo qaatay horumarka dalka, waxa ka hadlay Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil Saylici iyo Guddoomiyaha Maxkamadda Garyaqaan Aadam Xaaji Cali oo marxuumka ku sifeeyey ganacsade door muhiim ahka soo qaatay Dib-u-dhiskii iyo nabadeyntii dalka.

Madaxweyne ku-xigeenku waxa uu Marxuum Ganacsade Cabdiqaadir Xaashi ku tilmaamay muwaadin aadminay isla markaana maalgashi ballaadhan ka sameeyey dalkiisa.

Dhambaal tacsi oo madaxtooyada Somaliland ka soo baxay ayaa u qornaa sidan:- “Madaxweyne Ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, ahna ku simaha Madaxweynaha Qaranka, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), isaga oo ku hadlaya magaciisa, ka dawladda iyo ka shacbiga Somaliland, waxa uu dhambaal tacsi ah u dirayaa, waxgaradka, ganacsatada,waayeelka, aqoonyahanka, qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee mulkiilihii Huteelada Maansoor Ganacsade Cabdiqaadir Xaashi Cilmi oo ku geeriyooday Waddanka Hindia maanta oo ay taariikhdu tahay 25/03/2022.

Madaxweyne ku-xigeenku waxa uu ku sifeeyey Marxuumka inuu ahaa shaqsi wanaagsan oo ehlu-kheyr ah, samafale ah, ganacsade ah, door weyn oo muhiim ahna kasoo qaatay dibu-dhiskii iyo nabadayntii dalka,  islamarkaana  ahaa muwaadin dhulkiisa aaminay oo ka hirgeliyey maal-gashi ballaadhan oo lagu soo hirtay.

Madaxweyne ku-xigeenka ahna ku simaha Madaxweynaha JSL waxa uu marxuumka ALLE uga baryayaa inuu naxariistii janno ka waraabiyo, waxgaradka,ganacsatada, waayeelka, aqoonyahanka, qoyska, eheladda, qaraabada, asxaabta iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxayna samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo.”

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ayaa Shacabka iyo Ganacsatada Somaliland ka tacsiyeeyay Geerida Marxuumka, sida lagu sheegay dhambaal tacsi ah oo ka soo baxay xafiiska xidhiidhka dadweynaha ee Maxkamadda Sare.

Dhambaalka Tacsida ah ayaa u qornaa sidan:- “Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ahna Guddoomiyaha Guddida Cadaaladda Jamhuuriyadda Somaliland, Aadam Xaaji Cali Axmed, isagoo ku hadlaya magaciisa iyo ka bahda Garsoorka JSL, waxa uu tacsi tiiraanyo leh u dirayaa waxgaradka, ganacsatada, waayeelka, qoyska, ehellada, qaraabada, asxaabta iyo shacbiga Jamhuuriyadda Somaliland, ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee mulkiilihii Huteelada Maansoor, marxuum Cabdiqaadir Xaashi Cilmi oo ka mid ahaa ganacsatada doorka weyn kasoo qaatay dib-u-dhiska iyo maal-gashiga waddanka. Marxuumku waxa uu maanta oo ay taariikhdu tahay 25/03/2022 ku geeriyooday waddanka Hindiya.

Guddoomiyuhu waxa uu marxuumka Ilaahay uga baryayaa in uu naxariistii janno ka waraabiyo, waxgaradka, ganacsatada, waayeelka, qoyska, ehellada, qaraabada, asxaabta iyo shacbiga Jamhuuriyadda Somaliland ee uu ka baxayna samir iyo iimaan saadiq ah ka siiyo.” Sidaas ayaa lagu yidhi dhambaalka tacsida ah ee guddoomiyaha Maxkamadda Sare.

Allah ha u naxarii Marxuum Ganacsade Cabdiqaadir Xaashi Cilmi oo ah ganacsadihii u horreeyey ee Somaliland ka hirgeliya Hotel Five-Star ah ee Maansoor xilli ay bilow ahayd dowladnimada Somaliland isla markaana waddanku ka soo kabanayay burburkii ka soo gaadhay dagaalkii dowladdii Siyaad Barre.

Marxuum Cabdiqaadir Xaashi Cilmi, waxa uu door muhiim ah ka soo qaatay Halgankii SNM ee lagu dalka lagaga xorreeyey nidaamkii Kali-taliska ahaa ee uu hoggaaminayey Maxamed Siyaad Barre.

Hotelka Maansoor oo xilligan qaybo kala duwan ku leh gobollada Somaliland qaarkood, ayaa markii u horeysay laga hirgeliyey magaalada Hargeysa sannadkii 1996-kii, xilligaas oo ay bilow ahaayeen dhismaha Dowladnimada iyo kaabayaasha Dhaqaalaha ee Somaliland.

Ka sokow hawlaha Ganacsi ee Marxuumku gacanta ku hayey, Ganacsade Cabdiqaadir Xaashi Cilmi waxa uu door muhiim ah kulaa horumarinta Adeegyada Bulshada iyo Isku-xidhka Dadka, waxaana si weyn loogu xusuustaa doorkii uu ka qaatay Dhismaha Jidka Dowga Cad oo magaalada Hargeysa ku xidha Deegaammada Woqooyiga Caasimadda.

Allah ha u naxariisto Marxuum Cabdiqaadir Xaashi Cilmi. Haddaanu nahay dhammaan hawl-wadeennada warbaahinta Somalilandpost, waxa aanu tacsi u diraynaa dhammaan ehelkii, qaraabadii, asxaabtii iyo Shacbiga Somaliland ee ka baxay Marxuum Cabdiqaadir Xaashi Cilmi. Aamiin.

HALKAN KA AKHRISO TAARIIKH-NOLOLEEDKII MARXUUM CABDIQAADIR XAASHI CILMI

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories