HomeSomaliland: Madaxda iyo Shacabka oo aan shalay u kala hadhin Salaad Roob-doon...

Somaliland: Madaxda iyo Shacabka oo aan shalay u kala hadhin Salaad Roob-doon ah oo laga Oogay dalka

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)- Madaxweynaha Somaliland Md Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), Madaxweyne ku-xigeenka Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) iyo madaxda dawladda, ayaa maanta dadweynaha gobollada iyo degmooyinka ku dhaqan kala qayb-galay tukashada salaad Roob-doon ah oo Eebbe lagaga baryeyay Raxmaadkiisa roobka.

DSC08020Salaadda Roob-doonta ah oo laga oogaday dhammaan gobollada iyo degmooyinka dalka, ayaa laysugu soo baxay goobaha cibaadada iyo fagaareyaasha dadku isugu soo baxo, ayaa mar kaliya ka bilaabmay abbaaro 9:00-kii subaxnimo oo lagu ballansanaa, sida uu hore u shaaciyey wasiirka wasaradda Diinta iyo Aw-qaafta Somaliland Sheekh Khaliil Cabdilaahi.

DSC08018Madaxweynaha Somaliland mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa dadweynaha magaalada Berbera kula tukaday garoonka kubadda Cagta ee Bursade, halkaas oo ay isugu baxeen kumanaan ka mid ah shacabka magaaladaas oo ay wehelinayeen madaxda gobolka iyo degmada Berbera.

Madaxweyne Siilaanyo oo markii salaadda laga soo baxay hadal kooban oo duco u badan jeediyey, ayaa waxa hadalladiisa ka mid ahaa, “Waxaynu isugu soo baxnay in aynu illaahay ka barino inuu roob kheyr leh ina siiyo, oo ummaddeena iyo dalkeenu aad ugu baahan tahay, iyadoo dadkeenu u badan yahay xoolo dhaqato iyo beeralay, markaa waxaan leeyahay ducadaa iyo salaadaa roob-doonta ah illaahayow ha inaga aqbal,” ayuu yidhi madaxweynuhu.

DSC08017Magaalada Hargeysa ee Caasimadda ah ayaa si fiican looga Oogay Sallaada roob-doonta ah iyada oo madaxweyne kuxigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici)uu dadweynaha kula tukaday Garoonka 31-ka May.

Madaxweyne-ku-xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) oo la hadlay Dadweynihii Halkaas ku tukanayey, ayaa ku boorriyey inay Eebbe weydiistaan inuu raxmaadkiisa u shubo oo uu ka saaro roob la’aanta.

DSC08016Sidoo kale Garoonka Kubadda Cagta ee Hargeysa waxa shacabkii ku sugnaa la Tukaday Wasiirrada Wasaaradaha Diinta iyo Awqaafta iyo Madaxtooyada, iyadoo uu halkaas dadkii ku tujiyey Wasiirka Wasaaradda Diinta Sheekh Khaliil Cabdilaahi Axmed hadal kooban oo uu halkaas ka jeediyey ku baraarujiyey is cafiyaan oo ay gacmaha isu qabsadaan sidii ay Illaahay ugu toobad keeni lahaayeen oo ay uga fogaan lahaayeen Macaasida iyo waxkasta oo ilaahay cadho gelin kara.

Wasiir Khaliil waxa kale oo uu ku boorriyey shacabka Reer Soamliland inay caawiyaan walaalahooda Goobaha Miyiga ah deggen oo ay si gaar ah Abaarta iyo Roob yaraantu u taabatay.

Dhinaca kale, waxa salaadda Roob-doonta ah laga oogay oo si ballaadhan laysugu soo baxay magaalooyinka Boorama, Burco, Gabiley, Saylac, Ceerigaabo, Laascaanood, Oodweyne iyo guud ahaanba Degmooyinka kale iyo Tuulooyinka dalka, waxaanay dadweynuhu Eebbe ka baryayeen inuu cirka uga shubo raxmaadkiisa.

 

SOMALILANDPOST.NET

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories