HomeSomaliland: Madax-dhaqameedka mar kale baaq nabadeed u jeediyey Garaaddada Beesha Dhulbahante

Somaliland: Madax-dhaqameedka mar kale baaq nabadeed u jeediyey Garaaddada Beesha Dhulbahante

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa, 05 March, 2012 (SLpost)- Qaar ka mid ah Madax-dhaqameedka ugu waaweyn Somaliland ayaa ugu baaqay Madax-dhaqameedka beelaha Dhul-bahante inay ka hawl-galaan sidii nabad lagu gaadhi lahaa.

Salaadiinta oo warbaahinta kula hadlay hotel Xaraf ee magaalada Hargeysa waxay si wadajir ah ugu baaqeen Waxgaradka, Odayaasha iyo Garaadada deegaanada Buuhoodle inay aqbalaan gogosha nabada ee uu Madaxweynaha Somaliland hore ugu fidiyay, isla markaana waxay ku booriyeen in dagaalka la joojiyo.

blankWaxa ugu horreyn halka ka hadly Suldaan Rashiid Suldaan Cali Ducaale ayaa yidhi, “Anagoo ah salaadiinta Somaliland inta Hargeysa joogta waxaanu leenahay wixii dhacay way dhaceenne, waxaanu ku baaqaynaa Nabad wixii nabadda lagu waayo xumaan laguma helo. Waxaanu geed dheer iyo mid gaabanba waxaanu u fuulaynaa nabadda.Waxaanu leenahay Beeshayada Dhulbahante oo ugu baaqaynaa nabad, xukuumadayadana waxaanu ugu baaqaynaa nabad.”

Suldaan Aadan Faarax oo ka hadlay shirkaasi jaraa’id wuxuu yidhi “Waxaanu ugu baaqaynaa walaalahayaga Buuhoodle iyo Sool baaq nabadeed.dagaalkii ka dhacay deegaamadda Buuhoodle waxa sababay shirkii Khaatumo-seeg wixii ka soo baxay. Waxaanu tacsi u diraynaa eheladii dadkii ku dhintay dagaalkaasi ha noqdaan ciidammadda qaranka, beesha Buuhoodle iyo jabhadihii halkii ka dagaalamayay. waxaan leeyahay walaalayaal maanta Somaliland waxay maraysaa marxalad wanaagsan.”

Suldaan Aadan Faarax wuxuu sheegay inay gogol nabadeed fidinayaan isla markaana ay diyaar u yihiin inay Buuhoodle tagayaan hawlo nabadeed.

Suldaan Cabdiraxmaan Jaamac Dhawal oo ka hadlay shirkaasi jaraa’id ayaa sheegay inay xukuumadda Somaliland iyo Salaadiinta dalkuba diyaar u yihiin inay nabad-gelyadda ka shaqeeyaan, waxaanu garaadada iyo isimadda beelaha Dhulbahante u soo jeediyay inay la yimaadaan dhaqan nabadeed oo ay xal lagaga gaadho tabashooyinkooda.

Salaadiinta shirka jaraa’id qabtay waxa ka mid ahaa Suldaan Axmed Nuur, Suldaan Barre Xaaji Xuseen, Suldaan Ismaaciil Suldaan, Cabdiraxmaan, Suldaan Naasir Suldaan Cabdi, Suldaan Axmed-daahi iyo Suldaan Axmed Nuur Samaale.

SOMALILANDPOST.NET

webmaster@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories