HomeSOMALILAND: Maayaradda Sagaal Magaalo oo Socdaal Khibrad-Korodhsi ah ugu Baxay Dalka Tanzania

SOMALILAND: Maayaradda Sagaal Magaalo oo Socdaal Khibrad-Korodhsi ah ugu Baxay Dalka Tanzania

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

maayarroHargeysa (SLpost)- Wefti ka kooban 9-Maayar oo ka kala socday Magaalooyinka waaweyn ee Somaliland, ayaa maanta gelinkii danbe ka dhoofay Madaarka Caalamiga ah ee Egal International Airport ee Magaalada Hargeysa, iyaga oo u sii jeeda Magaalada Arusha ee dalka Tanzania.

Maayaradan oo ka kala socday Magaalooyinka Saylac, Boorame, Gabiley, Hargeysa, Berbera, Burco, Sheekh, Laascaanood Iyo Oodweyne waxay Magaalada Arusha ee dalka Tanzania kaga qeybgeli-doonaan shirar ay la yeelan doonaan dawladaha Hoose ee dalkaasi, isla markaana waxay u kuurgeli doonaan qaabka ay u shaqeeyaan dawladaha Hoose si ay macluumad iyo khibrad uga soo korodhsadaan.

Ugu horeyn, waxa halkaasi ka hadlay Cabdilaahi Kaneeco oo ka hadlayey u-jeedada safarka Maayarada iyo waxay halkaasi ka soo qaban doonaan waxaanu yidhi “Weftigan oo ka kooban 9-Maayar oo kala ah Maayarada Saylac, Boorame, Gabiley Hargeysa,Berbera,Burco,Sheekh,Laascaanoodiyo Oodweyne, waxay tagayaan Dalka Tanzania,gaar ahaan Magaalada Caruusha, halkaas oo ay kaga qeybgalayaan shirar Dawladaha Hoose ee dalkaasi yeelanayaan iyo sida ay wax u qabtaan, isla markaana aqoon is-weydaarsina lagu soo kala korodhsan doono.”

maayaradaMaayarka Caasimada Somaliland ee Hargeysa,oo ah Maayarka Maayarada Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid (Cabdiraxmaan-SOLTECO) oo halkaasi ka hadlay ayaa waxa uu yidhi “Maanta waxaanu u baxaynaa annaga oo ka kooban 9-Maayar, Agaasimaha guud ee Wasaarada arrimaha gudaha iyo qaar ka mida Shaqaalaha Ururka AlKAS ee dawladaha Hoose,waxaanu u baxayna inaan tagno magaalada Caruusha ee dalka Tanzania,waxaanan halkaasi kula kulmi doona Ururka dawladaha Hoose ee dalka Tanzania iyo dalada guud ee Geeska Afrika dawlada-hooda Hoose,annaga oo halkaasi aqoon korodhsi, iyo sidii la isku soo baran lahaa iyo weliba sidii war-bixino la isku weydaarsan lahaa muddada aanu halkaasi joogno.”

Isaga oo hadalkiisa sii watana waxa uu yidhi, “Waxaan ku maqnaan doona muddo 7-Cisho ah,waxa naga maqan uun Maayarkii Ceerigaabo Ismaaciil Xaaji Nuur,iyada oo aynu ku jirno xili-roobaad oo ay soconayso shaqadii oo Maayar kuxigeenadu sii wadayaan oo ah niman firfircoon.”

maayarada2Maaha markii u horreysay ee maayarradda Magaalooyinka waaweyn ee Somaliland socdaal khibrad-korodhsi ah ugu baxaan waddamo debedda ah, gaar ahaan dalalka Bariga Afrika, waxaana sidan oo kale safarro shaqo ugu baxay dalalka Uganda iyo Tanzania maayarrada Goleyaashii Deegaanka ee Hore, kuwaas oo hawl-maalmeedkooda iyo adeegyada ay bulshada u hayeen ku dabbakhay Waayo-aragnimo iyo iskaashi ay ka soo kasbadeen dawladaha hoose ee dalalkaas.

SOMALILANDPOST.NET

contact@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories