Home"Somaliland maanta haddii ummadeedu ay tashatay oo ficil xorriyadeedii kula soo noqotay...

“Somaliland maanta haddii ummadeedu ay tashatay oo ficil xorriyadeedii kula soo noqotay halgan dheerna ay u soo martay mid ay ka noqonayso iyo mid ay ka laabanayso maaha”

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

madaxweyne siilaanyoHargeysa (SLpost)- Madaxweynaha Somaliland Md Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) iyo weftigii uu hogaaminayay oo ku sugnaa dalka Faransiiska, ayaa kulan la yeeshay jaalliyada reer Somaliland ee ku dhaqan dalkaas caasimaddiisa Paris.

Madaxweyne Somaliland, ayaa jaalliyada Somaliland uga mahad celiyay sida wanaagsan ee ay u soo dhaweeyyeen waxaanu ku majeertay isku duubnidooda.

Madaxweynaha Somaliland, Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo khudbad u jeediyay jaalliyada Paris ayaa uga xog waramay mawqifka madax-banaanida Somaliland, waxaanu tilmaamay inuu yahay mid aan dib looga laabanayn, isla markaana aan gorgortan cidnaba lagala galayn madal kasta oo la isku hor fadhiisto.

“Waxaynu ognahay Soomaaliya waxay ku doodaysaa in aynaan dal madax-banaan ahayn, waxaanay diidan tahay wixii halganka dheer loo soo galay ee ummada reer Somaliland u soo halgamaysay, inagoo markii horeba gooni ahayn oo xamaasadii 1960-kii markii la qaatay xorriyada ee aynu doonanay dalkii Talyaanigu xukumi jiray, tii Ingiriiska xukumayay, Soomaalida Itoobiya degan iyo ta Kiiniya degan inay isku yimaadaan, wixii wax suurtagala way noqon wayday, qolo waliba halkeedii ayay barakaysatay Kiiniya iyo Jabuuti halkeedii ayay barakaysteen way ka faa’iideen oo wax wayn bay ka noqdeen. Jabuuti waataas oo xorriyad ayay qaadatay madax-banaani ayay yeelatay si wanaagsan bay u hirgashay oo waxeedii ugu fiicnaadeen.” ayuu yidhi madaxweyne Somaliland, Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo).

Madaxweynaha Somaliland waxa uu intaas ku daray isagoo cadeeyay in qaddiyada Somaliland ay tahay mid aan gorgortan gali karin, wada-hadalkana waxyaabo badan lagaga wada hadli karo, “Waxaanu leenahay Somaliland maanta haddii ummadeedu ay tashatay oo ficil xorriyadeedii kula soo noqotay halgan dheerna ay u soo martay mid ay ka noqonayso iyo mid ay ka laabanayso maaha. Anagu wada-hadal waanu raadinaynaa, inaanu nabad kuwada noolaano waanu raaadinaynaa, laakiin taas macnaheedu maaha meel kasta oo la iskugu tago dunida ama Yurub ha noqoto ama Istanbul waxyaabo badan ayaa laga wada-hadli karaa oo wax wada qabsi laga samayn karaa, sidii la iskaga kaashan lahaa budhcad-baddeeda iyo waxyaabo kale oo badan oo mandaqada ah, laakiin madax-banaanida Somaliland iyo gooni isku taageeda waa mid aan cidnaba gorgortan lagala galayn.”

SOMALILANDPOST.NET

 

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories