HomeSomaliland ma waxa ay Xad la leedahay Maraykanka Mise Soomaaliya?!

Somaliland ma waxa ay Xad la leedahay Maraykanka Mise Soomaaliya?!

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

 

SOMALILAND MA WAXA AY XAD LEEYIHIIN MARAYKANKA MISE SOMALIA OO MADAXWEYNAHOODU AANU XUKUMIN MUQDISHO OO DHAN.

Edward Bulwer-Lytton ayaa 181 sano ka hor 1839 cadeeyey in qalinka uu ka xoog badanyahay seefta markii uu qoray odhaahda ah ( The Pen is mightier than the Sword ) ama ( Le stylo est plus puissant que l’epee ).

Tacliinta ayaa ah hubka ugu xooga weyn leh ee aad ku badali kartid aduunka iyo noloshaada,waana sababta masiibo kasta oo dhacda aan ugu raadino caruurteena hab ay wax ku bartaan.

Kelly Brownell oo ka dhiga cilmi nafsiga ( Clinical Psychology ) jaamacadda Yale ayaa sheegay in caajiska ( Laziness ) uu yahay mid ay jecelyihiin cadawga qofka,waayo waxa uu cadawgu uu ogyahay in aanad waxyaabaha uu kuu diidanyahay aanu ku khasbanayn inuu dagaal kugula galo,waayo adiga ayaaba aan diyaar u ahayn dagaal ah cilmi nafsi,maadaama uu kuu diidaayo caajiska ( Laziness ).

Hadii ay sidaas noqotay jawaabta saxda ah ayaa uu Professor Brownell ku macneeyey caajiska sidan hoos ku qoran:

” Laziness is one of the greatest enemies in our life,it sometimes comes with fear.Although often used as a derogatory term,the truth remains and it pushes some people to run away from certain actions,works or movements”.

” Caajisnimadu waa mid ka mid ah cadawga ugu weyn nolosheena,mararka qaarkood waxay la timaadaa cabsi, inkasta oo badanaa loo adeegsado erey-bixin aflagaado ah,hadana runtu waa mid jirta,waana mid dadka ku riixda in ay ka cararaan falalka qaarkood,oo ay ka cararaan shaqooyinka ah in ay qabtaan ama dhaqdhaqaaqa looga baahnaa in ay sameeyaan”.

Cadawga waxa uu ka faa’iidaystaa taas,waa hadii aanu lahayn wahsiga aad leedahay.Tusaale ahaan hadii nin aad ku ogtahay inuu ka caajisaayo inuu bangiga kala soo baxo $1000.00 ayaa waxa uu kaa codsan karaa in uu kuu dhiibo ( Bank Card ) ama kaadhka bangiga si aad ugu soo saarto $1000.00.

Waxa uu kaa yeelayaa ninkaas fariinta ah in aanad u samaynayn ilaa aad qaadato $300.00 isagana aad siiso $700.00 ee soo hadhay,waaba hadii aad tahay qof daacad ah.Hadii aad tahay tuug waxa aad la baxaysaa dhamaan $1000.00 kumana soo noqonaysid.

Sababta aad uga badisay ma aha inuu yahay qof aan lahayn maskax ku filan,waxa laga yaabaa inuu kaa maskax badanyahay,laakiin waxa maskaxdiisa fiican burburisay caajiska.

Sidoo kale,xayawaanka qaarkood sida ( Sloths ) iyo ( Koala ) ayaa ah xayawaan ka wahsada in ay dabbaraan noloshooda,waxana ay sababtaa in aanay si fiican cunto uga raadsan meelaha ay u baahanyihiin in ay cunto ka fiican meelaha ay joogaan ka raadsadaan.

Laakiin xayawaankaas waa ay ka fiicanyihiin bani’aadamka wahsada ama ka caajisa shaqadooda,waayo joogitaanka ay joogaan meelaha ay ku noolyihiin waxa ugu jirta hal faa’iido oo ah in aanay cunin xayawaanka kale ee ka awoodda badan.

Marka aan ka nimaadno hordhacaas, ayaa waxa aan dhamaanteen la soconaa colaadda siyaasadeed ee u dhaxaysa Somaliland iyo Somalia.

Dad badan oo kasoo jeeda Somaliland ayaa aaminsan in ( United Nations ) iyo wadamada deeqaha bixiya ay lacagta ay siiyaan Somaliland ay usoo mariyaan Somalia.

Arintaas waa arin aan jirin,waayo faraq baa u dhaxeeya,mana aha wax isku mid ah erayga ( Attempt ) ama ( Isku Day ) aad isku dayaysid in ay wax kuu suurto galaan iyo ( True Event ) ama dhacdo run ah.

Tusaale ahaan,March 6,2018 ayaa dawladda Somalia ay u qortay warqad Ururka Jaamacadda Carabta ( The League of Arab States ),waxa ay warqadaas codsanaysay in DP World ay joojiso balaadhinta iyo casriyaynta dakadda Berbera,maadaama Berbera ay tahay Somalia ,Somaliyana laga xukumo Muqdisho.

Ururka Jaamacadda Carabta waxa ay diideen codsiga Muqdisho,waxana ay cadeeyeen in dawladda Muqdisho aanay xukumin Berbera.isku day labaad ayaa Safiirka u fadhiya Somalia ( UN ) waxa uu codsaday in Imaaraadka loo sheego in ay faraha kala baxaan dekedda Berbera ayna ilaaliyaan midnimada Somalia,maadaama Somaliland ay caqabad ku tahay dawladda Muqdisho.

Si la mid ah Ururka Jaamacadda Carabta,Qaramada Midoobay waxa ay sheegeen in codsiga Somalia aanu ahayn mid la ansaxin karo ( Valid ),maadaama ay la socdaan khilaafka Somalia iyo Somaliland,Berberna ay ku taalo Somaliland.

Markaas ayaa ugu dambaysay Somalia in ay ka hadlaan dekedda Berbera.

Si dawladda Muqdisho ay ugu khasbaan in Somaliland ay ka noqoto dalnimada ay ku dhawaaqday ayaa waxa ugu dambayn ay ka codsatay Qaramada Midoobay in lacagta loogu deeqo Somaliland,ay marka hore iyada loo sii mariyo,taasna waxa Mar labaad diiday Qaramada Midoobay ( UN ).

Sababta ay uga cudur daarteen ayaa ah heshiis dhexmaray Somaliland iyo madaxweynihii hore ee Somalia Hassan Sheik Mohamoud oo ( Qaramada Midoobay ) ay u soo jeedisay in Somalia ay ka koobantahay shan maamul goboleed,sidaas awgeedna ay gaar deeqaha u siinayaan Somaliland.

Laakin ta aan ognahay ayaa ah in Qaramada Midoobay ay wakhtigan aanay u aqoonsanayn Somaliland wadan ka mid ah wadamada caalamka aanay u aqoonsanayna mid ka mid ah maamul goboleedyada Somalia,taas oo noqotay mid ay ka doodaan aqoonyahanada wax ka qora siyaasadaha aduunka.

Waxa kale oo run ah in deeqaha la siiyo Somalia ay ka badanyihiin deeqaha la siiyo Somaliland,waana ta keentay in dad ka soo jeeda Somaliland ay u ordaan Somalia,laakiin deeqahaas ayaa 80% ku baxa musuqmaasuq,taasna waxa ay keentay in ay yaraato deeqaha la siiyo Somalia.

Waana sababta Somalia ay u xadaan sawirada ka tarjumaya horumarka Somaliland una sheegtaan in ay sawiradaas ama muuqaaladaas ay yihiin kuwo ay sameeyeen dawladda Somalia,ayna u sameeyeen waxa ay ugu magacdareen ( Caawinta Dadkayaga ).

Dhibaatada haysata dadka Somaliland ayaa ah in ay in badan oo ka mid ah u arkaan Somalia,Maraykanka oo kale.Waayo waxa ay aqbalaan baropogaando kasta oo ku liddi ah Somaliland,taasna waxa ka sii khatarsan in iyaga loo adeegsado in ay sii gudbiyaan borobogaandaas.

Waxa layaableh in kuwa gudbinaya ay markan aanay ahayn kuwa Muqdisho u carara,ee ay sii faafiyaan propogandaha Muqdisho kuwa aaminsan in ay Somaliland wadan noqoto.

Waxa kale oo meesha ka baxay weerar celin ( Counter Attack ) oo aanay samayn dadka u ololeeya Somaliland intooda badan.

Taas waxa ay la midtahay goolhaye ( Goalkeeper) kooxda uu u ciyaarayo aanay doonayn in ay gool ka dhaliyaan kooxda kale,laakiin ay doonayaan uun in ay iska difaacaan gool kasta oo dhinacooda lagu soo wado.

Waa siyaasad xun,maxaa yeelay mar ayaa dhici karta in ay kooxda kale ay kaa dhaliyaan gool,waayo iyaga warwar kama qabaan inaad weerartid.

Arintan ayaa ah run,waayo ma hayno Somaliland oo isku dayaysa in ay fashaliso xukuumadda Muqdisho,laakiin waxaan aragnaa iyada oo isticmaalaysa qaab jilicsan ( Soft Approach ) sida erayada ah ( Walaaladayada Somalia ).

Qalinkii Ahmed Adam.

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories