HomeSOMALILAND Ma Qaadi Kartaa Laba Doorasho oo Isa Saaran? – QALINKII: Garyaqaan...

SOMALILAND Ma Qaadi Kartaa Laba Doorasho oo Isa Saaran? – QALINKII: Garyaqaan Maxamed Axmed Cabdi Bacaluul

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

MaxamedWada-qabashada Doorashooyinka Madaxtooyada iyo wakiiladu ayaa muuqata inay tahay arrin ay isku raaceen axsaabta siyaasadda iyo doorashooyinka. Heshiiskani uma muuqdo mid ay dhinacyadu raali ku wada yihiin, balse waa mid dhan waliba u qaatay si uu kan kale jiq ugu siiyo. Xaajadu waa “ dhan kastaba ha lagu qado”. Marka ay siyaasiyiintu noqdaan kuwa isku muuqda, waxay isla dulmaraan dadka iyo dalkaba. Maaha, heshiisku mid lagu gaadhayo xal dib loogu saxayo qabyada iyo qalloocii jiray, balse waa mid lagaga baxsanayo xiisaddii-khilaafeed ee jirtay, la iskuna aamusayo iyadoo la arkayo cawaaqibka ka dhalan kara waxa la isku gacan-qaadayo. Dadkuna markan iyagoo gabiyo kasii dhacaya ayaanay iska qaban.

In la sameeyo doorashooyin isa-saar ah waqtigan, waxa dadka loogu sheegay inay keentay dhaqaale yaraan. Waa sabab u eeg macquul, marka hal goob-codbixineed la dhigo laba sanduuq oo u kala taagan laba xilli-doorasho. Codbixiyuhuna hal mar wada doorto wakiilkiisa iyo madaxweynihiisaba. kharashkii hal-doorasho ku bixi lahaana, loo adeegsaday laba doorasho oo isku dhaqaale iyo hawlba ahaan lahaa. Su’aashu se waxay tahay, Somaliland miyay garan wayday is-raacintan,intay qabanaysay doorashooyinkii isdaba-socodka? Misa xaaladda dhaqaale ee maantu way ka liidataa tii waqtiyadi hore ? Hadday sidaasba tahay, korodh miisaaniyadeedyadan sannada walba la inoo sheegaa hadaba ma beenbaa? Misa qaadhaan-bixiyaashii ayaa doorkan inoo aamusay?

Muwaadin,haddaad adigu sababaha dhaqaale qaadatay, anigu kulama qabo. Una malayn maayo in uu dhaqaalaha doorashooyinku yahay caqabadda jirta ee keentay in la isa-saaro doorashada Madaxweynaha iyo tan wakiilada. Balse caqabada jirtaa waxaan aaminsanahay inay tahay, indha la’aanta damac ee siyaasi-ismoodkeena. Mar haddii xil-kordhin xukuumadeed noqday arrin la iskaga dhaartay, iyaguna, wakiiladii muddo-dhaafka ahaa u sheege, in aanay xilka kaga sii dambayn oo hal mar la wada gali doono garoonka.

Hadaba, in la yidhaahdo laba dhadhaar oo ka mid ah, dhadhaaradii qaranku ku fadhiyay loollan hal mara ha wada galaan, waxay ila tahay, dawladnimadii oo lagu khamaaray. Doorashooyinku waa marxalad siyaasadeed oo cawaaqibkeeda la sii oddorosin karin. Markaas maaha, in la inoo hadoodilo khataraha ka dhalan kara doorashooyinkan isa-saaran.Ogow, in uu seeskii qaranku dumay, haddii uu khal-khal galo hannaanka codbixinta ama natiijadeedaba noqoto mid dhinacyadii ku loollamayay ku qanci waayeen amaba, aan helin kalsoonidii dadweynaha. Sababtoo waxaynu hal mar kala-dirnay baarlamaankii iyo xukuumaddii , waxa qudha ee laga tagayna waa Golahan Guurtida, ee illaa maanta lagu dhiiran laayahay xeer-doorasheedkeesii . Miyayna markaas ahayn doqonnimo kale oo tii lixdankii ka daran, mar haddaynu ka faaidaysan waynay waayo-aragnimadeenii hore. Miyaynaan u dumin, waxaynu maal iyo naf usoo hurnay si aynu u raali galinno rag kursi-ku-dirir ah. .

Dadka qaar ayaa laga yaabaa inay meesha ka saaraan hubaal la’aan siyaasadeed (Political uncertainty) oo ka dhalata doorashooyinka madaxtooyada iyo wakiilada ee isa-saarka ah. Kuwaasi oo ku doodaya in hannaanka farsamo ee doorashoyinkan loo samaynayaa uu yahay mid la isku hallayn karo. Doodda noocan ahi, maaha mid macquul ah, waayo hore ayaynu usoo aragnay qalab xog-keydiye ahaa oo sidii la filayay u shaqayn waayay. Masiirka qarankan ee inoogu taaganyahay naf , maal iyo waqti badan oon dib loo heli Karin, mana qaadan karno in la yidhaahdo maanta waxa lagu aaminayaa Mishiin ama seerfar yar oo dalkale lagu soo farsameeyay.

Marka laga yimaado, farsamada iyo dhaqaalaha, hannaan doorasheedkuna waxa la baaxaadagayaa caqabado sharciyeed oo aan waxba laga qaban. Gobol-doorasheedyada dalkana oo illaa doorashooyin hore abuuray khilaafyo deegaan iyo codbixineed ayaan illaa maanta si rasmi ah xeer loogu kala xadayn. Sidoo kale hannaan doorasheedkeenu malaha Nidaam Garsooreed rasmiya (Electoral Justice System) iyo xeer ciqaabeed qeexaya fal-dambiyeedyada la xidhiidha Doorashooyinka (electoral offences). Mana sugna illaa maanta waxa laga yeelayo, qofka foorjar-gareeya waraaqaha codbixinta, si aan sharci ahayn u liisgareeya amaba u saxeexa waraaq-codbixineed, ama fidiya warbixin been ah, ama marin-habaabin ah oo la xidhiidho warqaaha codbixinta iyo tirintoodaba. Lama garan karo fal-dambiyeedka lagu qaadayo masuul xisbi ama xukuumadeed ee si sharci darro usoo faro-galiya goobaha codbixinta. Sidoo kale,ma jiro nidaam sharciyeed oo lagula xisaabtamo, masuuliyad darrada iyo xilgudashada la’aanta ka timaada Gudida Doorashooyinka iyo hawl-wadeenaday usii igmatay waajibaadkeegaasi.

Iyadoo ay taasi jirto, in sidii doorashadii dhawayd ee golaha deegaanka indhaha lagu kala qaado, boob iyo wax-isdaba-marin doorasheed oo aan cidna lagula xisaabtamin fal-dambiyeedyadaasi iyo masuuliyad darradaasi, maaha wax mar kale loo dulqaadan karo. Doorashooyinkanina waa heer qaran,waanay ka xumad iyo xasaasiyad badanyihiin kuwii hore, sidaa darteed waxaan ku talin lahaa, in labada doorasho ee Madaxtooyada iyo Wakiilada la kala qaado. Mar haddii uu hannaan doorasheedkeenu aan wali gaadhin heer uu farsamo ahaan,dhaqaale ahaan iyo sharci ahaanba isbixyo. Sidoo kalana lasii eego cawaaqibka iyo waxyaabaha suurtagalka ah ee saamayn ku yeelan kara deganaanshaheena siyaasadeed iyo xasilloonid guud ee qaranka.

Garyaqaan Maxamed Axmed Cabdi Bacaluul

(252 63 44 88 011)

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories