HomeSOMALILAND: Ma liicin, ma laalmin, mana lumin – Qormada 3aad ~ Qalinka...

SOMALILAND: Ma liicin, ma laalmin, mana lumin – Qormada 3aad ~ Qalinka Boobe Yuusuf Ducaale

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Innaga oo aan Qodobbada oo dhan soo wada qaadanayn, bal aan ku yar hakanno Qodobka: 3aad oo isaguna dhigaya:  

Waxay labada dhinacba u darban yihiin nidarna (committed) ku mareen sii-wadidda iyo joogtaynta wada-hadallada, waxaanay labada madaxweyne ugu baaqayaan in ay si dhakhso ah u kulmaan si ay u qiimeeyaan horumarka wada-hadallada laga gaadhay,”

Wasiirkii hore ee Warfaafinta
Wasiirkii hore ee Warfaafinta

Qodobku sida uu u dhan yahay khad madow ayaan idiin mariyay. Waxaan ogaan hoosta uga xarriiqay ereyada ah ‘labada madaxweyne’ (two presidents).Bal hadda labadan erey u fiirsada. Waxa Qodobkan lagu sheegayaa ‘laba madaxweyne.’ Waa laba aan la kala saarin. Waa laba aan kala mudnayn. Waa laba aan astaamo kala sooca loo samayn. Waa laba aan la odhan dalal kala duwan ama kala weyn ayay ka socdaan.

Run ahaantii in labada madaxweyne la simaa innaga ayay nusqaan inagu tahay oo Mudane Siilaanyo cod dadweyne ayaa lagu doortay. Buruud iyo burhaanba waa uu ka sarreeyaa nin ay Baarlamaan la soo dhoob-dhoobay soo xusheen, illeyn taas oo kale doorasho laguma sheegi karo e’. Sidaas ayuu Mudane Siilaanyo kaga sarreeyaa oo aanu ninkaa kale meel la taagnayn. Innaga oo Burjigii iyo Buruudkii Libaaxa leh, ayaynu isu qaadanaynaa Biiq yar oo la qabtay. Innagii ayaa babbiso iyo go’aba isu ridayna oo meel aynaan taagnayn is-dhigayna. Ma waxaynu odhan kari weynay: “Buus iyo ban ayaa la idin ka yidhi.”

Dal ahaan ma liidanno, dad ahaanna ma liidanno. Waxaynu qabsannay adduunyadu waa ay la yaabban tahay, innaguna ma iibin karaynno. Koox wanaagsan oo garoommada caalamiga ah kubbadaha siyaasadeed ka ciyaarta waa aynu noqon karaynay, immikana waa aynu noqon karnaa, bal se ‘Kowjka’ iyo ‘Kabtan-xumida’ ayaa inala hadhay.’

Hogaanka ayaa debecsan. Hoggaanka ayaa ina hagraday. Hoggaanka iyo inta hareero joogta ayaa haadaan inagala dhacaysa haddii aynaan is-qaban. Marba waxa kugu soo dhacaya tuducyo ku jiray maansadii Gudgude ee Hadraawi oo aan ka soo qaadan karayo:

“Xil uun buu guddoontaye ka beydh, gudashadiisiiye,

 Ka galgalay habaar-qabe halkuu, gool ku cuno weyne,

 Nin hadduu tashiga guuto faran, keli ganaanaysto,

 Gaaraayucuuntiyo shinnida, gurucyo dhaadheerta,

 Giiryaalayaashiyo fulaa, laguma-guuraanka,

 Gumarta iyo maajeenta iyo, geed-xunkiyo tuugga,

 Gungunnaafka iyo maarta iyo, gocorka aan quudhin,

 Kun nin oo guraangur ah hadduu, goob isugu keeno,

 Dadka kale intii gudan haddii, gararka loo jiido,”

Ma wadi karayo e’, inta ka hadhsan idinku ku darsada idinka oo soo xiganaya hal-abuurka aad doontaan, illeyn ilaa aammanuu ayaa muuqaalladan maansooyinka laga falkinayay e’. Maxaynu meel madow filimmo caynkan ah oo murugo badan ku daawannay, haddana sidii ummusha illownay oo u qaadannay in aynu xalay dhalannay. Maxay hal-abuurka iyo abwaannadu inagu daaleen, markii ay dhegeheennu waxba shuban waayeen.

Si fudud iyo si-dalag ayaynu Shirkaa hore ku gallay. Waxa ka-qayb-galkiisa isku koobay madaxdii xukuumadda oo intooda badani aanay waxba uga soo joogin soo-yaalkii taariikheed ee dalka iyo dadkanba. Bal hadda aan soo qaadanno Qodobka: 4aadoo odhanaya:

“Labada dhinac waxay ugu baaqayaan Beesha Caalamka in ay sii wadaan fududaynta wada-hadallada, iyaga oo labada dhinac ku kaabaya Xeel-dheereyaal dibadeed oo xagga: shuruucda, dhaqaalaha iyo amnigaba ah,”

Bal tabaaladaa daya. Sannadkii hore ayaa fursaddaas la ina siiyay. Maanta oo bishii Meey 2013ka aanay waxba ka hadhin marnaba fursaddaas lagama faa’iidaysan. Wasiirradeennii waayo-aragnimada iyo taariikhdaba saboolka ka ahaa ayaa mar kale u lebbisanaya in ay shirar aan la mahadin ka qayb-galaan iyaga oo aan waxba diyaarsan. Mararka qaarkood ayaad is-odhanaysaa malaha shirarkaba wax kale looma tago oo aan ahayn in sawirro la iskaga soo qaado.

Haddii aynu fursaddaa ka faa’iidaysan lahayn oo aynu xeel-dheerayaal dibadeed iyo kuwo maxalliyaba isku dari lahayn, maanta waxaynu ahaan lahayn niman xaraar-butaystay oo qaddiyaddoodii oo wixii ay daliil u baahnayd wadata dibadda soo dhigay. Waa sheekadeenniiye: “hadal uun baa ka danbayn lahaa.” Bal maxaynu maanta la shir tegaynaa? Ma laga yaabaa in dhinaca inaga soo hor-jeeda ka diyaar-garoobay oo waxyaabaha la ina soo hor dhigo daafici kari weyno? Ha aammusina e’, ka sheekeeya dee. Markaas ayaynu dhabanka iyo gacanta isku illownaa!

Haddii aynu ka faa’iidaysan lahayn fursadahaa ku jiray Qodobka 4aad ee kor ku xusan maanta waxa diyaar inoo ahaan lahaa intaas oo buug ama ‘Dokumenti’ oo aynu raad-raac iyo markhaatiba ka dhigan lahayn. Hoogga iyo ba’a taagan ma maanta ayay qaddiyaddeennii dhiig la og yahay ku daatay mar kale marti u tahay dhawaan-soo-bixii iyo fiqi-duurrayaashii siyaasadeed. Ma innamadii dorraato waa ay fogayd e’, shalay wixii dhacay ogeyn ayaynu doogsin-cararka in ay haamo inoo soo dhaamiyaan u dirannay. Wallee! Innaga iyo harraad waa is-hurranahay.

Hadda magaalada Hargeysa waxa jooga Mudane Axmed Maxamed Aadan, Qaybe, oo tan iyo kontonnadii soo lignaa maamulkana ku soo dhex jiray. 31 sannadood ayuu ahaa safiir, Xoghayaha Joogtada ah ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Wasiir Arrimo Dibadeedba. Odey Soomaaliyeed oo Somalilander dhalad ah oo aan biyo is-marin. Intii qalalaasaha Soomaaliya bilaabmay, Hargeysa sidii uu u yimid meelna kama tegin. Waa mid ka mid dadkii u soo taagnaa ee u soo lignaa waxyaabahan aawan ee maanta laga wada hadlayo. Buug kama uu akhrisan, mana bowsan ee wuu u soo taagnaa oo weliba ka adeegay.

Waxaad la sii yaabaysaa mararka ay wufuuddu baxayaan iyo dhibaatada Madaxweynaha lagu hayo ee aanu isaguna maya odhan karayn. Cudur-daarrada loo samaysto raacista wufuudda waxa ka mid ah: Waan isa soo baadhayaa caafimaad ahaan, waan soo gacan-marinayaa, xaaskii oo aanan beryahaa arag ayaan ku yar hadhi doonaa, baasaboor ayaan doonanayaa iyo waxyaabo aanay waxba inooga shan iyo toban ahayn. Madaxweynuhu mararka ay noocyadaasi la hadlayaan, juuq uma celiyo ee liiska ayaa lagu daraa. Berigii ugu horreysay ee London la tegayay, mefrish keliya ayay malaha  afar qof wefdiga kaga qornaayeen. Ma waxaad moodaysaan in dan ummadeed loo dhoofayo inta badan? Xaalku waa daawasho, dalxiis iyo tamashle. Waxaan is-idhi xukuumaddeenna talada haysa Ma-dhoofka iyo Mar-dhoofka ayaa ku badan. Dhar-xidhashada iyo suudh-qaadashadana wax kaga dara. Waxaan innaga inoo muuqan oo aanay waxba inooga cabbayn ayaa loo doogsin-cararayaa ama loo doog-dhabanayaaba. Dhullaxii Timacade sheeg-sheegi jiray ayaa si walba u dhex qaaday, malmalkii iyo dab-qaadkii lagaga cuudin lahaana weli ma haynno.

(La soco……………………………………………..)

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories