HomeSomaliland: Komishanka oo Shaaciyey Nidaam Cusub oo lagu Geli Doono Doorashooyinka soo...

Somaliland: Komishanka oo Shaaciyey Nidaam Cusub oo lagu Geli Doono Doorashooyinka soo Socda

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)- Komishanka Doorashooyinka Somaliland, ayaa shaaciyey in Dooraashooyinka soo socda lagu gelayo qaab ka casrisan nidaamkii lagu qabtay Doorashooyinkii Isku-sidkanaa ee Goleyaashaha Wakiillada iyo Deegaanka oo 31-kii May ee sannadkan ka qabsoomay Dalka.

Nidaamka cusub ee Guddidu sheegtay in lagu geli doono Doorashooyinka dambe, ayaa ah mid lagu casriyeeyey hannaankii diwaan-gelinta codbixiyeyaasha kaas oo looga guuri doono Buugaagtii laga baadhi jiray Liistada codbixiyeyaasha goobaha, sida uu sheegay Guddoomiyaha Guddida Doorashooyinka Qaranka Cabdirashiid Riyo-raac oo hadal ka jeediyey kulan ku qabsoomay magaalada Hargeysaoo  lagu soo badhigay warbixin la xidhiidha Doorashooyinkii dalka ka qabsoomay.

blankGuddoomiye Cabdirashiid waxa uu tilmaamay in iyadoo looga gol leeyahay casriyeynta nidaamka Doorashada la isticmaali doono qayb cusub oo lagu soo kordhiyey agabka Tiknoolajiyada ee loo isticmaalo Doorashooyinka, kaa soo oo uu sheegay inay Dawladda Taiwan ku caawisay Somaliland.

“Waxa mar kasta muhiim ah in horumar laga sii sameeyo qaabka Doorashooyinka aynu ku galno, maadaama oo aynu koritaan ku jirno. Markaa Komishanka Doorashooyinka Qaranku wax badan buu qorshaynayaa, waxaynu haysanay Qalab Isha qabta, laakiinse maynu haysan qalab marka goobta laysla tago akhriya waxa la hayo ee goobta yaalla, oo Doorashada qayb waxaynu u isticmaalaynay Buugaag iyo qalin iyo in wax la baadho.

Arrintaas waxaan rajeynaynaa inaynu ka guurno Doorashada soo socota buuggaagtii la baadhayey, qalabkeediina waa inoo yaallaa oo dawladda Taiwan ayaa inaga caawisay, Soft-ware kii iyo nidaamkiisana shirkado Koonfur Afrika laga leeyahay ayaa sameeyey, laakiinse waxa wali noo hadhay in aanu gobolada iyo degmooyinka ku soo tijaabino oo qof waliba halka uu ahaa Indhihiisa lagu qabto,” sidaas ayuu yidhi Guddoomiye Riya-raac.

Guddoomiyuhu waxa uu sheegay in nidaamkan cusub uu diyaar ahaa maalmo ka hor Doorashooyinkii Wakiillada iyo Deegaanka, balse iyadoo laga taxadirayo in khalad ka yimaado loo dhigtay in Doorashooyinka dambe la isticmaalo.

“Nidaamkani wuxuu meesha ka saarayaa in sawir dambe Buug laga baadho, Indhuhu marnaba ma khaldamayaan, laakiinse waa sawirka oo laga yaabo qofkii isagoo 15 jir ah isdiwaangeliyey uu sawirkiisu isbeddelo, markaa taasa meesha laga saraayaa. Waxa kale oo horumarka Komishanku gaadhay ee uu qorsheynayo kamida in xal loo helo diwaangelintan soo noqnoqaysa ee afarta jeer ee Doorashada ahba imanaysa ee dhaqaalaha badani inagaga baxayo, gaadhista dadkuna caqabadaheeda kamid tahay, arrintaas waxaan rajeynaynaa in talo qaran laga yeesho,” Sidaas ayuu yidhi Guddoomiyaha Guddida Doorashooyinka Qaranka Cabdirashiid Riyo-raac.

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories