HomeSomaliland: Komishanka Heer Qaran ee Xakamaynta HIV/AIDS oo Tababar u Qabtay Culimada...

Somaliland: Komishanka Heer Qaran ee Xakamaynta HIV/AIDS oo Tababar u Qabtay Culimada Gobolka Awdal

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

 

Hargeysa (SLpost)- Komishanka Heer Qaran ee Xakammaynta Xannuunka HIV/AIDS ee dalka Jamhuuriyadda Somaliland ee SOLNAC (Somaliland National AIDS Commission), ayaa culimada ku nool Gobolka Awdal u qabtay tababar la xidhiidha hoos-u-dhigista cuqdadda lagaga qabo fayraska HIV ee dhaliya cudurka AIDS-ka.

blankTababarkan oo socday muddo laba maalmood ah (6 ilaa 7 April 2020) ee ka qabsoomay magaalada Boorama, waxa lagu falanqeeyey sidii loo ilaalin lahaa, loona daryeeli lahaa dadka la nool fayraska HIV muddada lagu jiro dhibaatooyinka ka dhashay xannuunkan saamaynta xooggan ku yeeshay caalamka ee Coronavirus, iyadoo ay furitaankii tababarkaasna ay ka qaybgaleen culimada waaweyn ee Gobolka Awdal, masuuliyiin ka socday Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta iyo madaxda sare ee Komishanka SOLNAC.

blankAgaasimaha Wacyigelinta ee Komishanka La-dagaalanka HIV/AIDS Mr. Muxuyadiin Yuusuf Ibraahim oo halkaas ka hadlay, ayaa faahfaahin ka bixiyey muhiimadda uu tababarkani leeyahay iyo sida ay muhiimka u tahay in la ilaaliyo, lana yareeyo takoorka iyo cuqdada laga qabo dadka la nool HIV/AIDS xiligan lagu jiro cabsida laga qabo xannuunka Covid-19, waxaannu yidhi; “Waxa jira dad la nool xannuunka HIV/AIDS oo lagu dhibaateeyo magaalooyinka Gobollada dalka Somaliland oo dhan, markaa dadkaas innagu dhex dhibaataysan aynu bulshadeena uga wacyigelin lahayn, una soo korin lahayn wacyigooda ee aynu ugu sheegi lahayn in qofkan laga daayo dhibaatada jidh ahaan loo gaadhsiinayo iyo dhibka caqliga ahba.”

Waxaannu intaas ku daray; “Waxa aynu nahay dad islaam ah oo dadka islaamka ahna waxa hoggaamiya culimada, markaa haddii aydaan doorkiina qaadan oo aydaan bulshada wacyigelin, waxa aannu sheegayno iyo waxyaaba ay dhakhaatiirku sheegayso meel gaadhi maayaan, balse wax faa’iido ayaa innooga soo baxaya marka dadka arrintan looga sheego masaajidada marka la tukanayo salaadaha, khudbadaha Jimcayaashana aynu ku darno, sababtoo ah laba eray oo aynu xasuusino dadka jamaca ah ee masaajidada yimaad ama lagu daro khudbadaha Jimaca, waxa ay ka awood iyo waxtar badan yihiin kumanaan dhakhaatiir ah oo ka sheekeeya xannuunka, waana in aynu dadka ka wacyigelino inay isbaadhaan waqtiyada ay isguursanayaan oo waqtiga meherka, culimada ayuunbaa wax meherisa, markaa in ay culimadu ku darto, shardina ka dhigto, haddii aanay ka dhigayna ay waano ka dhigto inay iska baadhaan HIV/AIDS.

blankMarka aynu qoyskaas badbaadino, waxa aynu badbaadinaynaa waa bulshada, waxaana dhismaya qoys caafimaad qaba, ka xannuunka qabana lagu ceebaysan maayo ee waxa aynu u guurinaynaa mid kale oo xannuunka qaba oo uu baahidiisa u guto, markaasna waxa inoo soo baxaya qoys caafimaad qaba, waxa inoo soo baxaya umad caafimaad qaba oo haddii aynu u guurin wayno qofka xannuunka HIV/AIDS qaba ilayn baahiyo jinsi ayuu leeyahay oo waddo qalloocan ayuu marayaa, taas qalloocana waxay innagu fidinaysaa xannuunkii, markaa si ay innaga inoo badbaadiyaan, waxa la innooga baahan yahay in aynu innaguna daryeelno iyagana oo aynu taakulayno, sidaa darteed waxa aannu idiinku nimid oo marti idiinka nahay ama aynu wada gudanaynaa dadkaas innagu dhex

blankAgaasimaha Wacyigelinta ee Komishanka La-dagaalanka HIV/AIDS Mr. Muxuyadiin Yuusuf Ibraahim, ayaa sidoo kale ka hadlay dhibaatooyinka adag ee la xidhiidha xannuunka Coronavirus, waxaannu yidhi; “Waxa kaloo soo baxday masiibo kale oo ka wayn (HIV/AIDS), Ilaahay ha innaga badbaadiyee oo saamaysay Adduunyada oo dhan oo ah xannuunkan Covi-19, markaa qolooyinka ugu nugul xannuunkaas ayey ku jiraan dadka la nool HIV/AIDS oo qofka haddii uu daciifo jidhkiisa iyo habka difaaciisu, waxa uu khatar ugu jiraa inuu ku dhinto marka uu haleelo xannuunkaas Coronavirus.”

blankSheekh Xaamud Nadiif Ibraahim oo ah Isuduwaha Wasaaradda Diinta iyo Awqaafka ee Gobolka Awdal oo furitaankii tababarkan hadal ka jeediyey, ayaa Komishanka Heer Qaran ee La-dagaalanka HIV/AIDS uga mahadceliyey dedaalka ay wadaan iyo tababarkan ay u qabtaan bahda culimada ee Gobolka Awdal.

blank“Isku imaatinkeenani waxa uu daaran yahay oo Komishankan Gobolku uu ka duulayaa xaaladaha ay hayeen ee u yaalay ee ah dadka la nool xannuunkaas HIV/AIDS-ka oo maanta haddii uu xannuunkaas kalena (Covid-19) uu dusha kaga yimaado dhibta ay leedahay, markaa taas ayaa la doonayaa in laga feejignaado, culimadiinana aad wax ka soo saartaan, haddii ay tahay figradiina iyo shareecadba hadba wixii aad culimo ahaan u fidinaysaa qoladaas la nool HIV/AIDS-ka, taas ayaana la idiinka baahan yahay,” ayuu yidhi Isuduwaha Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Jamhuuriyadda Somaliland ee Gobolka Awdal.

blank

 

Somalilandpost.net

contact@somalilandpos.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories