HomeSOMALILAND: Khasaaraha ka dhashay Roobab Mahiigaan ah iyo Duufaanno 24 saac ee...

SOMALILAND: Khasaaraha ka dhashay Roobab Mahiigaan ah iyo Duufaanno 24 saac ee u dambeeyey Dul-hoganaya Gobollo Dalka ka tirsan

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

London(SLpost)Wararka ka imanaya degaanka Cali Xaydh ee degmada Baki ayaa sheegaya in halkaasi ay ku dhufteen duufaan ku lamaanayd roobab mudo dhawr maalmood ah ka da’ayay degaankaasi isla markaana ay ka dhasheen qasaare isugu jira mood iyo noolba.

Sida uu shabakada u xaqiijiyay Suldaan Abshir Maxamed Ducaale oo ku sugan Cali Xaydh oo khadka taleefanka kula soo xidhiidhay, waxa uu sheegay in duufaantaasi ay ku dhaawacmeen sedex qof oo midi dhaawac halis ah yahay isla markaana ay degaankaasi ku burbureen guryo badan.

ciiro1

“Roobab mudo dheer da’ayay ayaa waxa ay mar kaliya isku badaleen dabayl xoogan oo afarta jiho iska qabsatay isla markaana xawli xoogan ku socotay, dabayshan ayaa jiingado badan ka qaaday guro dhisnaa, sidoo kalena waxa ay burburisay guryo kale oo cooshado u badnaa oo degaankaas ku yaalay, dabayshaas xoogan iyo burburkaasi guryaha ayaa waxa ay sababeen in 2 qof oo rag ah ay dhaawacyo fududi soo gaadhaan, halka ay qofka kale oo haween ah ay ku jirto KOMA isla markaana uu xaalkeedu yahay mid halis ah” sidan waxa yidhi Sul. Abshir

Waxa aan sheegayaa in loo baahan yahay gurmad degdeg ah oo dhinaca caafimaadka iyo adeegyada kale ee gargaarka degdega ah, waxana tan ku lamaan oo aan ka dayrinayaa kaabayaasha ay ka midka yihiin wadooyinka oo gabi ahaanba ay roobabku waxyeeleeyeen isla markaana ay suura gal tahay inay adkaato in gurmardku si sahlan u soo gaadho Cali Xaydh ayuu yidhi Sul. Abshir.

Dhanka kalena Ugu yaraan labo ruux ayaa ku geeriyooday roobab lixaad leh oo labadii maalmood ee u dambeeyey ka da’ayey meelo ka mid ah gobolka Salal.Iyadoo guud ahaan ay Somaliland ka da’ayaan roobab wata dabaylo qoyan.

Magaalada Garbo-dadar ee Gobolka Salal waxaa la xaqiijiyey dhimashada laba qof oo kala ah oday waayeel ah oo daad soo rogmaday uu qaaday iyo haweenay ay la duntay meel bullaacad ahi.

ciiro

Weriyahayaga Gobolka Salal, Maxamed Cawaale Daahir oo soo xiganayey Caaqil Ibraahin Muumin oo ku sugan tuulada Geerisa iyo Maayarka magaalada Garbo-dadar Cabdi Cabdilaahi Kalluunle oo ku sugan caasimadda Hargeysa ayaa ku soo warramay in roobabkaasi dhaliyey khasaare naf iyo moodba leh,iyadoo roob aan kala go’ lahayni deegaanadaasi ka da’yeen labadii maalmood ee la soo dhaafay oo dhan.

Wararku waxa kale oo ay sheegayaan in daadad ka dhashay roobabkaasi ay qallibeen oo rideen gaadhi booyad ah oo shidaal u soo siday dhanka magaalada Hargaysa isagoo marayey dooxa degmada Garbo-dadar.

Sidoo kale Duufaan xoog leh oo wata dabaylo qoyan ayaa maanta ku dhuftay Degmada Ceelaayo ee Gobolka Badhan ee Bariga Somaliland, kaas oo sababay Khasaare kala duwan.

Maayarka Magaalada Ceelaayo Md Barkhad Aadan Xasan oo hawlo shaqo hadda u jooga magaalada caasimadda ah ee Hargaysa ayaa galabta u sheegay warbaahinta in wararkii ugu dambeeyey ee uu ka helay maamulkii degmadu ay caddaynayaan in Duufaan xoog leh oo wata dabaylo qoyan iyo roob ay ku dhufteen Magaalada Ceelaayo.

Maayarku waxa uu sheegay in Ku xigeenkii Maayarka ee magaaladaasi Ceelaayo oo lagu magacaabo Faarax Maxamuud Shuucaar uu ku soo wargeliyey xogta ku saabsan duufaantaasi oo sababtay khasaare soo gaadhay xoolaha nool, hanti kale iyo dhismayaashii kaabayaasha bulshada, duufaankaas oo dumiyey dhismayaal badan, doonyihii taagnaa xeebtana banaanka uga soo saaray badda oo burburiyey, isla markaana dilay qiyaastii boqol neef oo adhigii magaalada ah.

Dhanka kalena Maayarku waxa uu sheegay in aan laga war haynin dadkii danyarta ahaa iyo reer guuraagii deganaa magaalada nawaaxigeeda, isla markaana aan la ogayan khasaaraha gaadhay maadaama ay dabayluhu dhacayeen maalinimadii oo dhan welina socdaan.

Somalilandpost.net

London

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories