HomeSomaliland ka qayb-gashay Tartanka Kubadda Cagta Dalalka Afrika oo Noociisu cusub yahay

Somaliland ka qayb-gashay Tartanka Kubadda Cagta Dalalka Afrika oo Noociisu cusub yahay

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Nairobi (SLpost)- Magaalada Nairobi ee Xarunta dalka Kenya, waxa Sabtidii shalay ka bilaabmay tartanka Kubadda Cagta iyo Gacanta ee Dadka Maqalka Naafada ka ah ee Afrika oo noqonayaa kii u horreeyey noociisa ee ay ku tartamaan Dalalka qaaradda Afrika.

Tartanka oo Qayb ka ah isreebreebka waddamada Qaaradda Afrika ee ka Qayb-galay tartanka Ciyaaraha Adduunka ee dadka Maqalka naafada ka ah oo sannadka 2022-ka lagu qabanayo dalka Brazil, waxa ka qayb-galaya 16 Waddan oo Jamhuuriyadda Somaliland ku jirto.

blank23 Waddan oo qaaradda Afrika ah ayaa markii hore isu-diiwaangeliyey ka-qayb-galka tartanka haseyeeshee sababo dhaqaale oo soo wejahay Guddiga Ciyaaraha Dhegoolayaasha Afrika iyo xaaladda xannuunka Covid-19, ayaa sababtay in tirada laga dhigo 16 waddan oo isu diiwaangeliyey inay tartanka ka qayb-galaan, sida uu sheegay guddoomiyaha Guddi dowladda Kenya u saartay Qaban-qaabada ciyaaraha Gordon Oluoch.

Tartanka oo socon doona 11-ka ilaa 25 September, waxa dalka magaalada Nairbi ee Kenya iska xaadiriyey ka hor intii aanu tartanku bilaabmin Sabtidii shalay ciyaartoyga  Dalalka Kenya, Mali, Senegal, Zanzibar, Ghana, Libya, Cameroon, Zambia, Nigeria, Somaliland, Masar, Gabon.

Waddamada Senegal iyo dalka tartanka Marti-galinaya ee Kenya, ayaa shalay lagu furay tartanka kubadda Cagta ee Dadka Maqalka Naafada ka ah,  waxaanay guushu raacday waddanka Senegal oo 3-1 kaga guulaystay Kenya.

Ciyaarta labaad ee tartanka waxa maanta isku-haleelay ciyaartoyga Dalalka Somaliland iyo Masar, waxaanay guushu raacday waddanka Masar oo 10-1 kaga badiyey ciyaartoyga Somaliland.

Xulalka ka qayb-qaadanaya tartanka ayaa loo qaybiyey Afar Group oo ka kooban 12 waddan oo ka mid ah 16 waddan oo inay tartanka ka qayb-galaan isu diiwaangeliyey, balse waxa ka maqan 4 waddan oo aanay ciyaartoygoodu tagin dalka Kenya.

Group A waxa kuwada jira dalalka Kenya, Mali, Senegal. Group B ayaa ka kooban Zanzibar, Ghana iyo Libya. Group C waxa ku jira Cameroun, Zambia iyo Nigeria halka Group D ka kooban yahay Somaliland, Egypt iyo Gabon.

Tartanka oo loo yaqaano Africa Deaflympics Ball Games, waxa kale oo qayb ka ah ciyaaraha Kubadda Koleyga oo isaga hor iman doonaan Xulalka waddamada isu-diiwaangeliyey inay ka qayb-qaataan.

Waxa tartanka maamulkiisa gacanta ku haya Guddi gaar ah loo aasaasay Ciyaaraha dadka Maqalka Naafada ka ah ee Qaradda Afrika kaas oo magaciisa la yidhaado Confederation of Africa Deaf Sports.

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories