HomeSomaliland iyo Qaramada Midoobay oo ka wada-hadlay Kor-u-qaadista Mashaariicda Gobollada Bariga

Somaliland iyo Qaramada Midoobay oo ka wada-hadlay Kor-u-qaadista Mashaariicda Gobollada Bariga

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay ku-xigeenka Ergeyga gaarka ah ee xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Somaliland iyo Soomaaliya, Dr Aadan Cabdimawla oo safar shaqo dalka ku yimi.

Kulankan, ayaa lagaga wada hadlay arrimo ay kamid yihiin nidaamka wada-shaqayneed ee Jamhuuriyadda Somaliland iyo Qaramada Midoobay, ee ay ugu horrayso mashaariicda qaramada midoobay ka fuliso gudaha Somaliland, xaaladda guud ee abaarta dalka ka jirta iyo Qorshaha Somaliland ee ku aaddan arrimahaasi, iyo doorka qaramada midoobay ay ka qaadan karto gurmadkaas.

blankWaxa kale oo kulankaa lagu lafo-guray Qorshaha Horumarinta Qaranka ee saddexaad (NDPIII), kaas oo dhammaan mashaariicda horumarinta la waafajin doono.

Waxa kale oo ay xukuumaddu il gaara ku eegaysa ay dalbatay in gobollada bariga Somaliland oo ay ku yaryihiin mashaariicda Qaramada Midoobay, in la kordhiyo mashaariicda iyo gargaarka Qaramada Midoobay ee ku aaddan Goboladaa, waxna laga beddelo nidaamka ay uga hawl-galaan hadda.

blankDhinacooda, Weftiga Qaramada Midoobay waxay ammaanneen dhammaan dedaaladii xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland uga jawaabtay sidii ugu haboonayd ee ay ka midka ahaayeen dufaantii Sagar ee ku dhufatay xeebaha Somaliland, xakamayntii xanuunka Covid 19 iyo Tallaaladii bilaashka ahaa ee xukuumaddu gaadhsiisay dadkeeda oo ay sheegeen inay tahay arrin muhiima oo soo jiidatay indhaha caalamka in dal aan la aqoonsan, dhaqaale ahaana ay ka baaxad weynaayeen masiibooyinkaasi uu muujiyo dedaalka intaas leeg.

blankWaxaana madaxweynaha kulankaasi ku wehelinaayey wasiirka Qorshaynta iyo horumarinta Qaranka Somaliland, halka dhinaca weftigana ay wehelinayeen ku-xigeenka Ergeyga gaarka ah ee xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay, madaxa OCHA, Makiha Kimura, Simone Strachan oo ah madaxa xafiiska qaramada midoobay ee Hargeysa, Sabine Corrinna Friedrich, Mustafe Khayre iyo Cabdi Askar oo ka mid ah madaxda xafiiska Qaramada Midoobay ee Hargeysa.

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories