HomeSomaliland iyo Qaramada Midoobay oo ka wada-hadlay Arrimo Xaasaasi ah iyo Xiisadaha...

Somaliland iyo Qaramada Midoobay oo ka wada-hadlay Arrimo Xaasaasi ah iyo Xiisadaha ka soo kordhay Xidhiidhka Siyaasadeed ee Soomaaliya (SAWIRRO)

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Md Muuse Biixi Cabdi, ayaa kulan gaar ah la yeeshay Ergayga gaarka ah ee xog-hayaha Qaramada Midoobay u qaabilsan Somaliland iyo Soomaaliya Ambassador Michael Keating oo dalka booqasho ku jooga.

Kulankan oo xarunta qasriga madaxtooyada Jamhuuriyadda Somaliland ka qabsoomay maanta, ayaa waxa madaxweynaha ku wehelinayey madaxweyne ku-xigeenka Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), wasiirrada arrimaha gudaha iyo dibadda Md. Maxamed Kaahin Axmed iyo Dr. Sacad Cali Shire, waxaana ay labada dhinac kulankooda diiradda ku saareen arrimo door ah oo salka ku haya sidii kor loogu qaadi lahaa xidhiidhka  ay Somaliland la leedahay qaramada midoobay, isla markaana loo abuuri lahaa jawi hufan oo ay labada dhinac ku wada shaqeeyaan, sida lagu sheegay war-saxaafadeed ka soo baxay xafiiska warbaahinta ee madaxtooyada.

muuse biixi iyo Ergayga Qaramada Midoobay (17)Sida lagu sheegay war-saxaafadeedka Kulankan oo ahaa mid albaabadu u xidhan yihiin, ayaa markii uu soo dhammaaday waxa warbaahinta faah-faahin ka siiyey wasiirka arrimaha dibadda Dr. Sacad Cali Shire, waxaana uu tilmaamay inay labada dhinac kulankooda ku lafo-gureen sidii kor loogu qaadi lahaa xidhiidhka dhinacyada kala duwan leh ee ka dhexeeya Somaliland iyo Qaramada midoobay.

“Wefti ka socda qaramada midoobay oo uu hoggaaminayo ergayga gaarka ah ee xog-hayaha guud ee  jimciyadda quruumaha ka dhaxaysa , ayaa halkan inoogu yimi, waxaana isaga iyo weftiga uu hoggaaminayaaba la kulmeen madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, waxaana ay ka wada hadleen waxyaabo badan oo la xidhiidha shaqada iyo is-kaashiga jimciyadda quruumaha ka dhaxaysa iyo Somaliland, waxyaabaha ay ka wada-hadleen waxa kamid ah arrimo la xidhiidha siyaasadda, dimuqraaddiyadda, nabad-gelyada, dhaqaalaha iyo mucaawimada, kulankaasina si wanaagsan iyo jawi wanaagsan ayuu ku dhacay, waxaana aanu rajaynaynaa in xidhiidhkii wanaagsanaa ee wada-shaqaynta ahaa ee aynu la lahayn Jimciyadda quruumaha ka dhaxaysa uu halkaas kasii socon doono,” Sidaa waxa yidhi Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland Dr Sacad Cali Shire.

Ergayga gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Somaliland iyo Soomaaliya Ambassador  Michael Keating  oo halkaas ka hadlay, ayaa isaguna yidhi, “Halkan waxan u imi  inaan kulan la qaato madaxweynaha cusub, waxaana aanu kulan heersare ah ka yeelanay meelaha ay muhiimadda gaarka ah siinayso xukuumadda cusubi iyo sidii aan shacabweynaha reer Somaliland ugu hambalyeyn lahaa madaxweynaha cusub ee ay doorteen sanadkii hore, isla markaana aan muhiimad gaar ah siiyo qorsheyaasha xukuumadda cusub, sida ammaanka, ka hortagga abaaraha, shaqo-abuurka loo samaynayo da’yarta, xoojinta caafimaadka iyo waxbarashada, madaxweynahana waxaan u sheegay inay qaramada midoobay diyaar ula tahay sidii ay Somaliland uga taageeri lahayd wixii caqabado ah ee jira.”

Sida lagu baahiyey barta Internetka ee Xafiiska Siyaasadda Qaramada u Qaabilsan, waxa ay labada dhinac ka wada-hadleen arrimo siyaasadeed oo khuseeya Amniga gobolka, ismaan-dhaafka siyaasadeed ee ka dhex aloosan Somaliland iyo Soomaaliya.

In kasta oo ujeeddada ugu weyn ee kulanku ahaa mid lagu ibo furayo xidhiidhka xukuumadda cusub iyo wada-shaqaynta Qaramada Midoobay gaar ahaan Ergayga Gaarka ah ee Qaramada Midoobay, waxa labada dhinac ka wada-hadleenismaan-dhaafka siyaasadeed ee u dhexeeya Somaliland iyo Somaliya oo ay ku jirto dhinacyada Maamulka Hawada Sare oo Somaliya maamulkeeda dhowaan kala wareegtay Qarmamada Midoobay.

Socdaalka Erayga Qaramada Midoobay oo noqonaya kii ugu horreeyey ee uu dalka ku yimaaddo tan iyo intii la doortay madaxweynaha Cusub, waxa uu ku soo beegmay iyadoo ay jirto xiisado siyaasadeed iyo isku-dhacyo ciidan oo dhexmaray Somaliland iyo Soomaaliya, taas oo ay ka mid yihiin dagaal todobaadkan ka dhacay xuduudka u dhexeeya Somaliland iyo maamul-goboleedka Puntland.

 

SOMALILANDPOST.NET

Conctact@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories