HomeSomaliland Iyo Qaramada Midoobay Oo Iska Kaashanaya Horumarinta Maalgeshiga Iyo Kobcinta Wax...

Somaliland Iyo Qaramada Midoobay Oo Iska Kaashanaya Horumarinta Maalgeshiga Iyo Kobcinta Wax Soo-saarka Wershadaha

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost) – Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Maalgashiga Mudane Cabdillaahi Cabdiraxmaan Aare oo uu weheliyo Agaasimaha guud ee Wasaaradda Maxamed Cismaan Siciid (Maxamed-somaali) iyo Agaasimaha Waaxda Horumarinta Warshadaha Fu’aad Rashiid Bullo, ayaa Maanta xafiiskiisa kulan kula qaatay Wefti heer sare ah oo ka socda hay’adda qaramada midoobay u qaabilsan horumarinta warshadaha ee UNIDO.

Weftigan oo uu hoggaaminayay u qaabilsanaha dalalka Somaliland iyo Soomaaliya Mr Ygor Scarcia iyo Mr. Arup Baruah oo ah khabiir ka tirsan UNIDO iyo xubno kale oo farsamo.

Waftigan ayey ujeeddada socdaalkoodu ahayd sidii ay Somaliland ula bilaabi lahaayeen isla-markaana uga caawinn lahaayeen barnaamijyada horumarinta maalgashiga iyo warshadaha, maadaama oo ay ahayd markii ugu horeysay ee ay UNIDO timaado Somaliland oo aanay hore uga shaqayn jirin, balse dedaal iyo xidhiidho is daba joog ah oo ay wasaaraddu samaysay ayaa keentay inay Weftigani dalka soo gaadhaan.

Ugu horeyn, Wasiirka ayaa Wetigan ka socday hay’adda qaramada midoobay ee horumarinta warshadaha uga mahad-celiyey imaanshiyahooda Somaliland iyo soo Ajiibidda dalabkii Wasaaraddu u dirtay.

Sidoo kale, Wasiirka ayaa warbixin ka siiyay xaaladda guud ee dhaqan-dhaqaale ee Somaliland iyo guud ahaan shaqada iyo waajibaadka ay Wasaaradda Horumarinta Maalgashiga iyo Warshaduhu u hayso dalka.

blankWasiir Aare wuxuu weftiga u soo bandhigay meelaha ay wasaarad ahaan rabto inay kala shaqayso hay’adda UNIDO iyo sidoo kale meelaha mudnaanta u leh Wasaaradda.

Meelaha uu wasiirku diiradda saaray waxa ka mid ahaa:-

  • Diyaarinta Siyaasadda iyo Xeerka Horumarinta Warshadaha
  • Dhisidda aaga warshadaha ee dalka, gaar ahaan ka Hargeysa
  • Samaynta daraasado iyo cilmi baadhisyo khuseeya warshadaha
  • Kor u qaadista aqoonta iyo tayaynta Wasaaradda iyo shaqaalaheedaba.
  • Helida khuburo ku takhasustay aqoonta warshadaha
  • Iyo dhammaan mashaariicda kor u qaadaya Horumarinta Maalgeshiga iyo Warshadaha dalka.

Dhinaca kale, Xubnaha Weftiga ka socday Hay’adda, ayaa u mahadnaqay Wasiirka, Agaasimaha guud iyo Agaasimaha Waaxda Warshadaha iyo guud ahaanba Wasaaradda soo dhawaynta diiran iyo weji furnaanta ay ku soo dhaweyeen.

blankWeftigu waxay muujiyeen siday u xiisaynayaa wada shaqaynta ay rajaynayaan inay la yeeshaan Wasaaradda Horumarinta Maalgashiga iyo Warshadaha Somaliland.

Sidoo kale, Weftigu oo ka wakiil ah Hay’adda UNIDO isla-markaana afkooda ku hadlaya waxay balan qaadeen inay sida ugu dhakhsiyaha badan uga bilaabi doonaan Somaliland mashaariic lagu horumarinayo maalgashiga iyo warshadaha dalka iyo sidoo kale kobcinta ganacsiga gaarka loo leeyahay ee Somaliland.

Ugu danbayn, Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Maalgashiga iyo Warshadaha iyo Weftiga UNIDO ayaa isla qaatay inay bilaabaan xidhiidho joogto ah oo ay yeeshaan masuuliyiinta labada dhinac ee xaga farsamada, si ay isula meel dhigaan isla-markaana isula qaataan meelaha mudnaanta u leh labada geesood ee laga wada shaqayn doono.

Kulankan ayaa ku soo idlaaday is-af-garad iyo Isfahan laga gaadhay dhammaan arrimihii laga wada-hadlay, sida lagu sheegay war-saxaafadeed wasaaraddu soo saartay.

blank blank blank blank

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories