HomeSomaliland iyo Norway oo ka wada-hadlay Iskaashi hor leh oo dhexmara labada...

Somaliland iyo Norway oo ka wada-hadlay Iskaashi hor leh oo dhexmara labada waddan

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Oslo (SLpost)- Dowladaha Somaliland iyo Norway, ayaa ka wada-hadlay sii xoojinta xidhiidhka wada-shaqayneed ee u dhexeeya labada waddan iyo hirgelinta iskaashi hor leh oo dhexmara labada waddan.

Iskaashiga iyo xoojinta xidhiidhka Labada waddan, ayaa lagaga hadlay Kulan magaalada Oslo ee caasimadda Norway ku dhexmaray  Wakiilka Somaliland ee u qaabilsan dalalka Norway iyo Denmark, danjire Maxamed Maxamuud Aadan (Liilan) iyo Haakon Svane oo ah sarkaal sare oo ka tirsan Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee dalka Norway (Minister-Councellor).

blankKulankan oo salka ku haya Danaha danaha labada waddan, ayaa Safiirka Somaliland ee Norway iyo Denmark wuxuu Haakon Svane uga warramay horumarka Somaliland ka gaadhay dimuqraadiyadda, doorashooyinka iyo inay tahay Jamhuuriyad ku taalla Geeska Afrika oo nabadgalyo ku naaloonaysa, sida lagu sheegay war-saxaafadeed ka soo baxay xafiiska Safiirka Somaliland ee Norway, Danjire Maxamed Liilan.

War-saxaafadeedka oo lagu faahfaahiyey natiijada kulanka labada masuul iyo arrimaha ay diiradda ku saareen, ayaa lagu yidhi, “Labada masuul waxay ka wada-hadleen dhinacyo badan oo dan u ah labada dal ee Somaliland iyo Norway oo ay ku jiraan maalgashi iyo caawimaado dheeraad ah oo Norway u taageerto Somaliland oo lagu tilmaamo dalka keliya waddamada Gobolka Geeska Afrika ugu horreeya dhinacyada dimuqraadiyadda iyo nabadgelyada.

blankWar-saxaafadeedka ka soo baxay safaaradda Somaliland ku leedahay Norway, waxa kale oo lagu yidhi, “Maalinba maalinta ka danbaysa, dunidu ku baraarugaysaa waxa ay dadka reer Somaliland ku guulaysteen oo ah Nabad iyo Xasilooni, taasi oo waddamo badani ku guul-darraysteen.

blankWarku waxa uu intaas ku daray in kulanka labada masuul lagaga wada-hadlay iskaashiga intii hore ka qoto-dheer oo dhexmara labada waddan iyo inay dowladda Norway taageero wax-ku-ool ah ka geysato doorashooyinka soo socda.

“Waxa laga wada-hadlay Iskaashi mustaqbalka dhow oo ay ku jiraan Doorashooyinka soo socda ee Somaliland ka qabsoomi doona sannadkan 2022,” sidaas ayaa lagu yidhi war-saxaafadeedka ka soo baxay xafiiska danire Maxamed Maxamuud Aadan (Liilan).

blankGebo-gabadii waxa warka ka soo baxay xafiiska wakiilka Somaliland ee Norway lagu sheegay inuu jiro Isbeddel hor leh oo dowladda Norway ku doonayso inay ku samayso siyaasaddeeda ku wejahan Somaliland, taas oo lagu tilmaamay inay tahay guul wax ku ool ah oo Qab laxaad leh ka qaadanaysa dedaallada Aqoonsi-raadinta ee Somaliland.

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories