HomeSomaliland iyo Maraykanka Oo Ka Wada-hadlay Xaaladda Laascaanood

Somaliland iyo Maraykanka Oo Ka Wada-hadlay Xaaladda Laascaanood

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta Madaxtooyada ku qaabiley safiir-ku xigeenka Maraykanka Amb. Tim Trenkle oo socdaal ku yimi Dalka.

Sida lagu sheegay war-saxaafadeed ka soo baxay madaxtooyada, Madaxweynaha Somaliland oo ay kulanka ku wehelinayaan wasiirrada Arrimaha dibadda iyo Warfaafinta, waxa ay Safiirka Maraykanka ka wada-hadleen Xaaladda magaalada Laascaanood oo labadii toddobaad ee u dambeeyey dagaal ku dhexmaray Ciidanka Qaranka Somaliland iyo Malleeshiyaad huwan ah oo taageero ka helaya kooxo lagu sheegay inay ka tirsan yihiin Argagixisada gobolka Geeska Afrika.

“Madaxweynaha Qaranku waxa uu warbixin ka siiyey xaaladda guud dalka, gaar ahaan xaaladda Laascaanood. Waxa kale oo kulankaa lagaga wada hadlay dardar-gelinta xidhiidhka wada shaqayneed ee labada dawladood ka dhexeeya; sida, xoojinta iskaashiga arrimaha nabadgelyada Geeska Afrika, Sidaas ayaa lagu yidhi war-saxaafadeedka.

Waxa kale oo war-saxaafadeedka lagu yidhi, “Sidoo kale, waxa uu safiirku Madaxweynaha kala hadlay oo uu danaynay sidii dib loogu bilaabi lahaa wada-hadalladii hakadku ku yimi ee u dhexeeyey Dawladaha Somaliland iyo Soomaaliya, kuwaas oo qorshahoodu yahay inay dhawaan bilaabmi doonaan.

Ugu danbayntii, kulankaasi waxa uu ku dhammaaday is afgarad buuxa.”

blank“Waxa Madaxweynaha ku wehelinaayey kulankan Wasiirrada Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah Dr Ciise Keyd Maxamuud iyo Warfaafinta Dhaqanka iyo Wacyigelinta Mudane Saleebaan Yuusuf Cali Koore.” ayaa lagu yidhi war-saxaafadeedka ka soo baxay madaxtooyada Somaliland.

Dagaalka ka socda Laascaanood, ayaa bilaabmay horaantii Bishan kaddib markii Shir-dhaqameed magaalada uga socday Garaadada Gobollada Buuhoodle iyo Sool laga soo saaray Go’aamo ay ka mid yihiin in dagaal lagu qaado Ciidamada Qaranka ee ku sugan fadhiisimada milatari ee gobolka Sool, taas oo sababtay in malleeshiyaad ka amar-qaadanaya Garaaddaadu ay weerareen Ciidanka Qaranka.

Xukuumadda Somaliland, ayaa bilowgii dagaalka sheegtay inay dagaalka Laascaanood ku qab-qabatay Shaqsiyaad ka tirsan Kooxaha Xag-jirka ah ee ka hawl-gala gobolka oo ka bar-bar dagaalamaya malleeshiyaadka ku sugan Laascaanood.

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories