HomeSomaliland iyo Kenya oo Iska Kaashanaya Adeegyada Boosta Caalamiga ah

Somaliland iyo Kenya oo Iska Kaashanaya Adeegyada Boosta Caalamiga ah

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Nairobi (SLpost)- Dowladaha Somaliland iyo Kenya, ayaa toddobaadkan kala saxeexday heshiis is-faham oo labada waddan isaga kaashanayaan Isdhaafsiga Xogaha iyo nidaamka Caalamiga ah ee wax laysugu diro Adeegga Boostada.

blankHeshiiskan ayaa Somaliland u suurta-galinaya inay si toos ah ugu xidhanto nidaamka Caalamiga ah ee Dirista iyo Geynta Alaabooyinka laysugu gudbiyo Boostada maadaama Dalka Kenya ka mid yahay ururka Caalamiga ah ee adeegga Boostada, waxaana si wada-jir ah uga wada-shaqaynaya Wakaaladda Boostada Kenya ee PCK iyo Adeegga Boostada ee Somaliland oo labadooduba ka tirsan Wasaaradaha Isgaadhsiinta iyo Technolojiyadda ee labada waddan.

Munaasibad loo qabtay saxeexa heshiiska oo ku qabsoomay magaalada Nairobi waxa goob-joog ka ahaa Wasiirka Warfaafinta iyo Xidhiidhka teknoolajiyadda ee Kenya Joe Mucheru iyo ku-xigeenka Safiirka Somaliland ee Kenya, Danjire Sharmarke Geelle.

Sida lagu sheegay war-saxaafadeed ka soo baxay dowladda Kenya, waxa qodobbada heshiiska ka mid ah inay labada waddan iskaashadaan Dirista alaabaha lagu diro adeegga Boostada iyo Xog-isdhaafsiga macluumaadka gaarka ah ee laysugu gudbiyo khadka internetka iyo sidii wada-jir loogu hirgelin lahaa Xarumo  lagu kala saaro Alaabaha la dirayo iyo kuwa la soo diray.

Safiir ku-xigeenka Somaliland ee Kenya Danjire Sharmarke Geelle, ayaa sheegay heshiiskani suuro-galinayo in dalka Kenya noqdo albaabkii ay Somaliland kaga xidhmi lahayd Caalamka.

Wasiirka Wafaafinta iyo Teknoolajiga Kenya ayaa dhankiisa sheegay in dalkiisu si buuxda u taageerayo is-dhex-galka dalalka Bariga Afrika, adeegga Boostaduna ka mid yahay Isku xidhka ugu muhiimsan ee isu-socodka Ganacsiga.

Baahida adeegga Boostada ayaa sii xoogaystay saddexdii sanno ee u dambeeyey oo Cudurka Covid-19 saamayn ba’an ku yeeshay Xidhiidhka Ganacsiga Caalamka iyo isu-socodka badeecadaha xuduudaha isaga gudba, taas oo dhiirri-gelisay nidaamka ganacsi ee Alaabaha lagu iibiyo ama laga dalbado khadka Internetka isagoo qofku gurigiisa jooga.

Xukuumadda Somaliland, ayaa si rasmi ah u hawl-galisay Adeegga Boosta ee Somaliland sannadkii 2019-kii, iyadoo wasaaradda Wasaaradda Isgaadhsiinta, Boostada iyo Teknoolajiyadda ee Somaliland heshiis kan la mid ah la gashay dalka Jamhuuriyadda Jabuuti.

Wasiirka Isgaadhsiinta iyo Technolajiyadda ee Somaliland Dr Cabdiwali Suufi Ibraahim, ayaa tiraba laba wakhti oo kala ah Bishii March iyo bishii September ee sannadkii 2019-kii socdaal ku tagay dalka Jabuuti, waxaanu heshiis khuseeya iskaashiga dhinacyada isgaadhsiinta iyo Boosta la saxeexday dhiggiisa dalka Jabuuti.

Somalilandpost.net

contat@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories