Home“Somaliland iyo Itoobiya waa inay wadaagaan ganacsi laba dhinac ah oo labada...

“Somaliland iyo Itoobiya waa inay wadaagaan ganacsi laba dhinac ah oo labada waddan faa’iido ka helaan” – Safiirka Itoobiya u fadhiya Hargeysa

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Addis Ababa (SLpost)- Safiirka Itoobiya u fadhiya magaalada Hargeysa Berhe Tesfaye oo waraysi siiyey jariiradda laga leeyahay dalka Itoobiya ee Waltainfo,  ayaa ku dooday in iskaashiga u dhexeeya Somaliland iyo Itoobiya keenay in argagaxisada iyo xumaan-wadayaashu ka caagaan Somaliland.
Berhe Tesfaye wax uu sheegay in ku sheegay in dalkiisu wax badan u huray sidii bulshada reer Somaliland uga sifeyn lahaayeen dalkooda argaxisada iyo xumaan-wadayaasha.
“Xilliyadii hore, argagaxiso iyo xumaan-wadeyaal ayaa gabood heli jiray,” ayuu yidhi, Brig Gen Berhe, balse xilligan, “Waxay ku noqotay cidhiidhi  kooxahaa doonayey khalkhalinta deegaamada.”

 Safiirka Itoobiya ayaa amaan balaadhan u soo jeediyey shacabka reer Somaliland kaalinta ay ka qaataan la socodka iyo soo gudbinta macluumaadka ku saabsan halganka lagula jiro argagaxisada “Shacabka Somaliland waxay u heelan yihiin ilaalinta xasiloonida iyo degenaanshaha dalkooda,” ayuu raaciyey.

 Ethiopian Consular“Kulamo wacyigelineed, shirar, iyo isu-imaatin dadweyne ayaa la qabtay,” isagoo raaciyey, “ururadaasi waxay awoodeen inay sare u qaadaan dareenka shacabka ee ku saabsan xasiloonida iyo horumarka gobolka geeska.”
Maadama meel lagu tiiriyey xasiloonida iyo degenaanshaha Somaliland, Itoobiya waxay sidoo kale ka shaqeynaysaa xoojinta xidhiidhka ganacsiga iyo maalgashiga u dhexeeya labada wadan, sida uu sheegay safiirku. “Waa wanaag in badeecadaha Itoobiya gaadhaan shacabka Somaliland, si kasta, waa in ganacsigu noqdaa mid labada dhinac is-dhaafsadaan, si labada dhinacba faa’iido u helaan,” ayuu yidhi Tesfaye.

 “Xilligan, maalgashedayaal kooban oo Itoobiyaan ah ayaa maalgashaday Somaliland, gaar ahaan dhinaca waxbarashada,” ayuu yidhi, isagoo raaciyey,  “Dedaalo ayaan wadnaa ugu soo jiidayno in maalgashedayaal badan oo Itoobiyaan ah maalgashedaan Somaliland.”

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories