HomeSomaliland iyo Itoobiya oo Iska Kaashanaya Mashruuc ay Qayb ka yihin oo...

Somaliland iyo Itoobiya oo Iska Kaashanaya Mashruuc ay Qayb ka yihin oo laga Fulinayo Geeska Afrika

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Tog-Wajaale (SLpost)- Dawladaha Somaliland iyo Itoobiya, ayaa iska kaashanaya Mashruuc ay ku midaysan yihiin Waddamada Geeska Afrika iyo kuwa Bariga Afrika Qaarkood, kaas oo markii u horreysay hindisihiisa lagu qabtay kulan magaalada Jijiga ay ku yeesheen masuuliyiin ka kala tirsan Dalalka Xuduudaha la wadaag dalka Itoobiya qaarkood iyo hay’adaha Caafimaadka Dunida.

SOMALILAND_ETHIOPIAMashruucan oo ah olole Caafimaad oo ay iska kaashanayaan ilaa Afar Waddan oo ku yaala Geeska Afrika oo taageero ka helaya hay’adaha Caafimaadka ee Qaramada Midoobay iyo kuwa Caalamiga ah, ayaa ah olole loogu talo-galay in dalalka ay ka mid yihiin Somaliland, Itoobiya, Soomaaliya, Kenya iyo Djibouti laga Cidhib0-tiro Cudurka Dabaysha oo fara-baash ku haya. 

Munaasibad lagu daah-furay ololahan oo lagu qabtay magaalo-xududeedda Tog-wajaale qaybteeda Ismaamulka Soomaalida Itoobiya, waxa ka qayb-galay Madaxweyne Ku-xigeenka Ismaamulka Soomaalida Itoobiya, Wasiir ku-xigeenka Caafimaadka Dawladda Federaalka Itoobiya, Ku-xigeenka Badhasaabka Gobolka Gabiley Cali Cabdi Cabdilaahi, Maamulka Degmada Wajaale, hay’adaha Caafimaadka ee Qaramada Midoobay.

Xafladda lagu shaaciyey ololaha tallaalka Cudurka Dabaysha oo daba-socda kulan magaalada Jijiga ku dhex-maray hay’adaha Caafimaadka Qaramada Midoobay iyo masuuliyiin ka socda dalalka Somaliland, Jabuuti, Itoobiya iyo Jabuuti, kaas oo ujeeddadiisu ahayd in tallaalka Cudurka Dabaysha oo fara-baas ku haya gobolka mar kaliya laga bilaabo dalalkan si loo xakameeyo Fiditaankiisa, waxaanu ololahani soconayaa inta u dhaxaysa 14-ka ilaa 18-ka bishan June.

Madaxweyne ku-xigeenka Ismaamulka Soomaalida Itoobiya Cabdifataax Maxamed Xasan oo munaasibaddaas hadal ka jeediyey, ayaa sharraxay hindisihii lagu go’aamiyey ololaha wada-jirka ah ee tallaalka Cudurka Dabaysha.

“Ololahani waxa uu kaga duwan yahay kuwii hore maadaama oo la rabo in isku mar laga bilaabo Itoobiya iyo dalalka aanu jaarka nahay iyo dhammaan Geeska Afrika, waana naiijadii ka soo baxday shir-weyne aanu ku yeelanay Jigjiga oo ay ka soo qayb-galeen wufuud ka socotay dalalka aanu jaarka nahay, waxaana lagu heshiiyey in markii u dambaysay laga cidhib-tiro Geeska Afrika,” ayuu yidhi Madaxweyne ku-xigeenka dawlad-deegaanka Soomaalida Itoobiya.

Badhasaab ku-xigeenka gobolka Gabiley Cali Cabdi Cabdilaahi oo halkaas ka hadlay, ayaa sheegay in dawladda Itoobiya iyo Somaliland iska kaashanayaan mashruuca ololaha tallaalka Dabaysha oo ay taageerayaan ha’ayadaha caafimaadka ka shaqeeya ee Qaramada Midoobay iyo kuwa Caalamiga ahba.

“Waxa iska kaashanaya labada dawladdood ee Somaliland iyo Itoobiya, maadaama dadka labada dhinac yihiin kuwo isku-gudba, xuduudkuna furan yahay, khaasatan gobolka Gabiley,” sidaa waxa yidhi Badhasaab ku-xigeenka gobolka Gabiley oo munaasibaddaas ka hadlay.

Ololahan ku waajahan Tallaalka Cudurka Dabaysha, ayaa noqonaya markii u horreysay ee ay wada-jir isaga kaashadaan xukuumadaha Somaliland iyo Itoobiya iyo guud ahaan dalalka Geeska Afrika oo ah meelaha cudurkani saamaynta ku leeyahay marka loo eego dalalka Adduunka.

SOMALILANDPOST.NET

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories