HomeSomaliland iyo Ingiriiska oo ka wada-hadlay Dardar-gelinta Dhismaha Jidka Berbera Corridor iyo...

Somaliland iyo Ingiriiska oo ka wada-hadlay Dardar-gelinta Dhismaha Jidka Berbera Corridor iyo Hargeisa Bypass

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)- Madaxweynaha Somaliland Md Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta kulan la yeeshay masuuliyiin ka socota Sanduuqa Horumarinta Mashaariic ee Britain (UKAID) iyo Shirkad lagu magacaabo TradeMark East Africa (TMEA).

Dowladda Ingriiska ayaa bixinaysa maal-gelinta dhismaha Jidka Hargeisa Bypass oo qayb ka ah mashruuca Jidka Berbera Corridor, waxaana qandaraaska dhismahan jidkan fulinaysa shirkadda TMEA oo xarunteedu tahay magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

Sida lagu sheegay war-saxaafadeed ka soo baxay Xafiiska madaxtooyada Somaliland, Madaxweyne Muuse Biixi iyo weftiga Dowladda Ingiriiska oo ay weheliso shirkadda TMEA, ayaa ka wada-hadlay dar-dar gelinta dhismaha Jidadka Berbera Corridor iyo Hargeisa ByPass.

blankWar-saxaafadeedka ka soo baxay madaxtooyada Somaliland, ayaa u qornaa sidan:-

“Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi oo kulan la qaatay masuulin ka kala socda xafiiska horumarinta mashaariicaha  Dalka Uk, shirkada Trade Mark East Africa (TMEA) iyo xafiiska Dowladda UK ay ku leedahay Jamhuuriyada Somaliland.

Waxaana kulankaa lagaga wada hadlay dardar-gelinta dhismaha waddada Berbera Corridor oo isku xidhi doonta, marin ganacsiyeedka Tog-wajaale iyo Berbera, oo ay barbar socoto dhismaha waddada Hargeisa Bypass. Sidoo kale waxa laga wada hadlay mustaqbalka wixii la iska kaashan karo ee ay ka mid tahay horumarinta kaabayaasha ganacsiga.

blankWaxa kale oo lagu lafo-guray kulankaasi qodobo ay ka mid yihiin horumarinta kastamyada waa weyn ee  kuyaala xuduudaha dalk, si loo fudaydiyo  Allaabooyinka ganacsi ee isaga gudbaya dalalka Geeska Afrika iyo fursadaha kale ee maalgashi ee la xidhiidha horumarinta ganacsiga iyo kaabayaasha dhaqaale.

Waxaana madaxweynaha kulankaasi ku wehelinaayey wasiirradda wasaaradaha Qorshaynta iyo Horumarinta Qaranka, mudane Cumar Cali Cabdillaahi Bade,       Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka mudane Cabdirisaaq Ibraahim Maxamed Ataash, Ganacsiga iyo Dalxiiska, Mudane Maxamuud Xasan Sacad (Saajin).

blankDhinaca masuuliyiinta madaxweynuhu qaabiley waxay kala yihiin, Frank Matsaert, Dominic McVey, Damon Bristow, Chris Loughran, Stuart Brown, Abdi Osman iyo Cris Pym.” Sidaas ayaa lagu yidhi War-saxaafadeedka ka soo baxay madaxtooyada Somaliland.

Madaxweynaha Somaliland Md Muuse Biixi Cabdi oo ay weheliso Safiirka Dowladda Ingriiiska Kate Foster, waxa uu bishii May ee sannadkan dhagax-dhigay dhismaha Jidka Hargeisa Bypass oo ah Waddo dhererkeedu dhan yahay 22.5km oo ka bilaabmaysa Kaantaroolka Halleeya ee Bariga Hargeysa, kuna dhammaanaysa Cusbitaalka Shifo oo ku yaalla Galbeedka Hargeysa, iyadoo oo dhinaca woqooyi ka maraysa magaalada Hargeysa.

Waddadan oo Qayb ka ah Dhismaha Berbera Corridor, ayaa ujeeddadeedu tahay sidii magaalada Hargeysa looga leexin lahaa Gaadiidka Xamuulka ah ee Badeecadaha iyo Alaabooyinka dekedda Berbera ka soo dega u sida Dalka Ethiopia.

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories