HomeSomaliland iyo Hawadeeda sare (Q.2aad) – W/Q: Cabdikariim Baarjeex

Somaliland iyo Hawadeeda sare (Q.2aad) – W/Q: Cabdikariim Baarjeex

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Qormadii tan ka horeysey waxaynu ku soo qaadanay heerka ay Somaliland ka joogtay dhinaca aviationka ka hor xornimadii iyo israacii koonfurta, qormadan cusubna waxaynu ku eegi doonaa goorma iyo sidee ayey Somaliland iyo Somalia gacantooda uga baxday maamulka hawada sare?

Ka dib midowgii Somaliland la gashay Somalia 01/07/1960kii, hay`adii Somaliland u qaabilsanayd maamulka hawada sare (British Somaliland Civil Aviation Authority -BSCAA), waxay aasaas wanaagsan iyo lafdhabar u noqotay hay`adii loo xilsaaray maamulka hawada sare ee Somalia. Maalintaa laga bilaabona maamulkii hawada sare ee Somaliland, waxa uu ku dhacay gacanta dawladii Jamhuuriyada Somaliya oo iyana masuuliyadaa haysay ilaa ay ka dhacday 1991kii.

Ka dib burburkii dawladii Somaliya, hawada dalkii Somalia waxay noqotay “reer ba`ow yaa ku leh” iyo “Timir xabaal taal”, iyada oo dawladaha jaarka ah ee Kenya, Ethiopia, Djibuuti, Sychelles iyo Yemen uu dal waliba iska maamushay dhinaca isaga soo xiga, taas oo noqotay “dhaxal aan laga dhimani macaanaa”, sidaana waxa faraha kaga baxay maamulkii hawada sare ee dalkii la isku odhan jirey Somaliya.

Dhinaca Somaliland, 1991kii waxa uu ahaa sanadkii ay xornimadeeda dib ugala soo noqotay Somalia. Waxa laga soo doogay dagaalo lagu hoobtay, dadku wuu daalan yahay, dalkuna wuu burbursan yahay, waxaana lagu mashquulsanaa nabadeyn iyo nolol cusub oo la yagleelayo. Sidaa daraadeed, ma jirin ahmiyad weyn oo la siinayey hawada sare maadaama noloshii dhulka lala legdamayey. Waxaanse xasuustaa horaantii sagaashanaadka, iyada oo diyaaradaha doonaya inay ka soo degaan garoonka Hargeisa ay ka soo hadli jireen radioyadii loo yaqaanay “foonyaha” iyaga oo soo sheegi jiray wakhtiga ay soo duulayaan (Estimated Departure Time-ETD) iyo wakhtiga ay ku soo beegan yihiin (Estimated Arrival Time-ETA), ka dibna loogu diyaar garoobi jirey garoonka oo adhiga iyo xoolaha kale ee daaqaya runwayga laga sii dareerin jirey! Diyaarada soo degitaankeedana (final approach) waa la bidhaamin jirey oo ninba ninkuu ka indho fiiqan yahay ayuu ka hor arki jirey diyaarada, markaasaa si farxad leh la isugu tilmaami jirey “waa taa”, ma aragtaa? Iyo maya weli. Iyaba waa taariikh.

Dhinaca Somaliya, laga bilaabo 1991kii, ma jirin dawlad Soomaaliyeed oo hanata maamulka hawada sare. Taa macnaheedu waxa weeye, dhinaca Somaliland iyo Somalia midnaba kama jirin cid maamusha ama u xilsaaran hawada sare. Hase yeeshee arintaasi waxay isbedeshay 1992kii markii ciidamadii huwanta ee UNISOM ay Muqdisho ka degeen, iyaga oo si toos ah ula wareegay masuuliyada dhamaanba aviationkii Somaliya oo ay ku jirto hawada sare. UNISOM, waxay Muqdisho keentay qalab casri ah oo loo adeegsado hagidda diyaaradaha iyo saadaasha hawada, taasina waxay fursad u noqotay in tiro badan oo ka mid ah shaqaalihii aqoonta iyo waayo-aragnimada u lahaa saadaasha hawada iyo hagidda gaadiidka cirku ay shaqo ka helaan.

UNISOM, waxay gacanta ku haysay maamulka hawada dalkii la isku odhan jirey Somalia laga bilaabo 1992kii ilaa 1994kii wakhtigaas oo ay Somalia ka baxeen, ka dib markii hawlgalkii “rajo soo celinta” ee Somaliya uu fashilmay isuna rogay “rajo beel”. UNISOM, ka hor intii aanay laalaabin hawlihii adeega hagida diyaaradaha ee ay Somaliya ay ka qaban jirtey, waxa la isugu yimid shir ku saabsan waxa laga yeelayo hawada Somalia. Dood dheer ka bacdina waxa la isla qaatay qodobo dhowr ah, sida aan ka soo xigtey Duuliye Azhari oo xog-ogaal u ahaa arimaha aviationka Somaliya.

Waxa la isla gartay, maadaaama Soomaaliya tahay dal xor ah, xubina ka ah Jimciyada Quruumaha ka dhaxaysa, inaan maamulka hawadeeda dal kale lagu wareejin. Waxa la isku raacay in la aasaaso hay’ad fulisa hawlihii ay fulin jirtay hay’addii duulista iyo saadaasha hawada ee Somalia, taasoo magaceedu noqon doono Civil Aviation Caretaker Authority for Somalia (CACAS), xarunteeduna noqon doonto magaalada Nairobi. Hay`adan cusub oo rasmi ahaan shaqadeeda bilowday 1996kii, waxay u xilsaarnayd hagida dhamaan duulimaadyada maraya hawada Somaliya (Air Traffic Control), gudbinta xaalada jawiga iyo cimilada garoomada Somaliya (Weather conditions), gudbinta macluumaadka kale ee la xidhiidha garoomada Somaliya iyaga oo isticmaalaya habka fariimaha loogu gudbiyo duuliyeyaasha ee loo yaqaan (NOTAM). Waxa intaa dheeraa, in hay`adan looga fadhiyey inay diyaariso shaqaale aqoon iyo tayo leh oo la wareega shaqada iyo maamulka hay’addii duulista iyo saadaasha hawada Soomaaliya marka dagaalka sokeeye dhammaado ka dib. CACAS waxa awood loo siiyey ururinta lacagaha laga qaado diyaaradaha isticmaala hawada Somaliya (overfly charges), iyada oo dhaqaalahaa lagu bixin doono mushaharka shaqaalaha CACAS iyo bixinta musharka shaqaalaha ka hawlgala garoomada weli shaqeeya ee Somaliya iyo dayactirka iyo qalabaynta garoomadaas. Waxa xusid mudan in hawada Somaliland ay ka mid ahayd hawadaa Somaliya ee maamulkeeda lagu wareejiyey CACAS.

Hadaba, waxa marag ma doon ah, in si xun loo isticmaalay hantidaa ka soo xerootay hawada Somaliland iyo Somaliya. Waxa ka taajiray shakhsiyaad badan oo ajaanib ah oo mushahar buuran iyo gunooyin shilshilis oo aan cidi kula xisaabtamin muddo dheer qaadan jirey. Waxa isu habar wacday cadaan iyo madow ku shuraakoobay mashruucan CACAS. Waxay heleen sharciyad caalami ah iyo mandate uu siiyey golaha amniga ee UN ta, waxaanay noqdeen “Budhcad sharciyeysan” oo boobaya hanti Soomaaliyeed. Waxay meesha ka saareen diyaarinta iyo tababarida shaqaale Somaliyeed oo noqon lahaa kuwii iyaga bedeli lahaa. Waxay ka gaabiyeen qalabaynta iyo mushahar siinta shaqaalaha ka hawlgali jirey garoomada Somaliland iyo Somalia. Waxay dedaal badan u galeen sidii hawada Somaliland iyo Somaliya gacantooda ugu sii jiri lahayd muddo dheer, iyaga oo adeegsanaya xubno Somali ah oo dhuuni qaatayaal ah.

Arintan waxa si xoog leh uga cadhootay/gilgilatey xukuumada Somaliland oo u adkeysan weyday sidan foosha xun ee loogu dul maamulayo hawadeeda sare. Xukuumadu waxay u hawlgashay sidii ay u soo dhicin lahayd hawadeeda la qaaday. Hadaba, sidee ayey u dagaal gashay xukuumada Somaliland, maxaa ka dhiman maxayse dhamaysey xukuumadu?

La soco qaybaha dambe

Cabdikariim Cali Baarjeex

BA (Hons) Aviation Management

Bristol, United Kingdom

baarjeex@hotmail.com

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories