HomeSomaliland iyo Ethiopia oo Kala Saxeexday Heshiis Afar Qodob ka kooban

Somaliland iyo Ethiopia oo Kala Saxeexday Heshiis Afar Qodob ka kooban

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpos)- Dawladaha Jamhuuriyadda Somaliland iyo Federaalka Itoobiya, ayaa ku heshiiyey in qiimaha qaadka iyo khudaarta lagu celiyo sidoodii hore, kadib qiimo-kordhin beeralayda Itoobiyaanku sameeyeen dhowaan.

Waxa kale oo labada dawladood ka wadahadleen dekedda Berbera, balse war rasmi ah kama soo saarin.

Wefti ay horkacayaan Wasiirka Gaadiidka iyo Saadka Itoobiya marwo Dagmawit Moges iyo La-taliyaha Amniga Qaranka Ra’iisal-wasaaraha Itoobiya mudane Redwan Hussien oo safar aan la shaacin ku tegay caasimadda Hargeysa shalay Arbacadii, ayaa xukuumadda Somaliland kala heshiiyey qiimaha qaadka iyo khudaarta.

Heshiiskan oo lagu kala saxeexday maanta Caasimada Somaliland ee Hargeysa, waxa dhinaca Itoobiya ku matelayey la-taliyaha dhanka amniga ee ra’iisal Wasaaraha Itoobiya Redwan Hussien, waxaana nuxurkiisu ahaa xal-u-helista qiima korodhka ku yimi cashuuraha laga qaado qaadka iyo khudaarta, waxaana heshiiskaasi Somaliland u saxeexay Wasiirka Wasaaradda arrimaha dibeda iyo iskaashiga caalamiga Somaliland Dr. Ciise Kayd Maxamuud Raagsaalle.

Wasiirka arrimaha dibada Dr. Ciise Kayd Maxamuud ayaa sheegay in qodobada lagu heshiiyay ay kala yihiin:-

  1. Somaliland Itoobiya waxay aqoonsadeen ahmiyada ay leedahay xidhiidhkii soo jireenka ahaa labada dhinac ka dhaxeeyay.
  2. In maanta oo bishu 7.7.2022 tahay in qiimihii qaadka iyo khudaarta qiimihii hore loo dejiyay, isla markaana ay ku noqoto sidii hore ee ay ahaan jirtay.
  3. In la sameeyo guddi farsamo oo ka hortagta dhibaatooyinkaasi oo kale sameysana daraasad si xal loogu helo arrimaha noocaas oo kale ah.
  4. Labada dhinac waxa ay ku heshiiyeen in la sii wado heshiisyadii sii loo dhammeeyo kuwii xagga baayac-mushtarka, isu-socodka gaadiidka iyo arrinta dekadda Berbera oo ku saleysan heshiisyo hore-u-dhacay, in halkaasi laga siiwado wada hadaladii.

Ganacsatada qaadlayaasha ee Somaliland, ayaa sheegay 26kii bishii June ee la soo dhaafay in ay joojinayaan qaadka Itoobiya, isla markaana u leexanayaan Yemen iyo Kenya, kadib markii Itoobiya ay kordhisay qiimaha qaadka.

Qiimaha qaadka ee la kordhiyey ayaa Itoobiya joojin doontaa kadib heshiiska cusub ee labada dal wada gaadheen maanta.

Dhinaca kale, weftiga sare ee ka socda Dawladda Federaalka Itoobiya, ayaa kulan la yeeshay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md Muuse Biixi Cabdi oo ku qaabilay qasriga Madaxtooyada gelinkii dambe ee Khamiista maanta.

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories