HomeSomaliland iyo Ethiopia oo ka wada-hadlay La-dagaalanka Argagixisada iyo Kor-u-qaadista Xidhiidhka Ganacsi...

Somaliland iyo Ethiopia oo ka wada-hadlay La-dagaalanka Argagixisada iyo Kor-u-qaadista Xidhiidhka Ganacsi ee labada waddan

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

ADDIS ABABA (SLpost)- Wasaaradda Arrimaha Dibadda dalka Itoobiya, ayaa faahfaahin ka bixisay natiijada kulan magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya shalay ku dhexmaray Wasiirul-dawlaha Arrimaha Dibadda dalkaas Danjire Berhane Gebre-Christos iyo Wasiirka Duulista iyo Hawada Somaliland Maxamuud Xaashi Cabdi oo socdaal shaqo ku tagay dalkaasi Itoobiya.

Dawladaha Somaliland iyo Itoobiya, ayaa ka wada-hadlay sii xoojinta xidhiidhka ganacsi, dhaqaale iyo nabadgelyo u dhexeeya labada waddan, waxaanay si qoto-dheer uga wada-xaajoodeen iskaashiga dhinaca ammaanka iyo la-dagaalanka argagixisada oo laba waddan wada-shaqayn ka leeyihiin, sida lagu sheegay war-saxaafadeed ka soo baxay wasaaradda Arrimaha Dibadda Somaliland.

Somaliland1Ma jiro war ka soo baxay dhinaca xukuumadda Somaliland oo tafaasiil dheeraad ka bixinaya natiijada kulanka dhexmaray labada dawladood, haseyeeshee sida lagu sheegay war-saxaafadeedka wasaaradda arrimaha dibadda Itoobiya kaga hadashay qodobbada lagaga hadlay kulanka, dawladda Itoobiya waxa ay xukuumadda Somaliland ku bogaadisay horumarka ay ku tallaabsatay isla markaana ay dawladda Federaalka ah ee Itoobiya ay ka-dhab tahay sii ballaadhinta xidhiidhka labada dal ka leeyihiin duullimaadyada iyo dalxiiska. Waxa kale oo wada-xaajoodka lagu soo qaaday sidii ay labada dawladood isaga kaashan lahaayeen hirgelinta mashruuca isticmaalka dekedda Berbera oo dawladda Itoobiya baahi weyn u qabto iyo sidii diyaaradda Ethiopian Airlines si buuxda uga hawl-geli lahayd madaarrada Somaliland.

Waxa kale oo kulankaas lagaga hadlay sidii loo dhiirrigelin lahaa, loo xoojin lahaa is-dhex-galka labada shacabka iyo xidhiidhka wada-shaqayneed ee labada dawladooda ka dhexeeya.

Sida war-murtiyeedka lagu xusay Danjire Berhane waxa uu wasiirka Duulista Hawada Somaliland u caddeeyey inay dawladdiisa ka go’antahay sii xoojinta xidhiidhka ay labada dal iska kaashaadaan ee Nabadda, Xasiloonida, horumarka iyo dalxiiska.

Dhinaca kale, Wasiirka Duulista iyo Hawada Somaliland Maxamuud Xaashi Cabdi, waxa uu dawladda Itoobiya ku bogaadiyey kaalinta dawladda Itoobiya ku leedahay nabadda, deggenaanshiyaha iyo horumarka gobolka, sida ay wasaaradda Arrimaha dibadda Itoobiya ku sheegtay war-murtiyeedka lagu faahfaahiyey nuxurka kulankaas.

“Mr Xaashi waxa uu xoojiyey muhiimadda taageerada Itoobiya u leedahay Somaliland, waxaanu rejo fiican ka muujiyey xoojinta xidhiidhka dibloomasiyadeed iyo xidhiidhada kale ee Somaliland iyo Itoobiya u dhexeeya. Waxa uu intaas ku daray in iskaashiga Itoobiya ee hoos u dhigista heerka faqriga iyo la-dagaalanka Al-Shabaab ay muhiimad weyn ugu fadhiyaan dalkiisa,” sidaas waxa lagu sheegay war-saxaafadeedka dawladda Itoobiya ka soo saartay kulanka dhexmaray labada masuul.

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories