HomeSomaliland iyo Daneyayaasha Doorashooyinkeeda oo Mowqif Midaysan ka qaatay ka-midho-dhalinta Hannaanka Dimuqraadiyadda

Somaliland iyo Daneyayaasha Doorashooyinkeeda oo Mowqif Midaysan ka qaatay ka-midho-dhalinta Hannaanka Dimuqraadiyadda

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Hargeysa (SLpost)- Xukuumadda Somaliland, ayaa Midowga Yurub u ballan-qaadday inay dalka ka qabanayaan doorashooyinka madaxtooyada iyo Golaha Wakiillada wakhtiga loo muddeeyey oo ku beegan badhtamaha sannadka soo socda ee 2015-ka.

Madaxweynaha Somaliland Md Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) iyo xubno ka tirsan Golihiisa Wasiirrada oo maanta qasriga Madaxtooyada kulan kula qaatay Ergayga Gaarka ah ee Midowga Yurub u qaabilsan Arrimaha Soomaalida Danjire Michele Cervone d’Urso oo uu wehelinayo Safiirka Ingiriiska Neil Wigan, ayaa ka wada-hadlay hannaanka dimuqraadiyadda ee Somaliland iyo sidii doorashooyinka madaxtooyada iyo Golaha Wakiillada ugu qabsoomi lahaayeen wakhtigooda.

DSC_0555Kulanka madaxweynuhu ku qaabilay Madaxda reer Yurub, waxa ku wehelinayey Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Md Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici), Wasiirka Arrimaha Dibeda Md, Maxamed Biixi Yoonis iyo Wasiirka Madaxtooyada Md Xirsi Cali XaajI Xasan.

Madaxweynuhu waxa uu u ballan-qaaday Madaxda Midowga Yurub inay dedaal xooggan u galayaan sidii ay doorashooyinku dalka uga hirgeli lahaayeen wakhtiga loo muddeeyey ee badhtamaha sannadka dambe, halka Danjire Michele uu madaxda Somaliland u dammaanad-qaaday bixinta dhaqaalaha doorashadu ku qabsoomayso oo Midowga Yurub iyo dalka Ingiriisku kaalin xoog ka geystaan isla markaana ka mid yihiin daneyayaasha nidaamka dimuqraadiyadda ee dalka qaadhaan-bixiyeyaasha beesha caalamka ee bixiya lacagaha ugu badan ee lagu bixiyo doorashooyinka Somaliland.

DSC_0579Markii kulankaasi dhammaaday waxa si wada-jir ah warbaahinta kula hadlay isla markaana sharraxaad ka bixiyey waxyaabaha kulanka lagu lafo-guray, wasiirka Arrimaha Dibadda Maxamed Biixi Yoonis iyo Ergayga Gaarka ah ee Midowga Yurub Danjire Michele Cervone d’Urso.

Md Maxamed Biixi oo sharraxayey waxyaaba laga wada-hadlay, ayaa yidhi, “Waxyaabaha ugu waaweyn ee aanu kawada-hadallay waxa ka mid ah Doorashooyinka, wakhtiga ay dhacayaan iyo dadka cusub ee loo magacaabay Komishanka oo ay aad ugu faraxsan yihiin khaasatan inay dumarna ku jiraan.

Madaxweynaha iyo Safiirka iyo annagu waxaanu ka wada-hadallay oo isla garannay oo aanu u sheegnay inay doorashooyinku wakhtigooda dhacayaan, dedaal xoog lehna aanu samaynayno. Shalayna wuxuu la kulmay axsaabta, qaybaha bulshada rayidka ah, wuxuu la kulmay qolooyinka warbaahinta, markaa intaba waxaanu isla garannay in aanu ku dedaalayno inay doorashadu xilligeedii dhici doonto.

DSC_0569Wasiirka oo hadalkiisa sii watay waxa uu intaas ku daray oo yidhi, “Waxa kale oo aanu ka wada hadlay Cilaaqaadka iyo Mashaariicda ay Midawga Yurub nala wadaan.”

Ergayga Midowga Yurub Mr Michele oo isaguna halkaas ka hadlay, ayaa iftiimiyey qodobbada ay isla soo qaadeen madaxweynaha oo ay ugu horeyso in doorashooyinka wakhtigooda lagu qabto inta ka horeysana la diyaariyo waxyaabaha ay doorashadu ku xidhan tahay.

“Labadii maalmood ee aanu halkan joognay, waxaanu wadnay mashruuc miisaan leh oo diiradda lagu saaray hannaanka dimuqraadiyadda iyo inay qabsoonto doorashadu dhacdo 2015, toddobaadada soo socdaana la isla meel dhigi doonaa. Waxaanannu kulamo aad muhiima oo aanu la yeelanay Madaxweyne Siilaanyo, axsaabta mucaaridka, xubnaha warbaahinta, bulshada rayidka, guddida doorashooyinka, dhammaantood oo ay noo xaqiijiyeen in ay rajaynayaan in Somaliland doorashooyinkeeda barlamaanka iyo madaxtooyada qabsato 2015ka,” ayuu yidhi Danjire Michele. Waxaanu intaas ku daray, “Waxa aan sidoo kale kulan la yeeshay safiirka Ingiriiska iyo bulshada caalamka oo aanu ka wadahadalnay in la taageerro siyaasad iyo dhaqaale ahaanba nidaamka. Somaliland waxay rikoodh fiican uga yaalaa nidaamka dimuqraadiyada, taas oo ah tusaale la raaco, siina socon doona,” ayuu yidhi Safiirka Michele.

SOMALILANDPOST.NET

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories