HomeSomaliland iyo Britain oo kala Saxeexday Heshiishyo Dhanka Amniga khuseeya iyo Go’aan...

Somaliland iyo Britain oo kala Saxeexday Heshiishyo Dhanka Amniga khuseeya iyo Go’aan Ingiriisku ku dhaliilay Ammaanka Somaliland oo laga noqday

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

photo9Addis Ababa (SLpost)- Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Md.Maxamed Nuur Caraale (Duur) iyo Safiir Ku xigeenka Britain u fadhiya dalka Ethiopia Mr.Chris Allan ayaa galabta si rasmi ah ugu kala saxeexday Magaalo madaxda dalka itoobiya ee Addis Ababa, heshiis ka kooban laba qodob,kaas oo wax-weyn ka tari doona nabadgelyada Somaliland.

Waxaana heshiiskaas goob-joog ka ahaa Taliyaha Ciidanka Booliska Somaliland Sareeyo Guuto Cabdilaahi Fadal Iimaan iyo Taliyaha Laanta Socdaalka Somaliland Maxamed Cali Yuusuf (Maxamed-Cambaro) oo maalmihii ugu danbeeyeyba ku sugnaa dalkaasi itoobiya.

Waxa kale Oo Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Maxamed Nuur Caraale Duur Shaaciyey inay wax iska bedeleen dhawaaqii dawlada Ingiriisku hore ugu dhawaaqday inay xayirtay in loo socdaalo Somaliland, balse imika ay bilaabmayaan socdaalada diblomaasiyiinta Ingiriisku ku imanayaan Somaliland.

  Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Md. Maxamed Nuur Caraale (Duur) oo sharaxaad ka bixinaya labada heshiis ee ay kala saxeexdeen Safiir Ku xigeenka Britain u fadhiya dalka Ethiopia Mr.Chris Allan waxay yihiin waxa uu yidhi “Waxaanu maanta kala saxeexanay laba heshiis oo kala, ka kowaad waxa weeyaan tayeynta shaqaalaha laanta Socdaalka Somaliland iyo goobaha lagu shaqeynayo qalabeyntooda, iyada dhamaan goobaha xuduudaha laanta socdaalka dalka laga soo galo la dhigayo qalab lagu baadho basaboorada fojariga ah, iyada oo loogu deeqay qalab iyo Gadiid dhan lix Baabuur shaqaalahana la tababari doono, una sameyn doona qalab (Database) isku xidha xarumaha dalka laga soo galo oo dhan iyo dhismayaal cusub. Heshiiska labaad waxa weeyaan mid lagu maalgelinayo Ciidanka Booliska Somaliland, gaar ahaan qeybta baadhista danbiyada ee CID-da, waxaana Ciidamada danbi baadhista lagu darayaa ciidan  baadha danbiyada culus oo la yidhaahdo SPU (Special Police Unit), waxaana loo dhisi doona xarun cusub oo loogu qalabeyn doono dhamaanba qalabka baadhista danbiyada oo dhan oo ay qalabkasta ku jiraan oo ay ka mid tahay Biritan-ka farta iyo waxyaalaha kale ee casriga ah ee wax lagu baadho”

Wasiir Duur waxa kale oo sheegay in xarunta cusub ee loo dhisi doono  ciidanka baadhaya danbiyada calculus ciidaan gaarana loo tababari doono, “Xarunta cusub ee SPU-da waxa loo tababari doona ciidaan cusub oodhan lixdan qof oo si gaara loo tababari doono, waxaana ciidaanka SPU-da loo keenay oo la soon doona lix Baabuur”. Ayuu yidhi.

Wasiirka arrimaha Gudaha Somaliland Maxamed Nuur Caraale Duur waxa uu sheegay ka hor intii aanay kala saxeexan heshiiska Safiir kuxigeenka  waxa qado-sharaf maamuus sare ah u sameeyey Safiirka Ingiriiska u fadhiya dalka Ethiopia Mr. Greg Dorey.

photoMar aan weydiiyey Wasiir Duur waxay ku soo kordhinayso heshiisyadani ciidamadda laanta Socdaalka Somaliland Iyo Ciidanka CID-da, waxa uu ku jawaabay, “Waxay ka bedeli karaan wax-weyn oo aqoontooda kor ayaa loo qaadayaa oo qalab ayaa la siinayaa,waxaanay labada heshiisba wax weyn katarayaan nabadgelyada qaranka Somaliland, waana laba heshiis oo qaranka qiimo-weyn u leh”.

Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Md.Maxamed Nuur Caraale (Duur) waxa uu qirey inay wax ka bedeleen dhawaaqi Ingiriiska ee Somalilan, waxa uu yidhi“Waxay Safaaradu qirtey in wax ka bedel lagu sameeyey dhawaaqi ka soo yeedhay dawlada Ingiriiska ee lagu xayirayey in loo socdaalo Somaliland, oo FCO oo dib loo eegayey inay Somaliland nabadgelyo tahay, waxaana imika bilaabmaya dhaqdhaqaaqii iyo isu-socodkii masuuliyiinta diblomaasiyiinta Ingiriiska ee Somaliland”

Heshiiskan uu soo saxeexay Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Maxamed Nuur Caraale Duur ayaa waxa uu Somaliland ugu fadhiya qiimo weyn.

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories