Home“Somaliland iyadaa uga xaq leh Somaliya inay Isku sheegto Waddan jira oo...

“Somaliland iyadaa uga xaq leh Somaliya inay Isku sheegto Waddan jira oo madax-bannaan” – John J. Tkacik, Jr

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

 

Hargeysa (SLpost)- Dibloomaasi u dhashay dalka Maraykanka oo lagu magacaabo John J. Tkacik, ayaa sheegay in Somaliland uga xaq leedahay dhiggeeda Soomaaliya inay buuxinta shuruudaha dowladnimo iyo dhismaha waddan madax-bannaan oo haykalkiisa dowladnimo shaqaynayo oo beesha caalamku u aqoonsato.

John J. Tkacik oo xilligan ah sarkaal hawl-gab ah oo ka hawl-gali jiray safaaradda Maraykanka ee Shiinaha iyo dalal kale oo Bariga qaaradda Aasiya ku yaalla, waxa uu dowladnimada Somaliland iyo dimuqraadiyadda ka hana-qaadday iyo dalka Soomaaliya ee uu isbar-bardhigay ku soo qaatay qormo uu si qoto-dheer ugu faaqiday Xidhiidhka siyaasadda Arrimaha Dibadda Maraykanka ee wejahan dalka Taiwan oo uu xusay inay Somaliland ku tallaabsatay badheedhe aanu Maraykanku ilaa xilligan ku dhiirranin oo ku wejahan inuu si rasmi u kala saaro magacyada loo aqoonsan yahay dalalka Shiinaha iyo Taiwan oo kala ah Jamhuuriyadda dalka ee Shiinaha (People’s Republic of China) iyo Jamhuuriyadda Shiinaha (Republic of China) oo ah magaca loo yaqaanno dalka Taiwan.

blankDibloomaasigani waxa uu sheegay in Somaliland noqotay dalka Kaliya ee si rasmi ah u aqoonsaday magaca dhabta ah ee Taiwan marka loo eego dalalka kale ee dalkaasi xidhiidhka la leeyahay kuwaas oo Maraykanku ku jiro. “Dhammaan dalalka kale ee xidhiidhka diblomaasiyadeed la leh Taiwan waxay  runtii aqoonsan yihiin magaca Republic of China halkii ay ka aqoonsan lahaayeen Taiwan,” sidaas ayuu yidhi dibloomasigan hore uga shaqayn jiray Siyaasadda Arrimaha Dibadda Maraykanka, waxaanu xusay in Somaliland noqotay dalka koowaad ee aqoonsaday Magaca Taiwan.

John J. Tkacik oo wakhtigan ah Agaasimaha barnaamij lagu soo bandhigo horumarka iyo Mustaqbalka qaaradda Aasiya oo ay iska leedahay Xarunta Qiimeynta iyo Istiraatiijiyada Caalamiga (International Assessment and Strategy Center), waxa uu sidoo kale is-barbardhig ku sameeyey qadiyadaha dowladnimo iyo dedaallada Aqoonsi-raadinta ee Somaliland iyo Taiwan.

“Somaliland waxay aqoonsatay Taiwan dhawaan.  Somaliland waxay ka madax-bannaan tahay Soomaaliya ilaa sannadkii 1991-kii kaddib dagaallo iyo iskahorimaadyo lagu riday dowladdii uu hoggaaminayey kaligii taliyihii Maxamed Siyaad Barre. Si la mid ah Taiwan lafteeda, Somaliland waxay ku dhalatay dagaal. Waxay lahayd nidaam dowladnimo oo Gumaysigii ka tagay, sharciyo, luuqad iyo lacag ay ku kala duwan yihiin deriskeeda Soomaaliya oo ay xoog kula midoobeen 1960-kii. Dulmigii Soomaaliya ay ku haysay xaquuqda siyaasadeed ee Somaliland ayaa waxaa ka dhashay dagaalo qadhaadh oo sababay burburka Soomaaliya. Haddana, Somaliland way badbaaday oo horumar bay samaysay. Sannadkii 2000, xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay wuxuu ku sifeeyey Somaliland inay tahay meel xasiloon oo dhisan marka loo eego Soomaaliya oo lagu tilmaami karo meel fowdo,” sidaas ayuu yidhi Dibloomasigan oo isbar-bar dhigay Somaliland iyo Taiwan.

Sidoo kale, waxa uu dibloomaasigani soo bandhigay kala-duwanaanshiyaha u dhexeeya nidaamka dowladnimo ee Somaliland iyo Somaliya, isagoo xusay in Somaliland ka mudan tahay dhiggeeda Somalia sheegashada halkal dowladnimo oo garowshiinyo ka haysta beesha caalamka.

“Somaliland waxay xaq u leedahay inay isku magacawdo dal jira oo dowladnimado ka jirto marka loo eego Soomaaliya. Sannadkan 2020, Somaliland waxay tusaale u tahay xasiloonida Afrika iyo dimuqraadiyad hanaqaaday oo ka duwan Soomaaliya oo ay argaggixisadu halakeysay. Iyadoo Taasi jirto, hadda waxa ah wax lala yaabo in waddankii fashilmay ee Soomaaliya loo aqoonsaday dal madax-bannaan oo ka tirsan Qaramada Midoobay oo laga doorbidayo dalka Madaxa-bannaan Somaliland!” Sidaas ayuu qoraalkiisa ku yidhi dibloomaasiyadani.

“Waxa Marka la eego shuruucda caalamiga ah, waxaad moodaa, inaanay jirin dowlad wanaagsan oo aan laga ciqaabin kuwa arxan laawayaasha ah. Markaa, waxa waajib ah in la qaddariyo sababta ay Jamhuuriyadda Somaliland ugu damqanayso ee ay u siisay maqaamka gaarka ah ee ay Taiwan ka mudan tahay beesha Caalamka.” Sidaas ayuu Dibloomasigan ruug-caddaaga ah ku sheegay qoraalka uu kaga faallooday Meelaha ay iska shabbahaan Qaddiyadaha Somaliland iyo Taiwan,  Sida ay Somaliland uga duwan tahay Soomaaliya iyo sida uu dowladda Maraykanka ugu boorriyey inay Aqoonsiga Taiwan u maraan nidaam la mid ah sida uu ku bilaabmay xidhiidhka dibloomasiyadeed ee u furmay Somaliland iyo Taiwan.

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories