HomeSomaliland Imisa Ayey Ku Jabtay Go’aamo Aan Laga Fiirsan Oo Qiiro Ku...

Somaliland Imisa Ayey Ku Jabtay Go’aamo Aan Laga Fiirsan Oo Qiiro Ku Dhisan Cabdiraxmaan-cadami

Date:

Related stories

Somaliland President Meets Israeli UN Envoy as Diplomatic Push Continues in New York

New York (SLpost)- Somaliland President Abdirahman Mohamed Abdullahi (Irro)...

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Todobaadkii hore Hotel-ka Maansoor waxaa laga furay shir muhiim ah oo ujeedadiisu ahayd in lagu dajiyo siyaasada cusub ee wasaraada waxabrashada JSL sanadaha soo socda.

1

waxa isugu yimi aqoon-yahano tiro badan iyo xeel dheerayaasha bahda waxbarashada si loo tuujiyo maskaxda gaaxatay ee qaybaha kala duwan ee aqoon-yanada Somaliland. In kasta oo uu shirku socday mudo gaaban oo saddex maalmood ah hadana waxa laga filayaa inay ka soo baxaan talooyin wax ku ool ah oo lagu hawl galo mustaqbalka.  Waa talaabo fiican oo wasiirka cusub lagu amaani karo iyo cid kasta oo maal ama maskax kaga qayb gashay qabsoomida iyo habsami u socodkii shirka. Hase ahaatee sida caadada inoo ah shirka lagama ilaalin soo jeedimaha hanfaduhu ku soo dhex tuuro shirarka noocan oo kale ah oo markiiba si deg deg ah loo la boodo ama markiiba laga  dhigo go’aan rasmi ah.

Hadaba fekrada sida lama filaanka ah madasha loogu soo dhex tuuray waxaa ka mid ahaa in dugsiyada hoose/ dhexe af-soomaali wax lagu baro; kama soo horjeedo in wax lagu barto afka hooyo laakiin waxaa ka horeeya in la sameeyo daraasad cilmiyeysan si loo ogaado suurto galinimada iyo saamaynta is badalku la iman karo iyada oo laga eegayo dhincyo badan sida dhaqaalaha ku bixi kara, agabka kala duwan ee waxabrashada, macalimiinta, iyo psychology-ahaan u diyaar-garawga marxalada kala guurka.

Dhanka kale dooda aqoon-yanahda qaarkood waxaa ka mid ahaa in luqadaha ajinabigu ku adagtay caruurta Somaliland, waxase aragtidaa beeninaya cilmi baadhis casri ah oo lagu ogaaday in ardayda yaryar ee dugsiyada hoose/dhexe ay si fudud u baran karaan 5-6 luqadood. Khubarada cilmi baadhistan sameeyey waxay tusaale u soo qaateen caruurta wadamada ururka reer Yurub (EU-da) oo loo yaqaano “Euro kids” kuwaas oo si la yaab leh u barta afafka inta badan dalalka xubnaha ka ah EU-da oo leh xuduudo isku furan oo si xor ah lays-kaga gudbo .

Hadaba caruurteenu kama garaad hoosayso kuwa reer Yurub sidaadaraadeed waxay wax ku baran karaan luqado tiro badan oo ajinabi ah; isla markaa ardayda afka Soomaaliga wax ku barta kama aqoon fiicna kuwa afka Carabiga ama Ingiriisiga wax ku dhigta sida dadka qaarkood qabaan. Geesta kale afka Soomaaliga waxa la qoray dhawaan, waxa loo qoray si qarbo-qarbo  ah isaga oo wali taabo gelina wuxuu la burburay dawladii Soomaaliya sidaas awgeed afka Soomaaligu ma gaadhin mana gaadhsiina heer la saxar tiray oo gundhig looga dhigi karo waxbarashada Somaliland.

Si kastaba ha ahaatee masuuliyiinta qaranku waxay dadweynaha isku tusaan inay yihiin rag iyo dumar wadaniyadu biyo dhigatay markaas ayey soo saaraan go’aamo xagjir ah oo lagu jabo oo dalka waxyeelo u keeni kara ama khilaaf abuuri kara, halkaa kuma eekaadaan waxaad arkaysaa hadana iyaga oo qaranimadii ka tagay oo u ololayna qabiil. Marka diinta lag hadlayo dhamaanteen waxaynu nahay culimo seef la bood ah, marka goobta laga soo baxana ma lihin iiman.

Bal u fiirso tusaalahan kale iyo doodaha lagu gorfeeyo xaqiijinta qadiyada madax banaanida Somaliland iyo xamaasada ka muuqata iyo hadana sida ay madaxdu aanay ugu heelaynan; si kale haddii loo dhigo wadaniyadeenu waa dhalanteed, diinteenu waa ku muraadso, qaranimadeenuna waa ku meel-gaadh.

Gabogabo: wasiirka iyo madaxda kale ee wasaarada waxaan u soo jeedinayaa in mashruuca gacanta loo taagay ee ah in af-soomaali ardayda wax lagu baro iyo kuwa kasta oo la soo jeediyba aad looga fiirsado ama si wayn looga baarandego ka hor inta aan loo gudbin golaha wasiirada. Mar kale madaxda qaranka waxaan u soo jeedinayaa in aan lagu daalin tayeynta waxbarashada Somaliland haddii aan xaqiiqada la waajihin oo si dhab ah aan loo abaarin duruufaha ku xeeran macalimiinta dugsiyada dawladu maamusho.

Cabdiraxmaan Cadami

abdirahmanadami@gmail.com

 

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories