HomeSomaliland: Iibka Shidaalka oo Qiimo Go'an loo Dejiyey Wakhti Cayiman

Somaliland: Iibka Shidaalka oo Qiimo Go’an loo Dejiyey Wakhti Cayiman

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)- Xukuumadda Somaliland, ayaa qiimo cayiman u dejisay Shidaalka kala duwan, gaar ahaan Naaftada iyo Baatroolka oo sicirkoodu kor u kacay toddobaadyadii u dambeeyey.

Wareegto ka soo baxday Wasaaradda Ganacsiga, Wershadaha iyo Dalxiiska Somaliland, ayaa lagu jaan-gooyey qiimaha soo dejinta ilaa heerka tafaariiqda ee labadan nooc ee Shidaalka ah, taas oo lagu dhaqmi doono muddo bil ah.

blankWasiirka Wasaaradda Ganacsiga, Wershadaha iyo Dalxiiska Maxamed Xasan Sacad Saajin oo ku saxeexan wareegtadan oo uu maanta soo saaray, waxa loogu digay ganacsatada soo dejisa iyo kuwa tafaariiqda ku iibiya shidaalka, kuwaas oo haddii ay ka dhega-adaygaan tallaabo laga qaadi doono, sida uu sheegay Agaasimaha Guud ee Wasaaraddaas oo warbaahinta u akhriyey wareegtadan oo dadweynaha lagu faray inay soo ashkateeyaan Shirkadaha ama meheradaha u hoggaansami waaya waregtada ee wax ku Iibiya qiimo ka sareeya kan loo jaan-gooyey.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Ganacsiga, Wershadaha iyo Dalxiiska Eng. Cabdiraxmaan Maxamed Maxamuud (Ab-deeq) oo faahfaahin ka bixinayey Wareegtada ayaa tilmaamay in Litirka Shidaalka Naaftada ah loo dejiyey in lagu Iibiyo lacag dhan 5,200 oo Shillin oo marka lacagta Dollar-ka loo bedello noqonaysa $ 0.62 Dollar, halka Litirka Baatroolka ah loo jaan-gooyey in lagu iibiyko 5,600 SL/SH.

Qiimahan ayaa ka hooseeya Sicirka todobaadyadii u dambeeyey lagu Iibinayey labadan nooc ee Shidaalka, kaasoo Litir-ka Baatroolka ah la siinayey 6,000 SL/SH, Naaftaduna boqolaal shillin ka hoosaysay.

Agaasimaha guud ee Wasaaradda Ganacsiga waxa uu sheegay inay tallaabadan xukuumaddu uga dan leedahay inay gaadiidka gurmadka Biyo-dhaanka samaynayaa u helaan qiimo macquul ah oo ay Shidaalka ku Iibsadaan.

“Shirkaddaha Shidaalka ka ganacsadaa waxa ay u qaybsamaan saddex, qaar soo dejiya, kuwo shirkaddaha soo dejiya ka soo jimlata iyo qolada tafaariiqda ku iibiya.
Go’aankani waxa uu khuseeyaa saddexdaas qolo ee kala sareeya oo ah:- Kuwa soo dejiya Shidaalku waxa loo gooyey in aanay dhaafin Foostada Naaftada ah $106.15, halka Baatroolkuna uu noqonayo $111.92.

Shirkaddaha soo dejiyeyaasha Jumlada kaga soo iibsada, waxa loogu talo galay inay ka faa’idaan Foosto walba laba Dollar iyo Badh ($2.5) oo ay iyaguna kuwa tafaariiqeeya kaga Iibiyaan Foosta Naaftada ah $116.15 Dollar, halka Baatroolka loo jaan-gooyey inay ku Iibiyaan $122.42 oo Dollar,” Sidaas ayuu yidhi Agaasimaha Guud.

“Qolada Tafaariiqda ku Iibisa Shidaalku, marka laysku daro kharashka soo qaadista Naaftada Foostadii lagaga soo qaadayo Berbera $3.5 Dollar, Baatroolkana $4 Dollar, marka labadaas kharash loo geeyo iyo Faa’iidadooda oo naaftada $5 Dollar ah iyo Baatroolka oo 6 Dollar ah, Ninka Kaalinta haystaa waxa uu Halka Litir ee Naaftada ah ku Iibinayaa $ 0.62 oo u dhiganta SHSL 5,200, halka uu Baatroolkana ku Iibinayo $ 0.66 Dollar oo u dhiganta 5,600 SL/SH,” ayuu yidhi Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Ganacsiga iyo Wershadaha Somaliland.

Agaasimaha oo hadalkiisa sii wata waxa uu intaas raaciyey in wareegtadani muddo bil ah shaqayn doonto, wasaarad ahaanna ay dabagal ku samayn doonto dhaqan-gelinta go’aankan, ciddii fulin waydana talkaabo laga qaadi doono.

“Wareegtada Wasiirku soo saaray waxa ay shaqayn doontaa muddo bil ah, cidii ku dhaqmi wayda waxa laga qaadayaa talaabo sharciga waafaqsan, sidaasi darteed waxa aan dadweynaha ku war-gelinayaa in ay soo sheegaan cidii qiimahaas wax ka duwan suuqa ku Iibinaysa Shidaalka inay soo sheegaan muddadaas bisha ah,” ayuu yidhi Agaasimuhu, waxaanu intaas ku daray, “Wasaaraddu waxa ay balanqaadaysaa inay joogtayso dhaqan-galka wareegtadaas oo ay ku kormeerto suuqyada, si xilliga lagu jiro ee adag ay kaga qayb-qaadato sidii dadka loo gaadhsiin lahaa Biyo-dhaan ee ay gaadiidku u heli lahaayeen shidaal jaban,” sidaas ayuu yidhi Eng Cabdiraxmaan Maxamed oo sheegay in dhaqan-galka go’aankani ka bilaabmayo maanta oo Axad ah.

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories