Home“Somaliland Himilladeeda Wey Gaadhaysaa, Heer Fiicanna Way Maraysaa”- Dr. Maxamed-Rashid Sheekh...

“Somaliland Himilladeeda Wey Gaadhaysaa, Heer Fiicanna Way Maraysaa”- Dr. Maxamed-Rashid Sheekh Xasan

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa  (SL.Post) Wasiiru-dawlihii hore ee wasaaradda arrimaha dibada Somaliland Dr. Maxamed Rashiid Sheekh Xasan, ayaa si qoto leh uga hadlay qaddiyada Somaliland iyo qaabka looga gun gaadhi karo ka midho dhalinteeda. Dr. Maxamed-rashiid Sheekh Xasan oo Qormo Dublamaasiyadeed oo uu qalinka u qaatay toddobaadkan kaga hadlay dhawaaqyadii kasoo yeedhay Beeesha Caalamka iyo mawqifka ay Somaliland ka taagan tahay madax banaannideeda iyo ka midho dhalinta hayaankeeda dublamaasiyadeed, waxaa uu nacasnimo ku tilmaamay in marka horeba ay  muhiim tahay in reer Somaliland  laabta ku hayaan in aanay cidina waxba yeeli karin qarannimadooda, taas bedelkeedana ay muhiim tahay in aanay weedho la yidhi waxba ka bedelayn xaqiiqada ka jirta somaliland.

 

maxamed-rashiid

Qormada uu Qoray Dr. Maxamed-rashiid Sh. Xasan, ayaa u dhignayd sidan:-

 

Maalmahan waxa wararka ku jiray laba war-murtiyeed oo kala dambeeyey. Mid ka soo baxay shirkii IGAD ee Muqdisho lagu qabtay laguna sheegay in dawladaha IGAD ay qaddarinayaan xuduudaha iyo midnimada Soomaaliya iyo mid ka soo baxay Beesha Caalamka ee doorashooyinka ka taageerta Somaliland, kaas oo ay ku muujiyeen walaac ay ka qabaan dib-u-dhaca doorashada Golaha Wakiillada. Marka koowaad waxa muhiim ah in aynu ogaano in weedhahaasi aanay xaqiiqada Somaliland ka jirta waxba ka beddelayn. Dad badan baa shakiyey oo mooday in Somaliland ay dhibaato soo gaadhay. Waa innagu doqoniimo haddii aynu aamino in laba war-saxaafadeed ay wiiqi karaan waddankii aynu intaa soo dhisaynay.

 

Beesha Caalamku meel kasta adduunka war-saxaafadeed bay intaa soo saaraan. Waxaynu tusaale u soo qaadan karnaa kuwii dhawaan lagu dhalliilay Madaxweynaha Yugaandha Yoweri Museveni oo 30 sanno oo gaw ah dalkiisa u talinayey maalin dhawaydna markii shanaad la doortay. Haddii Dimuqraadiyaddu ay dhab ka tahay Beesha Caalamka waxay tallaabo ka qaadi lahaayeen Madaxweyneyahaasha Afrikaanka ah iyo kuwa kale ee dunida saddexaad ee waddamadooda iska yeeshay.

 

Nin isku tashaday ma itaal yara. Somaliland waxan u arkaa in ay rajadeedu meel wanaagsan marayso, haba jiraan qabyooyin fara badan oo u baahan in aynu wax ka qabano. Waxaan u arkaa in himiladeenu ay marba marka ka dambaysa soo dhawaanayso. Haddii ay ummadi raadinayso wax ay xaq u leedahay, goor ay noqotaba way helaysaa xaqeeda. Cid ka hor joogsan karta iyo cid wax aanay doonayn ku khasbi kartaa ma jirto.

 

Beesha Caalamku waxay Somaliland ka dalbatay in ay Soomaaliya wada-hadal la gasho si loo qeexo waxa uu noqonayo mustaqbalka labada  dhinac. Shuruuddaas Somaliland way fulisay, laakiin waxa xaska dabada galiyey oo wali baqanaya Soomaaliya, sababtoo ah waxay og yihiin in aanay haysan dood macquul ah oo ay miiska la yimaadaan. Beesha Caalamku haddii ay ka shaqaynayaan xal Soomaaliyeed, maxay Soomaaliya miiska u soo fadhiisin laayihiin? Maxay war-murtiyeed uga soo saari laayihiin? Indhahoogu ma wixii Somaliland ka qabyooba ayuun bay arkaan?

 

Waxaynu nahay qaran shaqooyin badan qabsaday, hadafyo badana ka midho dhaliyey. Waxayu nahay qaran buuxiyey, waliba dhaafiyey, dhammaan shuruudihii la innooga baahnaa si la inoo ictiraafo. Waxaynu leenahay xuduudo caalami ah oo sugan iyo dad tiradoodu dhaafayso saddex milyan iyo badh. Waxaynu maraynaa madaxweynihii afraad iyadoo aynu dooranayno madaxweyihii shanaad March 2017. Waxaynu qabsanay shan doorasho oo dunidu markhaati ka ahayd una dhacay xor iyo xalaal. Iyadoo aanay cidina ina gacan qaban ayaynu gacmaha is qabsanay oo aynu dalkeena nabad iyo xasillooni ku soo dabaalnay, nabaddaas oo aan liicin 20-kii sanno ee u dambeeyey. Waxa xaqiiqo ah in dalalka IGAD ku bahoobay marka Kenya laga reebo aynu tusaale ugu noqonayno dimuqraadiyadda.

 

Horumarka Somaliland ku faanaysaa maaha dimuqraadiyadda oo kali ah balse waxay ku tallaabsatay horumar dhinacyo badan ah. Intii uu Madaxweyne Siilaanyo xilka hayey waxaan la dafiri karin in dhaqaaluhu kobcay, isla markaana la horumariyey kaabeyaasha dhaqaalaha oo waddooyinku ugu horreeyaan, waxaa wax badan laga qabtay caafimaadka, waxbarashada iyo xoolaha, waxaana la sugay inta ugu badan xuduudaha Somaliland. Horumarka ugu dambeeya ee aan xusi karnaa waa heshiiska aynu la galnay DP World ee lagu horumarinayo dekedda Berbera, kaas oo aan Ilaahay ka rajaynayo in uu barwaaqo inoo horseedo.  Waxan ku hambalyeynayaa cid kasta oo door ka qaadatay, gaar ahaan Wasiirka Arrimaha Dibedda Dr. Sacad Cali Shire iyo safiirka inoo fadhiya Imaaraadka, Baashe Cawil Cumar.

 

Himilada Somaliland way hirgalaysaa, rajadeeduna way hillaacaysaaye aynu hore u wadno hayaanka!

 

 

Somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories