HomeSOMALILAND: Hay’ad Fadhigeedu yahay Australia oo Xisbiga UCID ka ogolaatay Deeqo Waxbarasho...

SOMALILAND: Hay’ad Fadhigeedu yahay Australia oo Xisbiga UCID ka ogolaatay Deeqo Waxbarasho oo Siddeed Dhakhatar loogu Qaadayo Deeq Waxbarasho oo Takhasusaadka Caafimaadka Indhaha ah (SAWIRRO)

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Sydney (SLpost)- Murashaxa Madaxweynaha ee Xisbiga UCID Jamaal Cali Xuseen oo ay weheliyaan qaar ka mid ah Saraakiisha Xisbiga ee dalka Ustareeliya, ayaa kulan la qaatay Agaasimaha Hay’adda ‘The Fred Hollows Foundations’ oo fadhigeedu yahay dalka Australia.

UCID (4)Masuuliyiinta Xisbiga UCID oo uu hoggaaminayo Murashaxa Madaxweynaha ee xisbiga Aqoonyahan Jamaal Cali Xuseen, ayaa xarunta hay’addaasi ku leedahay magaalada Sydney ee caasimadda Australia kula kulmay Mr Richard Le Mesurier, waxaanay u soo bandhigeen baahiyaadka dhinaca Caafimaadka ee ay hay’addu ka taageeri karto Somaliland.

Hay’adda ‘The Fred Hollows Foundations’, oo dalalka soo-koraya ka taageerta Caafimaadka dhinaca Indhaha, ayaa masuuliyiinta Xisbigu ka dalbadeeen inay Somaliland u fidiyaan tabobar iyo takhasusaad caafimaadka Indhaha ah, waxaanay hay’addu ka Aqbashay isla markaana ogolaatay 8 qof oo la siiyo waxbarasho Caafimaadka Indhaha ah.

UCID (1)Murashaxa Madaxweynaha ee Xisbiga UCID Aqoonyahan Jamaal Cali Xuseen, ayaa sheegay in xisbiga UCID oo metelaya Jamhuuriyadda Somaliland uu hay’addaas ka codsday deeq waxbarasho caafimaadka ah oo loo fidiyo, isla markaana ay ka aqbashay 8 qof oo hay’addaasi u fidinayso deeq waxbarasho oo xagga caafimaadka ah.

UCID (2)“Hay’adani waxay la dagaalanta Indho-la’aanta dunida saddexaad, waxayna ka hawl gashaa 20 waddan oo u badan Afrika, waxayna deeqo waxbarasho oo caafimaadka indhaha siisaa dhakhaatiirta iyo kal-kaaliyayaasha (nurses) si ay cilmiga caafimaadka ee indhaha u bartaan si dalalkooda ay uga hawl galaan,” sidaa waxa yidhi Aqoonyahan Jamaal oo sharraxayey Hay’adda iyo Deeqa ay bixiso.

UCID (3)“Haddaba, waxa guul u soo hoyatay Somaliland ah in ay ka aqbaleen xisbiga daryeelka ee UCID in 8 qof deeq waxbarasho xagga indhaha ah ay ugu soo tababaraan Somaliland,” ayuu yidhi Murashaxa Madaxweynaha UCID.

Aqoonyahan Jamaal waxa kale oo uu sheegay, “Waxa la ogyahay in dunida aynu ku nool nahay gaar ahaan dadka dunida sadexaad boqolkiiba sagaashan (90%) uu ku dhaco cudurka indho la’aanta oo si fudud wax looga qaban kari lahaa boqolkiiba siddeetan (80%) cuduradaasi.”

UCID (5)

Hay’adda ‘The Fred Hollows Foundations’ oo sannadkii 1992-kii uu aasaasay Dhakhtar dhinaca Qalliinka ah, ayaa shaqadeedu tahay la-dagaalanka Cudurradda ku dhaca Indhaha ee aakhirka ku keenta Kumanaan Carruur ah oo ku nool dalalka Soo-koraya, inay indha-beelaan. Waxaanay ku taageertaa Qalabka caafimaadka Indhaha, Deeqaha Waxbarashada Caafimaadka Indhaha oo ay kala shaqayso Wasaaradaha Caafimaadka ee waddamo badan oo adduunka ah.
Taalabadan masuuliyadda Xisbiga UCID kaga midho-dhaliyeen deeqda Caafimaadka ah ee ay Somaliland uga heleen hay’addan oo ku-dayasheeda mudan, ayaa ah mid dhiirri-gelinaysa sida ay dadku wax u qabsan karaan, iyada oo aan dawladda oo kaliya wax laga sugin ee iskaashiga dadku wax weyn ka tari karto baahiyaadka dhinaca horumarinta adeegyada bulshada ee dalka ka jira.

SOMALILANDPOST.NET

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories