Home#Somaliland : Gudoomiyaha Maxkamadda Sare oo Fariin Dardaaran ah u Jeediyey Madaxda...

#Somaliland : Gudoomiyaha Maxkamadda Sare oo Fariin Dardaaran ah u Jeediyey Madaxda Gobolka Togdheer.

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

“Dawladnimmadu waa Xubin keliya, markaa Qaranka loo Shaqeynayo in Meel Looga Soo Wada Jeesto waa Lama Huraan..” Prof Adan X Cali Axmed.

Burco-(SLPOST) Gudoomiyaha Maxkamadda Sare Prof Adan X Cali Axmed ayaa ku amaanay Madaxda Gobolka Togdheer wada shaqeynta u dhexeysa, kulana dardaarmay inay shaqada Qaranka meel uga soo wada jeestaan.

Kulan muddo saacado ah qaatay oo Gudoomiyaha Maxkamadda Sare Prof Adan Xaaji Cali la yeeshay Axadii Maamulka Gobolka Togdheer, iyo kuwa Degmada Burco, Madaxda Ciidamada Asluubta & Booliiska ayaa la sheegay in diirada lagu saaray wada shaqeynta ka dhexeysa maamulka Gobolka & bahda Garsoorka, iyo nidaamkii dadweyne dhexdegan dhismaha Maxkamada dib-u-dejin loogu heli lahaa.

uu

Hadalo kulanka ay ka soo jeediyeen masuuliyiintii kulanka ka qeybgashay ayey dhamaantood qireen in wada shaqeyn wanaagsan u dhexeyso.

“hawshu si wanaagsan ayey u socotaa, waxii hawlo iyo qabyo kiisas yaalay Gobolka Togdheer & Goboladda kalena, runtii si fiican ayaad u soo dhamayseen, aadna waad ugu mahadsan tihiin.” Ayuu yidhi Taliyaha Qeybta Booliiska Togdheer

Gudoomiyaha Gobolka Togdheer Mr Xasme oo kulanka ka hadlay ayaa tilmaamay muhiimada wada shaqeynta u dhexeysa masuuliyiinta gobolka joogta, waxaanu yidhi,

“Waanu bogaadinaynaa hawsha aad u timaadeen oo ah hawl-fududeyn dhinaca Caddaaladda ah u samayseen dadkii Hargeysa idiinku iman lahaa ama barriga fog ee Somaliland ka iman lahaa, inaan guryahoodii ugu timaadaan. Bahda caddaaladduna qaabka ay hawsha u wadaan waa tusaale fiican.

Gudoomiye-xigeenka Degmada Burco Mr oo kulanka ka hadlay ayaa sheegay in Gobolka Togdheer yahay gobolkii tallada, waxaanu yidhi,

“Haddaan la wada shaqeyn, shaqo gaar u soconaysa oo saxnaanaysa ma jirto. Gobolkan waxuu ka soo jeedaa gobol tallo, kuwa kalena waxaan kaga duwan nahay, dadku maxkamaddaha ayey faylasha kula yaacaan, balse kuwa dhaqanka lagu xalliyo ayaa gobolkan Togdheer ku badan,”

Gudoomiyaha Maxkamadda Sare Prof Adan X Cali Axmed oo kulanka soo xidhay ayaa faahfaahin ka bixiyey hawlaha u qabsoomay mudadii ay socdaalka shaqo ku joogeen Gobolka Togdheer, waxaanu yidhi,

“Hawlaha Maxkamaddii Sare een soo rarnay, dacwado badan ayey galeen oo Ciqaab iyo Maddani ah, meelo magaalada ka baxsana dacwado ayey ku soo dhegeysteen.

Gudoomiye Adan ayaa sheegay inay jiraan dacwado maxkamadda sare go’aamo ka soo saartay, waxaanu yidhi.

“Dacwado haatan lagu dhawaaqay ayaa jira, dacwadahii fududaa oo dhan, hadday tahay qeybta ciqaabta ama maddaniga, kuwo kale waa lala noqonayaa oo ka fiirsasho badan ayey u baahan tahay.” Ayuu yidhi Gud Adan. Isagoo raaciyey.

“Cabashooyinkii dadweynaha afartii maalmood aanu joognay, waanu dhegeysanaynay, ama hay’adda garsoorka la xidhiidhay, ama si guud, iyagana waanu xallinay.

Gudoomiyaha Maxkamadda Sare, ahna Gudoomiyaha Guddiga Caddaaladda & Gudoomiyaha Maxkamadda Dastuuriga Prof Adan X Cali Axmed oo weedho dardaaran ah u jeediyey madaxdii ayaa yidhi,

“Gobolka Togdheer si sharaf leh ayaad u wada shaqeysaan, laakiin, marwalba Dawladnimmadu waa xubin keliya, markaa, Qaranka loo shaqeynayo in dhinac looga soo wada jeesto waa lama huraan.”

Kulanka Gudoomiyaha Maxkamadda Sare Prof Adan X Cali ayaa imanaya, xilli maalintii shanaad hawlo shaqo la xidhiidha dhinaca caddaaladda & garsoorka u joogaan gobolka Togdheer.

 

 

 

 

 

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories