HomeSomaliland: Guddiga Wanaag-farista oo ka digay in dalka laga xuso Curashada Sannadaka...

Somaliland: Guddiga Wanaag-farista oo ka digay in dalka laga xuso Curashada Sannadaka Cusub ee Miilaadiga

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

 

Hargeysa (SLpost)- Guddiga Wanaag-farista iyo xumaan reebista Somaliland ayaa ka digay in dalka laga sameeyo xaflado looga dabaal-degayo sanadka cusub ee Miilaadiga ee 2020-ka, kaasi oo Foodda innagu soo haya.

blankGuddigu waxay Xukuumadda Somaliland iyo ciidamada ammaanka ugu baaqeen in laga hor tago in aanay dhallinyaradu qabsan xaflado loogu dabaal-degayo sanadka cusub ee 2020-ka.

Xubno ka mid ah Guddigaasi oo uu wehelinayay guddoomiyaha guud ee guddigaasi sheekh Muuse Jaamac, oo maanta warbaahinta kula hadlay xafiiskoodda Magaaladda, ayaa waxay Bulshada kula dar-daarmay in dadka islaamka ah aanay u banaanayn in ay xusaan sanadka cusub ee Miilaadiga, isla markaana diinta islaamku ay dadka muslimiinta ah u banaysay in ay u dabaal-degaan labadda Ciiddood ee Adxa iyo Fidriga.

“Xiligan aan maalmaha soo socda gelaynaa, waa xili uu sanadkii Miilaadiga ahaa dhamaanayo, waxaan markaa ummada islaamka ah uga digaynaa, in aanay wax Ciid ahina inoogu jirin, wax farax ahina inoogu jirin, wax dabaal-deg ahina inoogu jirin, Innaga (Islaamka), Ciiddaheenu waa labadda Ciidood, ee ILLAAHAY SWT cibaado inooga dhigay, kuwaasi oo kala ah Ciiddal Adxaa iyo Ciiddul Fidri. Labadaas ciiddood ayay shareecadeena islaamku amartay, Ciid kale oo ILLAAHAY diintiisa inoogu soo dejiyay ma jirto”, sidaa waxa yidhi Sheekh Muuse Jaamac oo Guddiga ka tirsan

Sheekh Muuse Jaamac waxa uu bulshadda reer Somaliland gaar ahaana dhalinyarada ugu baaqay in aanay qabsan karin wax munaasibado ah oo loogu dabaal-degayo sanadka Miilaadiga ah, isla markaana aan Badaha loo tamashle tegi karin.

Sheekh Muuse waxa uu sheegay in xukuumadda looga baahan yahay in ay tallaabo ka qaado haddii ay bulshadu qaadan waayaan fariintooda.

@HCTV

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories